Qaababka Loo Ilaalin Karo Caafimaadka Naasaha

Naasuhu waa xubno kamid ah kuwa taranka ee haweenka, inkastoo labada jinsi ee ragga iyo dumarka ahi leeyihiin naaso, hadana waxaa u dheer naasaha dumarka unugyada baruurta iyo tuubooyinka caano mareenka ah. Waa xubno muhiim u ah hooyada iyo dhalaanka. Marka lagasoo tago faa’idooyinka caafimaad ee naasuhu u leeyihiin hooyada iyo ilmaha, naasahu waxay ka qayb qaataan quruxda dumarka. Caafimaad qabka xubnahaan muhiimka ah ayaa lagama maarmaan u ah hooyada iyo ilmahaba.

Lasocodashada caafimaadka naasaha ayaa ka hortag wanaagsan u ah xanuuno badan oo qaarkood dilaa yihiin sida kansarka ku dhaca naasaha. Inkastoo aysan haweenka soomaalida intooda badani ahayn kuwo ku baraarugsan ilaalinta iyo baaritaanada caafimaadka naasaha, hadana waxaa lagama maarmaan ah in la dareemo muhiimadda ay leedahay joogteynta baaritaanada naasaha. Ku xirnaanshaha dhakhtar ku taqasusay cudurada haweenka ayaa leh muhiimad aad u saraysay. Sida caadiga ah waxaa haboon in la baaro naasaha lixdii biloodba hal mar.

Kansarka ku dhaca naasaha ayaa ah mid bilaa astaamo ah xiliyada ay bilowga tahay. Waxaa dhici karta in haweenaydu ay dareento buro ama boog adag oo naaska kamid ah, iyadoo aysan horey isagu arag wax calaamad ama astaan ah. Arintaan darteed ayaa muhiim ka dhigaysa in lala socdo lana joogteeyo caafimaad qabka naasaha.

Xanuunada ku dhaca naasaha ayaa isagu jira kuwo halis ah oo khatar galinaya nolosha haweeynayda, kuwo caadi ah oo la daweyn karo iyo kuwo wax u dhimaya muuqaalka naasaha iyo dareenka guud ee haweenayda ee la xiriira galmada ama naas nuujinta ilmaha. Waxaa kamid ah xanuunadaan kaankarada, burooyinka, xanuuno ka dhuca ibta naasaha, infegshan, iyo boogaha ay sababaan waraabowga ama isfiilada iyo qaaxadu. Dhamaan xanuunadaan ayaa wax u dhimayaan caafimaadka naasaha walow kaankarada ku dhacda naasaha ay xataa hadii la daweeyo meesha ka saarayso mid ama labada naasba sababtoo ah waxaa lagu daweeyaa qaab qaliin ah.

Caafimaad qabka naasaha ayaa lagu ilaalin karaa baaritaano joogto kuwaaso la maro lixdii biloodba mar.  digniin loo yeesho burooyinka kasoo baxa naasaha ayaa ah mid muhiimadeeda leh, burooyinkaan ayaa noqon kara kuwa aan keenayn wax xanuun ah ama damqasho ah markii la taabto, halka qaarkoodna noqon karaa kuwo ay lasocoto xanuun iyo danqasho saa’id ah.

Hadii aad isku aragto astaamo ama calaamado ay kamid yihiin burooyin aadan garan karin sababta keentay, cuncun, midabka naasaha ama naaska oo is badalay, finan kasoo baxa ibta naaska, ama ibta naaska oo guduha u noqota, waxaa lagama maarmaarn  noqonaysa inaad la kulanto dhakhtar ku taqasusay cudurada haweenka.

Isbadalada ku yimaada naasaha xilliyada uurka, xiliga dhalmadaysnimada, xiliga naas nuujinta iyo marwalba oo haweeyneyda da’deedu korortaba waa isbadalo caadi ah oo aan la xiriirin wax xanuun ah.

Akhriso: Talooyin muhiim u ah haweeney kasta oo u dhow da’da 40 jirka!

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *