Hababka Sare Loogu Qaadi Karo Caafimaadka Afka

caafimaadka afka, ilkaha

Ma ogtahay in caafimaad afka laga dheehan karo caafimaadkaaga guud ahaan iyo in dhibaatooyinka soo wajaha afkaaga ay si toosan iyo si dadban u saameyn karaan jirkaaga intiisa kale. Si aad uga badbaadid dhibaatooyinkaan baro xirirka ka dhaxeeya caafimaadka afka iyo kan guud ahaaneed.

Waa maxay xiriirka ka dhexeeya

Si la mid ah meelaha qaar ee jirkaaga, afkaaga waxaa ku dabaasha bagteeriya in kastoo aysan laheyn halis. Sida caadiga ah difaaca jirkaaga iyo caafimaadka afka oo la dhowro, sida cadaysiga maalin walba iyo findhicileysiga ayaa gacanta ku haya bagteeriyada. Hasa yeeshee hadii aan la dhowrin nadaafada afka, bagteeriyada waxey gaari kartaa heer ay ku sababi karto infekshanada afka, sida bololka ilkaha, iyo xanuunada ku dhaca ciridka.

Dawooyinka qaar sida kuwa loo adeegsado caburka, xajiinta, xanuunka, kaadi badiska iyo niyad jabka waxey yareyn karaan calyada. Calyadu waxey nadiifisaa haraadiga cunnada iyo aashitada ay bagteeriyada soo deyso, arintaan ayaa ka caawisa qofka sidi looga hortagi lahaa tarmidda bagteeriyada sababi karta dulaan horseedo cudurro.

Xanuunada qaar sida sonkoroow, HIV/AIDS waxey hoos u dhigaan iska caabinta infekshanada, xanuunadaan waxey kaga sii daraan dhibaatooyinka soo wajaha caafimaadka afka.

Xaaladaha lala xiriirin karo caafimaad darrada afka

Endocarditis. Waa infekshan ku dhaca dahaarka gudaha ee wadnaha ee loo yaqaano endocardium. Infekshankaan wuxuu dhacaa marka bagteeriya afka ay ugudbto qulqulka dhiigga kedibna ay ku korto meelaha dhaawacmay ee wadnaha

Xanuunada wadnaha iyo xididada. Daraasadaha qaar ayaa tilmaamaya in halbowlayaasha xirma ee sababa xanuunka faalug ay ka dhalan karaan caabuq iyo infekshan ka dhaca afka.

Uurka iyo dhalmada. Ciridka oo caabuqa waxaa lala xiriiriyaa dhiciseynta

Sonkoroow. Sonkoroowgu wuxuu hoos u dhigaa iska caabinta jirka ee infekshanada, xanuunada kudhaca ciridka ayaa inta badan lagu arkaa dadka la nool macaanka.

HIV/AIDS, Lafa beel, iyo asaasaq ayaa ah xanuunada kale eel ala xiriiriyo caafimaad darada afka.

Sidee loo dhowraa caafimaadka afka

Si aad u daryeeshid caafimaadka afkaaga, waa muhiim inaad joogteysid nadaafadda afki maalin kasta:

  • Cadayo maalin kasta ugu yaraan laba jeer adigoo isticmaalaya dawada cadayga
  • Isticmaal dunta lagu findhicisho ee nadiifisa fanaxda u dhexeysa ilkaha
  • Yaree macmacaanka inta u dhexeysa quraacda, qadada iyo cashada
  • Bedel cadaygaaga saddexdi bil mar ama marka burushku uu duugoobo
  • Jadwalkaaga ku darso inaad booqatid dhaqtarka ilkaha lixdi bilba mar si loo soo nadiifiyo
  • Ka fogoo isticmaalka waxyaabaha wata tubaakada

Akhriso: Hababka Loo Horumariyo Quruxda Iyo Caafimaadka Ilkaha

Waa muhiim inaad booqatid dhaqtarka ilka sida ugu dhaqsiyaha badan hadii aad dareentid caafimaad darro afka ah. Inaad ka taxadartid caafimaadka afka ayaa ah maalin gelin aad ku sameysid caafimaadkaaga guud.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *