Qaababka U Fiican Hooyada Uurka Leh Inay U Seexato Iyo Qaababka Khatarta Ku Ah

Qaab jiifka saxda ahi wuxuu muhiim u yahay helidda hurdo tayo leh. Xilliga uurka waxaa aad muhiim u ah in hooyada uurka leh ay hesho ugu yaraan 8 saacadood oo hurdo ah.

Marka aad uurka leedahay waxaad sidaa culeys dheeraad ah sidaas darteed jirkaagu wuxuu u baahan nasiino ku filan. Si kastaba ha ahaatee qaab jiifka xilliga uurka aad ayuu muhiim u yahay.

Dumarka badankoodu waxay ku wareeraan qaabka saxda ah ee loo jiifsado xilliga uurka. Qof walba waxuu leeyahay qaab u jecel yahay inuu useexdo. Dadka qaar ayaa jecel inay dhabarka u jiifsadaan, qaarna waxay jecel yihiin inay u jiifsadaan dhinac-dhinac, halka qaar kale ay jecel yihiin inay beerka u jiifsadaan.

Haddaba qaabkee ugu habboon inay jiifsato hooyada uurka leh?

Qodobadan soo socda ayaa kaa caawin kara inaad doorato qaab-jiifka saxda ah.

Qaab-jiifka dhinaca bidix:

Khubarada caafimaadku waxay isku waafaqsan yihiin in dhinac bidix oo loo seexdaa ay tahay qaab jiifka ugu fiican ee xilliga uurka. Qaab-jiifkani waxa uu kordhiyaa qulqulka dhiigga ee gaaraya uurjiifka, wuxuu caawinaya in ilmaha caloosha ku jira uu si raaxo leh u seexan karo. Haddii calooshu ku xanuunto ama aad dareento ciriiri, qaabkani waa habka ugu fiican ee u jiifsan karto. Hooyada haddii ay jiifsato dhinaca bidix waxaa daga Bararka lugaha iyo gacamaha. waxaa intaas dheer, in qaab-jiifkani uu caawinayo in kilyuhu ay si dhakhso ah jirka uga nadiifiyaan qashinka.

Qaab-jiifka beerka:

Dumarku inta badan way ka baqaan in beerka u jiifsadaan xilliga uurka, sababah jira awgood. Waxaa muhiim ah in hooyada uurka aysan caloosha u jiifsanin gaar ahaan bilaha ugu dambeeyo ee uurka, sababtuna waa inay cadaadis saarayso ilmaha uurka jira.

Qaab jiifka dhabar-dhabarka:

Inkastoo qaab-jiikani uu muuqdo mid aan dhib lahayn, haddana xaqiiqdu waxay tahay inuusan u fiicnayn hooyada uurka leh. Waa la isku dayi karaa bilaha u horreeya ee uurka, laakiin marka miisaanka calooshu si siyaado, dhabarka oo loo jiifsadaa waxay cadaadinayso laf-dhabarta, taas oo keeni karta dhabar xanuun aad u daran. Iska ilaali inaad dhabarka u jiifsato bilaha u dambeeyaa ee uurka khaasatan hadii ay neeftu ku dhibto ama aad leedahay laab-jeex.

W/D: Hirsi Ahmed

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *