Qiimaha Caafimaad Ee Miraha Haylka Iyo Saliidiisa Iyo Cudurrada Lagula Dagaallamo

Haylku waa midho inta badan cunnada lagu darsado si loogu carfiyo, dhadhanna loogu yeelo. Waxaa kale oo haylka iyo saliidiisa loo isticmaalaa dawo ahaan.

Asal ahaan waxa uu ka soo  jeedaa Dalka Hindiya balse caalamka oo dhan ayaa laga isticmaalaa. Wadanka ugu badan ee haylka soo saara waa dalka Guatemala. Waxaa jira labo nooc oo hayl ah mid mid cagaaran iyo mid madow.

Haylku ma ahan oo keliya inuu cunnada udgooneeyo ama macaaneeyo balse waxaa kale oo xambaarsan yahay maadooyin waxtar ballaadhan u leh caafimaadka.

Haddaba Casharkaan waxa uu Daryeel Maagaziin ku iftiiminayaa qiimaha caafimaad ee midhaha haylka.

Caafimaadka afka:

Haylku wuxuu la dagaallamaa bakteeriyada loo yaqaanno “Streptococcus mutans” oo afka bini-aadamka ku badan taas oo keenta ilko bololka iyo caabuqa dhuunta iyo cirridka . Sida oo kale, waxaa uu badiyaa calyada taas oo caawisa sifeynta huurada iyo ka hortagga tarmidda bakteeriyada, sidaas awgeed waxa uu ka takhalusaa af-urka.

Jeermis dile:

Haylka wuxuu Alle ku abuuray maado lagu magacaabo “eugenol” oo leh awood jeermis dile. Maadadani waa tan masuulka ka ah carafta haylka. Cilmi baadhisyo la sameeyay waxaa lagu arkay in saliidda ku jirta haylka ay disho noocyo  bakteeriyada ka mid ah. Waxaa la arkay  inuu haylku uu shaqo ka qabto bakteeriyada “E.coli”, bakteeriyada “Staphylococcus” oo keenta sumowga cunnada iyo bakteeriyada “Campylobacter” oo ka qayb qaadata hurka caloosha.

Kolestaroolka:

Haylku waxa uu yareeyaa heerka dufanka dhiigga ee loo yaqaanno kolestaroolka kaas oo halis ku ah wadnaha iyo xididada dhiigga

Niyad Jabka:

Haddii aad qabto xanuunka niyad jabka, cab shaaha haylka leh maalin kasta. Tani waxa ay yareysaa astaamaha niyad jabka.

Cune xanuunka:

Midhaha haylku waa dawo dabiici ah oo loo isticmaalo cune xanuunka. Waxaa uu kordhiyaa qulqulka dhiigga ee habdhiska hawo-mareenka, waxaana uu yareeyaa qufaca iyo riiraxyada.

Sunsaarista:

Haylku waa uu sifeeyaa kilyaha. Waxaa ku jirta saliid jidhka ka saarta sunta, shaqada kilyahana wanaajisa.

Caafimaadka maqaarka:

Haylku waxa uu hodan ku yahay faytamiin C oo ah sunsaare awood leh. Waxaa kaloo ku jira maadada “phytonutrients” oo kobcisa wareegga dhiigga ee maqaarka, islamarkaana la dagaallanta duuduubka iyo calaamadaha kale ee gabowga.

Hayl budo ah iyo malab la isku qasay oo si joogto ah wajiga loo marsado waxay iftiimisaa midabka maqaarka, waxayna baabi’isaa raadadka finanka iyo nabraha.

Cudurka kansarka:

Haylka waxaa ka buuxo maadooyinka sun-saarista oo la dagaallama cudurka kansarka. Daraasado la sameeyay ayaa muujiyay in haylku uu awood u leeyahay inuu dilo unugyada kansarka.

Ka hortagga sonkorowga:

Haylka waxaa ku buuxda maadada “manganese” taas oo hoos u dhigta halista cudurka sonkorowga.

Cudurka neefta:

Haylku wuxuu uroonyahay hawo-mareenka, waxa uu yareeyaa xiiqsanaanta, qufaca, cidhiidhiga neefsiga iyo calaamadaha kale ee cudurka neefta. Waxa uu wanaajiyaa socodka hawada ee sambabada iyo neefsiga sidaas awgeed wuxuu u fiican yahay dadka qabo cudurka neefta.

Caafimaadka beerka

Haylku wuxuu yareeyaa dufanka dhiigga ee loo yaqaano “Kolestaroolka” iyo xaydha fadhiisata jidhka qeybihiisa kala duwan sida beerka oo iyadana loo yaqaano “Triglyceride”. Wuxuu kaloo yareeyaa halista cudurka beer xaydhoobista aan khamriga ka dhalan.

Caafimaadka caloosha:

Haylka waxaa lagu yaqaanna inuu ka shaqeysiiyo habka dheefsiga cunnada ee jidhku uu kaga faaidaysano nafaqada iyo inuu kordhiyo soo saarista dheecaanka bayl oo wanaajiya cunno shiidista kana hortaga laab jeexa iyo cilladaha caloosha. Cilmi baadhis ayaa iftiimisay in haylku uu ka hortago bakteeriyada “helicobacter Pylori” taas oo keenta gaastriigga iyo boogaha caloosha iyo mindhicirada .

W/D: Hirsi Ahmed

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *