Summadda Maqaarka Oo Kala Jiidmo Ama Jeex Jeexa Jirka (Stretch Marks)

Sumadda maqaarka oo kala jiidmo waa wax lagu arko maqaarka oo ah xariiqmo barbaryaal, laymankaan wey ku kala duwan yihiin midabka iyo dareenka taabashada, midabkana wuxuu u dhexeeya guduud ama basali, marka aad taabatid na waxaad dareemeysaa in maqaarka intiisa kale ay ka godan tahay.

Sumaddaan waxay inta badan soo baxdaa marka uu dhaco is bedel culeyska jirka ah oo degdeg ah, iyo inta lagu guda jiro uurka ama uurka kadib, laymankaan ma ahan kuwo khatar wata, waana kuwo iskood u baaba’aan.

Sumadda maqaarka oo kala jiidmo waxay kasoo bixi karaan meel kasta oo jirka ka mid ah, laakin waxay caan ku yihiin oo lagu arkaa, caloosha, naasaha, qeybta kore ee gacmaha, iyo dabada.

Maxaa sababo

Sumadda maqaarka oo kala jiidmay waxay ka dhalataa marka jirka uu u koro in ka badan xowliga uu maqaarka ku kori karo, taasna waxay sababeysaa in ay go’do laastiiga maqaarka, taas oo keenta iney sameysanto sumadda maqaarka oo kala jiirdmay.

Arintaan waxay caanta hayan waqtiyada qaar sida

  • Dumar badan waxaa lasoo dersa sumaddaan xiliga ay uurka leeyihiin, sababtoo ah maqaarka ayaa kala jiidma si boos loogu helo uurjiifka
  • Sumaddan waxay soo baxdaa marka qofka uu si degdeg ah u siyaadiyo ama u nusqaamiyo culeyska jirka
  • Waxaa jirka cilado qaar oo sababa in sumadda maqaarka oo kala jiidmay ay ufududaato dadka qaar

Yaa halis uga jira

Waxaa halis ugu jira

  • Dumarka
  • Taariikh hore qof u leh
  • Dumarka uurka leh
  • Dumarka dhalay dhalaan culculus
  • Qof cayilan
  • Qof culeyska si degdeg ah uriday ama u koray
  • Isticmaalka dawooyinka loo yaqaano kortiko istiiroyd
  • Dadka qabo ciladaha lagu dhasho ee hiddaha ah

Sidee baan uga hortagaa?

Nasiib darro majirto qaab looga hortagi karo sumadda maqaarka oo kala jiidma, xitaa hadii aad si joogta ah u isticmaashid kareemka, hasa yeeshee inaad ku ilaalisid culeyska jirkaaga cabir wanaagsan, iyo cunidda cunno wanaagsan waxay ka hortagi kartaa sumaddaan oo ku soo baxdo isbedelka culeyska jirka.

In kastoo ay caafimaad tahay in qofka uurka leh uu siyaadiyo culeyska jirka, waxaad weydiin kartaa dhaqtarkaaga, cabirka culeyska ee kugu haboon inaad ku dartid jirkaaga

Sideen isaga daweeyaa?

In kareem la marsado oo la qooyo maqaarka iyo in la cabo biyo badan ayaa la sheegay iney fududeeyaan in ay khafiifiyaan sumaddaan, waxaa kareemyadaas ugu caansan kuwo loo yaqaano “Retinoid creams”. Sidoo kale sumaddaan waa mid mustaqbalka iskeeda u baa ba’do xitaa hadii aan wax daweyn ah lagu sameyn.

Dawo-guri lagula tacaali karo:

Waxaa jira dawooyin-guri oo looga takhalusi karo summadda maqaarka kala jiidma waxayna kala yihiin:

Dacarta:

Dacartu waxay waxtar ballaaran u leedahay maqaarka. Waxay leedahay awood sunsaaris oo caawisa in dhakhso ah bogsiiso summada maqaarka kala jiidma.

  • Mari dareeraha dacarta goobaha diilmaha leh adigoo u daynaya muddo 15 daqiiqo ah, kadibna biyo diiran kaga mayraya.

Castor oil:

Saliidda castor waxaa ku jira walxo dedejiya daweynta diillimaha (stretch marks) iyo cilladaha kale maqaarka ku dhaco.

  • Qandici saliidda castor-ka kadibna mari meelaha diillimaha leh. Udaa 15 daqiiqo, kadibna biyo diirran kaga mayr. Dawadan waxaad isticmaali habeen kasta ka hor intaadan seexan si ay dhakhso kaaga diillimuhu.

Bunka:

Bunka waxaa ku jira waxlaha jirka sunta ka saaro, wuxuu u fiican yahay caddeynta maqaarka, wuxuuna baabi’inta summadda maqaarka kala jiidma. Sidoo kale, bunku, waxaa kobciyaa qulqul wareegga dhiigga.

  • Isku qas 2 qaado bun budo ah iyo in yar oo biyo ah, marka cajiin noqdaan goobaha diillimuhu ku samaysmeen, adigoo u daynaya muddo 5 daqiiqo ka hor intaadan biyo diirran kaga mayrin.

Saliida qumbaha:

Saliid qumbadu waxa ay qani ku tahay maadooyinka sunsaarista, waxayna qoysaa maqaarka. Ku daliig saliid qumbe diiirran meelaha diillimaha leh. Joogtee illaa muuqaalka diillimuhu uu kaa ba’o.

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *