Isla-Hadalka Ama Isla-sheekeysiga (Self-talk)

Isla-hadalka ama Isla-sheekeysiga (Self-talk) waa arrin aad u badan oo lagu arko dad kala duwan, waxaana la rumaysan yahay in isla hadalku uu saamayn ku yeelan karo kalsoonida qofka, taas oo noqon karto mid fiican (Positive) ama mid xun “negative”.

Isla-hadalku ma ahan cillad dhimir ama waalli sida dadka qaar ay aaminsan yihiin, laakiin waa muhiim in qofka uu ogaado islahadalkiisu nooca uu yahay, waxa uu badanaa ka hadlo, ujeedada isla-hadalkuna waa inuu noqdaa mid qofka farxad galinayo, rajo ku abuuraya, ama niyada u dajinayo ama culeys iskaga qaadayo, waana inuusan noqon mid canaan ah oo kalsooni darro iyo cadho laga qaadayo.

Inta badan qofku wuxuu islahadlaa markii aan la ag-joogin iyadoo badanaa qofka uu ka welwelo in la maqlo ama la arko isagoo isla hadlayo, sidaas awgeed wuxuu qofka doortaa goob aan laga maqlayn, sida markuu suuqa ama iskuulkaa ka soo socdo kaligiis, markuu guriga kaligiis joogo, suuliga ku jiro markuu kaligiis yahay, howlna uu hayo sida dhar dhaqista, guri xaaqista iyo cunno-karinta, jikaduna waa meesha ugu badan ee haweenka ku sheekeystaan. Isla-sheekeysiga wuxuu ku xiran yahay qofka siduu dareemayo, xaaladaha badanaa uu qofka bilaabo waa markuu faraxsan yahay ama uu xanaaqsan yahay.

Waa maxay farqiga u dhexeeya isla-hadalka Faa’idada leh iyo midka khaasaraha leh?

Isla-hadalka faa’idada leh (positive self-talk) :

wuxuu qofka ku beeraa dareen farxadeed, inuu isku bogo, inuu iska helo, inuu isku kalsoonaado, ama inuu go’aan gaari karo.

Tusaale: “Dharkaan way igu qurxan yihiin”, “Imtixaanka waan ku baasi doonaa”, “arrimahaygu way hagaagi doonaan” 

Tusaalooyinkan kore waxay muujinayaan in qofka uu isfaaninayo, isa sabarsiinayo,, isku bogayo ama isdhiira gelinayo, kuligoodna waa wax u fiican kalsoonida qofka. Waa arrin muhiim ah in qofku isbaro dabcigaan.

Isla-hadalka khasaarada leh (Negative self-talk):

Wuxuu qofku iskula hadlaa erayo niyadjab, rajo xumo, iyo canaan u badan.

Tusaale: “Dharkaan waan ku foolxumahay”, “Qof kasta wuxuu ii maleeyaa inaan doqon ahayn”, “wax ii hagaagaya ma lahan”. 

Qofka dabcigaan joogteeya waxaa ku imaan kara xanaaq iyo dabci xumo

Sidee Isla-hadalkeyga ugu dhigi karaa mid faaido ii leh?

Ugu horreyn waa inaad u kuu gashaa waxaa aad sheegto si aad u ogaato nooca aad tahay. Ma Waxaa tahay ruux isla-hadalku faaiido u leeyahay mise ruux uu dhibaato u kordhinayo.

haddii aad aragtid isla-hadalkaagu inuu faa’ido soo wadin, waa in aad is dareensiisaa ama is-bartaa in aad u hadashid sidii in lagu ag joogo, ama lagu maqlayo. Arrintani waxay maskaxda ku tababaraysaa inay soo saarto hadal aan ku dhaawacayn. Teeda kale haddii isla-hadalkaagu uu u badan yahay su’aal waa waa inaad jawaab fiican u raadisaa.

Tusaale: haddii aad is waydiisid, “maxaan sameeyaa?” waa inaad dajisaa khuddo faa’ido kuugu jirto. Haddii aad dabcigaas ku dadaashid, isla hadalkaagu wax dhib ah kuuma keeni doono insha’llah.

Sidoo kale waxaa muhiim ah in qofku ogaado  in isla hadalku uusan ahayn waalli bilaw ah. Haka welwelin waxa dadka kale ay kaa aaminsan yihiin. Dabcan dadkeennu haday arkaan qof isla-hadlaya waxay yiraahdaan: “Hebel wuu waalan rabaa”  “hebel waa lasoo hayaa” iwm.

Waxaa la arkay in dadka i isla-hadalkoodu yahay nooca faaidada leh (Positive self-talk” ay badanaa ka badbaadaan isku-buuqa iyo stresska, Waxaa kaloo la arkay inay ka badbaadaan cudurrada stressku-ku soo saaro sida sonkorta, dhiig-karka iyo wadne qabadka.

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *