Naasaha Oo Kala Waynaada Ama Kala Dheeraada

Haddii aad isku aragtay in labadaada naas ay kala wayn yihiin, waxba haka welwelin, kaligaa gaar kuuma ahan waa xaalad dumar badan ku dhacda.

Naasuhu waa xubno kamid ah kuwa taranka ee haweenka, inkastoo labada jinsi ee ragga iyo dumarka ahi leeyihiin naaso, hadana waxaa u dheer naasaha dumarka unugyada baruurta iyo tuubooyinka caano mareenka ah. Waa xubno muhiim u ah hooyada iyo dhalaanka. Marka lagasoo tago faa’idooyinka caafimaad ee naasuhu u leeyihiin hooyada iyo ilmaha, naasahu waxay ka qayb qaataan quruxda dumarka. Caafimaad qabka xubnahaan muhiimka ah ayaa lagama maarmaan u ah hooyada iyo ilmahaba.

Hadaba maxay dhakhaatiirtu ka yiraahdeen cabbirka labada naas oo kala waynaada?

Naasaha korriinkooda wuxuu ku xiranyahay qaabka hormoonka “Estrogen-ka” uu u saameeyo iyo jawaab celinta uu naaska ka bixiyo taas oo badanaa bilaabato laba sano ka hor qiyaas ahaan markii gabadha qaangaarto oo dhigga ugu horreeyo ku dhaco.

Estrogen waa hormoon xukumo wareega caadada qofta dumarka ah iyo waxaa kalo uu ka falgalaa nidaamka xubinta wax soo saarka dhanka dhalmada.

Farqiga u dhexeeya labada naas ee kala koray ma ahan wax saa u weyn oo waxaa la yiraahdaa haddii naas gashiga “Bra” uu wada qaadi karo farqigaas wax la sheego ma ahan laakiin haddii naas gashiga uu hal naas uu cariiri ko noqdo, farqiga u dhaxeeyo labada naas wuu badanyahay.

Cabbirka naasaha oo kala wayn ama kala dheer waa arrin walwal ku abuurta dumarka da’da yar.

Naasaha kala wayn ma ahan caafimaad darro. Waa arrin caadi ah, haku timaado hidde raac ama sabab aan la garanayn.

Cabbirka naasaha oo aan isla ekayn waxaa kaloo keeni kara cayilka badan iyo luminta miisaanka. Cayilka jirka fuula siduu ugu kala badan yahay xubnaha kala duwan ee jirka ayuu sidoo kalana ugu kala badnaan karaa naasaha.

Haddii labada naas ay kala wayn yihiin islamarkaana midka weyn uu leeyahay barar, danqasho, burtuqyo, nabro ka soo baxay ama ibta oo dheecaan keenta waxaad u baahan tahay inaad la kulanto dhakhtar.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *