Dadka Qaar Mabaadii’dooda Iyo Mowqifkoodu Waxa Ay Isla Beddelaan Dantooda Shakhsiga Ah!


Nin doonayey in uu tijaabiyo cadaaladda garsoorka deegaankiisa ayaa Ey dhintay ku dhex aasay xabaalihii dadka.

Dadkii oo aad uga xun arrintan ayaa dacwad u gudbiyey garsoorihii maxkamadda oo isna u yeedhay ninkii. Garsooraha qudhiisa oo ka cadhaysan ayaa ninkii weydiiyey in uu qabo eeddan, isna kama uu qarin ee waa uu qirtay. Markii sababta la weydiiyeyna waxa uu sheegay in uu fulinayey dardaaranka Eyga oo ahaa in xabaalaha dadka wanaagsan lagu aaso.

Garsoorihii inta uu mar kale sii cadhooday, ayaa uu weydiiyey sida ay ku dhacday in uu falkaas foosha xun ku kaco, maxkamaddii weydiisayna ku yidhaahdo ereyadan dheeldheelka ah.

Eedaysanihii waxa uu yidhi, “Garsoore eygani waxa uu ii dardaaramay laba qodob oo ahaa in aan xabaalahaas ku aaso iyo in aan garsooraha degmada oo shakhsi wanaagsan ah, siiyo kun diinaar”

Halkii wax kale laga eegayey ayaa uu garsoorihii yidhi, “Alle ha u naxariisto eygaas geeriyooday”

Dadkii oo la yaabay isbeddelka ku dhacay aragtiidiisana waxa uu ku yidhi, “Ha ila yaabina, markii aan u fiirsaday qisada eygan, waxa aan arkay in uu yahay tafiirta eygii ‘Ahlu Kaaf’ ee Qur’aanku ka warramay.

Kamaal Marjaan

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *