Hababka Ay Hooyada Uurka Leh Ku Yarayn Karto Khatarta Kaga Imanaysa Talefanka Gacanta

Kaaha (Radiation) uu sii daayo talefanka gacanta ee casriga ahi waxa ay khatar ku yihiin caafimaadka ilmaha uurka ku jira, gaar ahaan bilaha ugu horreeya uurka. Sidaas awgeed waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in hooyada uurka lihi ay qaadato talooyinka ugu fiican ee khatartaas ka yaraynaya:

  1. Cilmibaadhiso lagu sameeyey khatarta ka dhalankarta talefanka gacanta ayaa lagu ogaaday in kaaha (Radiation) uu sii daayo talefanka gacanta uu raad xun ku yeesho samaysanka iyo kobaca maskaxda ilmaha uur-jiifka ah.
    Meelaha uu talefanka gacanta sida gaarka ah u dhaawaco waxaa ka mid ah in uu yareeyo awoodda samaysanka xogta iyo xusuusteeda, sidaas awgeed haddii hooyada uurka lihi aad u isticmaasho talefanka gacanta waxa ay khatar u tahay in ilmaha uurka ku jira mustaqbalka lagu arko khalkhal dhinaca anshaxa iyo dad la macaamilka ah.

2. Hooyada uurka leh oo kaaha (Radiation) talefanku muddo dheer ku dhacaa waxa ay sababtaa in ilmaha uurka ku jiraa mustaqbalka lagu arko dhugmo yaraan, ama maahsanaan, iyo fudayd iyo qalqaalinnimo badnaan. Waa khalkhal korniinka ah oo xidhiidh la leh Xanuunnada neerfaha, sababtiisuna waa fallaadhaha talefanka gacanta oo dhaawac gaadhsiinaya maskaxda ilmaha, dhinaca kalana raad aan fiicnayn ku yeelanaya awoodda xusuusta ee maskaxda ilmaha.

3. Carruurta marka ay weynaadaan lagu arko khalkhal dhinaca anshaxa iyo habmacaamilka ah, ama qalqaaliga noqda, boqolkiiba 50 ka mid ah sababta ku keentay waa taleefanka gacanta oo ay hooyooyinkood aad u isticmaaleen xilligii ay uurka ku jireen. gaar ahaan Maalintii saddex ama afar jeer oo markiiba mudd dheer yahay talefanka ku hadli jireen. Waxa aanu raadka ugu badani ilmaha ka soo muuqdaa marka uu gaadho toddoba jirka.

4.Hooyada uurka leh ayaa uu iyadana dhibaato caafimaad ku keeni karaa talefanka gacanta. Sida caadiga ah talefanka, kombiyuutarka dhabta la saaro (Laptop) iyo aaladaha la midka ahi waxa ku shaqeeyaan hirar birlabdanabeed, haddii jidhka hooyada uurka leh uu ku dhaco xaddi badan oo hirarkan ahina waxa ay burburiyaan nudaha jidhka.

5. Talefanka gacanta waxaa ku dul nool jeermisyo iyo bakteeriyo badan, marar badan ayaanu Fayras xambaaraa, sidaas awgeed guud ahaanba talada fiicani waa in mar kasta lagu nadiifiyo dareeraha jeermi dilaha ah. Gabadhuna maadaama oo ay xilliga uurka nugushahay, talefanka ay taabanaysaa waxa uu khatar caafimaad u keeni karaa nafteeda iyo ilmaha ay siddo labadaba, sidaas awgeed waa in ay si aad ah uga taxaddartaa, nadaafaddiisana ku dadaashaa.

Waxa ay dhakhaatiirtu hooyada uurka leh kula talinayaan:

  1. Yaree isticmaalka talefanka gacanta, iyo xitaa qalabka la midka ah ee ‘Tablet’ ama ‘iPad’ ka midka yihiin. Gaar ahaan inta aad ku jirto saddexda bilood ee ugu horreeya uurka.
  2. Hooyada uurka lihi ha iska jirto in caloosheeda ay u dhoweyso talefanka gacanta iyo qalabka la midka ah ee casriga ah, waayo waxa ay saamayn aan fiicnayn oo caafimaad darro ku yeelanaysaa ilmaha ku jira uurka.
  3. Iska jir in habeenkii aad talefanka ama ‘Tablet’ dhigto barkimadaada hoosteeda, ama meel kale oo kuu dhow. Waxa ay taasi kaa fogeynaysaa khatarta ah in kaaha iyo hirarka talefanka gacantu ay jidhkaaga muddo ku dhacaan. Sida oo kale iska jir in aad taleefanka gacanta waqti dheer ku hadasho.
  4. Waa ay fiicantahay hooyada uurka lihi marka ay ku hadlayso talefanka gacanta in ay isticmaasho sameecadaha Dhegaha ama ay shiddo sameecadda codka, waxa ay taasi ka fogeynaysaa in fallaadhahaasi ay toos ugu dhacaan jidhkeeda.
  5. Hooyada uurka leh waxaa looga digayaa in ay talefanka geliso gosheeda, ama dhigto meel ku dhow caloosheeda.
  6. Iska fogee taleefanka gacanta marka Ateenada ama shabakaddu ay daciif ku tahay goobta aad joogto.
  7. Marka aad seexanayso xidh ama iska durgi taleefanka gacanta.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

sayidaty.net

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *