KANSARKA NAASAHA: Maxaa Sababo, Yaa Se Halis Ugu Jiro?

Magaca kansar waxa loo adeegsadaa in kabadan 100 cudur oo ka dhasha tarmidda unugyada jirka oo utarma si aan caadi ahayn.

Kansarka wuxuu bilaawdaa markai qaar kamid ah unugyada jirka ay bilaabaan iney u tarmaan si xad ka bax ah, ayadoo aysan jirin sabab loogu baahan yahay iney tarmaan, sida unugyo dhintay ama unugyo dhaawacmay midna, sida caadiga ah unugyada beni aadamka waa kuwo dhinta laakin kuwa kansarka waxay taranka bilaabaan ayagoo aan dhiman, arintaan waa mid badinaysa tirade unugyada, dhanka kale unugyada kansarka waxay sameeyaan wax aysan sameyn unugyada caadiga ah waxa ay gudaha ugalaan xubno iyo cadad kale oo ay ku sii dhex tarmaan.

Tarmida xad la’aanta ah iyo dhex galka qeybaha kale ee kamidka ah jirka ayaa sababa unugyada iney isku badalaan kansar.

Kansarka naasaha waa kansar ku dhaca unugyada naaska, caadi ahaan kansarkaan ayaa waxa uu ku dhacaaa qanjirada sameeya caanaha iyo unugyada caanaha keena ibta naaska. Unugyada kansarka ee an la xakamayn waxa ay weeraraan unugyada naaska kuwa caafimaadka qaba iyagoo is la markaa usii gudbaya qanjirada kale ee jirka. Qanjirada waxa ay dariiq u yihiin unugyada kansarka dhaqaaqooda ee jirka gudahiisa.

Yaa halis ugu jira kansarka naasaha ?

Inkastoo aysan jirin wax yaaba khaas ah oo keena kansarka naasaha, laakiin waxaa jira waxyaaba badan oo saacida amaba soo dedejiya isla markaana fududeeya kansarkan inuu ku dhaco dumarka qaas ahaan waxaa ka mid ah:

  • Da’da: Badana waxa uu ku dhacaa dumar 40ka kor u dhaafay
  • Dhaxal: Xanuunkaan wuxuu kamid yahay xanuunada lakala dhaxlo
  • Taariikh: Hadii mar hora noociisa oo kale horay looga daaweeyay qofka
  • Dhalmo: In laga raago amaba ay da’ ku dhasho haweeneyda

Astaamaha lagu garto kansarka nasaha:

Astaamaha qaar waxaa ka mid ah:

  • Buro ama xanuun naaska laga dareemo
  • Adkaanshaha ama barar qeyb ka mid ah naaska
  • God yar oo maqaarka naaska ka soo baxo
  • Xanuun laga dareemo hareeraha ibta naaska
  • Ibta naaska oo dheecaan aan caano ahayn ka yimaada gaar ahaan dhiig
  • Isbeddel qaabka amaba weyninka naaska

Sidee looga hortagi karaa kansarka naasaha?

Kansarka naasaha malaha astaan gaar ah oo lagu garan karo, sababtaas awgeed majiro wax qaas ah oo looga hortagi karo . Si kastaba ha ahaato , waxaa la qaadi karaa talaabooyim hoos loogu dhigayo halista kansarka iyadoo wax laga badalaayo qaab nololeedka islamarkaana talaabooyin istaraatiiji ah la adeegsanayo sida in la sameeyo dhaqdhaqaaq joogta ah oo kor loogu qaadayo wareegga dhiigga, cunidda cuno wanaagsan, iyo ka fogaanshan sigaarka iyo waxyaabaha lagu sheego iney sababi karaan kansar.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *