Miraha Ama Furuutka Uroon Hooyada Uurka Leh

Xiliga uurka waxaa lagama maarmaan ah in hooyadu ay cunto cunnooyin nafaqo leh, kuwaasoo aan ku koobnayn hooyada oo kaliya balse uu sidoo kale ka faa’idayo uurjiifka, cunnada fudud ama ay ku badan tahay baruurtu ayaa haboon in aan labadsan xiliga uurka taas badal keedana ay hooyadu joogteyso cunida miraha iyo cunooyinka leh maadada faybarka.

Cunidda miraha ama qudaarta ayaa hooyada iyo uurkujirka ba u leh faa’idooyin muhiim ah, sida in hooyadu ay ka hesho macdanta iyo fiitamiinada ay u baahantahay iyo inay ka hortagaan calool istaaga kaasoo ay ka cawdaan qaar badan oo kamid ah hooyooyinka uurka leh. Hooyada uurka leh ayaa sidoo kale ubaahan in marwalba jirkeedu uusan dareemin qalayl la xariirta biyo la’aan.

Biyaha ayaa hooyada uurka leh ka caawiya samaynta madheerta taasoo nafaqada u gudbisa uurjiifka kana soo gudbiso wasaqda. Waxay kaloo biyuhu u wanaag san yihiin koritaanka ilmaha uurjiifka ah. Hadaba miraha muhiimka ay ee looga baahan yahay hooyada uurka leh inay joogteyso cunitaan kooda waxaa kamid ah todobadaan nooc

Liin macaan/bambeello:

waxay hooyada ka caawinaysa in jirkeeda ay ka dhigto mid qoyan aan biyo la’aan ahayn. Liin macaanta ayaa ka kooban macdanta loo yaqaan folate taasoo qayb ka ah walxaha ay ka samaysmaan unugyada dhiiga cas, waxayna ka hortag wanaag san u tahay inay san hooyadu dareemin dhiig yari iyo nafaqo darro soo wajahda xilliga uurka. Liinta ayaa sidoo kale ka kooban fiitamiin C kaasoo ka hortaga dhaawaca soo gaari kara unugyada jirka. Waxay faa’ido balaaran u leedahay uurjiifka waxayna ka hortagtaa cillad ku imaan karta samaysinka maskaxda iyo xangullaha

Canbaha:

Cambaha ayaa ka kooban fiitamiinada A iyo C, waxuuna muhiimad u leeyahay hooyada uurka leh iyo ilmaha uur jiifka ahba. Hal koob oo canbe ayaa ka kooban xadiga saxda ee ay hooyadu uga baahan tahay fiitaminada A iyo C. fiitamiinka A ayaa muhiimad u leh uurjiifka, waxuuna ka caawiyaa difaaca jidhka xilliga dhalashada iyo kadibba.

Afakaadho:

Waxay afakaadhadu ka kooban tahay macdan ay ka mid yihiin magnesium, potassium iyo choline. Hooyooyinka uurka leh ee cunna ama cabba afagaadhada ayaa waxaa ku yar lalabada iyo calool qabadka taasoo loo aaneeyo macdanta magnesium iyo potassium. Afagaadhada ayaa sidoo kale ka kooban fiitamiinada A iyo C, maadada Iron, iyo xaddi faybar ah. Choline ayaa muhiimad u leh koritaanka maskaxda iyo neerfayaasha uurkajiifka.

Akhriso: Wax Ka Ogow Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Afakaadhada Iyo Cudurrada Ay Ka Hortagto

Liin dhanaan:

Liin dhanaantu waxay ka kooban tahay macaadiin iyo fiitamiino muhiim u leh hooyada uurka leh. Waxaa ay yaraysaa calool istaaga iyo lalabada, waxay siyaadisaa dhalaalka jirka, waxayna u wanaagsan tahay caafimaadka ilkaha. Cunnida liin dhanaanta ama cabida biyaha ay ku jirto liin dhanaanta ayaa ah kuwo muhiim ah oo aan laga tagi karin xiliga uurka leh.

Mooska:

ayaa ka kooban potassium, fiitamiino iyo faybar. Moosku waxuu hooyada uurka leh ka yareeyaa walwalka, isku ururka minka, calool istaagga. Mooska ayaa sidoo kale u wanaag san maqaarka iyo ilkaha.

Beeris (berries)

Nooyacada kala duwan ee miraha ku bahoobay magacaan ayaa ka kooban fiitamiino, macaadiin, kaarbohaydarayt iyo faybar. Hoyada uurka leh ayaa u baahan xadi 60 ilaa 70 boqolkiiba hadii aysan qabin sonkorowga xilliga uurka, waxayna hooyada siinayaan enerji sidoo kale waxay u gudbinaysaa ilmaha.

Tufaaxa:

waxuu tufaaxu ka koobanyahay, faybar, macaadiin iyo fiitamiino, waxuuna hooyada uurka leh iyo uurjiifkaba u leeyahay faa’ido balaaran. Warbixin ayaa sheegaysa in ilmaha ay dhasho hooyada cunta tufaaxa uu yaryahay jaaniska ay ku heli karaan neef. Tufaaxa ayaa qaybta koowaad kaga jira miraha la amaano ee guud ahaan u wanaagsan caafimaadka.

Talo:

Si looga fogaado jeermiska loona tayeeyo nolol wanaaga waxaa muhiim ah inaad raacdo qodobadaan mar walba oo aad rabto inaad cunto ama kaydiso miraha iyo khudradda.

  • Dhaq miraha iyo qudaarta inta aadan cunin ka hor
  • Ka goo kana sifee baraha madmadow ama nabarada
  • Ha cunin qudaar mudo ahayd bilaa qolof ilaa aad dhaqdo maahee
  • Kala fogee qudaarta ama miraha iyo hilibka mar walba

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *