Qiimaha Caafimaad Ee Dhagayaraha Iyo Saliidiisa

faaidooyinka dhagayaraha

Dhagayarahu waa ubax la qallajiyay oo ka baxa geedka loo yaqaanno “cloves”, Asal ahaan waxaa uu ka soo jeedaa Indonesia, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa dalka Zanzibar.

Dhagayaruhu wuxuiu ka mid yahay xawaashyada caanka ah ee cunnada udugga iyo dadhadhanka macaan u sameeya, sida oo kalana xambaarsan nafaqooyin muhiim ah iyo walxo kale oo caafimaadka faaido ugu jirto.

Warbixinta caafimaad ee dhagayaraha waxaa laga dhaxlay Hindida iyo Shiineeska oo u isticmaali jiray inay ku daweeyaan xanuuno badan

Hadaba Daryeel Maagaziin waxa uu halkan ku iftiiminayaa waxtarka caafimaad ee dhagayaraha iyo saliidiisa.

Nafaqo:

Dhagayaraha waxaa aad ugu badan macdanta manganese oo u fican shaqada maskaxda, lafahana adkeysa. Waxaa kaloo laga helaa faytamin K, kalsiyaam, Potassium iyo maadooyinka “beta-carotene” iyo Eugenol.

Caafimaadka afka:

Dhagayaraha waa xanuun baab’iye aad u wanaagsan waxaana loo adeegsadaa dawaynta ilko xanuunka, sababtuna waa saliidda ku dhex jirta. Waxaa kale oo uu yareeyaa bakteeriyada afka ee keenta huurada, yiridka iyo ilko bololka.

Kansarka:

Dhagayaraha wuxuu alle ku abuuray maado loo yaqaano “Eugenol” oo la arkay inay la dagaallanto unugyada keena kansarka ku dhaca mindhicirrada waa wayn.

Difaaca jidhka:

Dhagayahara waxaa ku jira faytamiin C oo ah sunsaare ka qayb qaata awood siinta difaaca jidhka isagoo  la dagaallama jeermisyada iyo waxa loo yaqaanno “oxidative stress”. Tani waxay xoojisaa difaaca jidhka.

Caafimaadka dheefshiidka:

Dhagayaruhu waxa uu siiyaadiyaa dheecaannada burburiya cunnada wuxuuna dedejiyaa cunno shiidista..Waxaa lagu yaqaannaa inuu yareeyo asshitada caloosha, naqaska caloosha iyo yalaalugada ama lalabada.

Sunsaarista:

Maadada Eugenol ee ka buuxda dhagayaraha waa sunsaare awood leh, waxa ay la dagaallanta sunta, taas oo hadii ay jidhka ku badato keeni kartaa wadne xanuun, sonkorow iyo noocyo ka mid ah cudurka kansarka.

Caafimaadka beerka:

Dhagarayuhu waxa uu caawin karaa kor u qaadista shaqada beerka. Tijaabooyin la sameeyay waxaa lagu arkay in maadada “Eugenol” ee ka buuxda dhagayaraha ay yareyso astaamaha cudurka beer qolfoofidda ama beer xanjoobidda iyo cudurka beer xaydhoobista.

Cudurka sonkorowga:

Maadada eugenol ee ku jirta dhagayaraha waxa ay caawisaa xakamaynta heerka sonkorta dhiigga. Maadadani waxay siyaadisaa hormoonka insulin, waxayna wanaajisaa u dulqaadashada gulukoosta iyo shaqada unugyada soo saara insulin-ta sidaas awgeed waxay hoos u dhiigtaa heerka sonkorta dhiigga.

Caafimaadka maqaarka:

Maadooyinka liddiga ku ah bakteeriyada iyo fangaska ee ku jira dhagayaraha waxay caawiyaan dawaynta findoobka waxayna sare u qaadaan caafimaadka guud ee maqaarka. Tani waa sababta saliida dhagayaraha loogu adeegsado in finanka lagu daweeyo.

Caafimaadka lafaha:

Dhagayaraha waxaa ku jira macdanaha manganese, kalsiyaam iyo magnesium oo caawiya samaysanka lafaha iyo kobcinta caafimaadkooda. Waxaa kaloo la arkay in maadada “Eugenol” ee dhagayaraha ku jirta ay adkeyso lafaha, cufnaantoodana ay siyaadiso.

Caafimaadka hawo-mareenka:

Dhagayaraha waxaa loo adeegsadaa in lagu daweeyo cilladaha hawo-mareenka la xidhiidha sida burunkiitada, neefta, dhaxanta iyo qufaca.

Gaas calooleedka:

Dhagayaruhu waxa uu caloosha ka ilaaliyaa boogaha. Cudurka ay Soomaalidu u taqaanno gastirig wuxuu ku bilowdaa boogo yar yar oo ku samaysma darbiyada caloosha, waxaa badanaa keena bakteeriyada “helicobacter pylori” iyo aashitada caloosha oo xaalufisa lakabyada maqaarka ee caloosha, taasoo sababta in xuubka jilicsan ee calooshu uu dhaawacmo. Daraasado dhowr ah ayaa iftiimayay in dhagayaruhu uu caawin karo ka hortaga iyo dawaynta boogaha ku samaysma gudaha caloosha.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *