Maxaan Asbuucii Toddobo Maalmood u Haysannaa?!

Usbuucu muxuu toddobo maalmood uga kooban yahay? Weydiintan waxa soo tuuray Henry, oo siddeed jira kuna nool magaalada Somerville, USA. Waxaana ka jawaabaya Kristin Heinemam oo baresare oo taariikheed ka ah jaamacadda Colorado State University.

Badankeen waxa ina ku adkaata sugitaanka nasiimada la helo dhammaadka toddobaadka, mar walba waa in aan lix ayaamood sugnaa si ay sabtidu u timaaddo. Waxaan had iyo jeer haysannaa toddobo maalmood usbuucii, muddo aad u dheer ayeyna sidan ahayd. Dadkuna inta badan ma joojiyaan weydiinta ah: muxuu toddobaadku uga kooban yahay toddobo dharaarood?

Gooraynta dhammaan wakhtiyadeena waxaa loo celiyaa socodka meerayaasha, dayaxa iyo xiddigaha. Maalintu waxay u dhigantaa hal wareeg ama geddoon oo dhulku ku sameeyo udub-dhexaadkiisa (orbit), sanadkuna waa dhulka oo wareeg dhammaystiran ku dul-wareega qorraxda, waxayna ku qaadataa 365 maalmood iyo rubuc maalin. Sababtaas awgeed ayaan ugu daraynaa maalin dheeri ah bisha Febraayo afartii sanaba mar; si ay u noqoto sanadkaab?. Laakiin xisaabinta toddobaadka iyo bilaha xoogaa waa adag yihiin. Marxaladaha uu dayaxu maro ma waafaqayso jadwalka qorraxda, iyada oo la ogyahay wareegga dayaxu ku sameeyo dhulka in ay tahay 27 maalmood iyo toddobo saacadood [iyo 43 daqiiqo]. Sanad-qorraxeed walbana dayaxu waxa uu maraa 13 marxaladood.

Ilbaxnimooyinkii hore waxay fiiro-gaar ah ku hayeen socodka jurmiyada fagaaga, waxayna diiwaangeliyeen sadcaallada meerayaasha, qorraxda iyo dayaxa. Baabiliyiin oo ahayd ilbaxnimadii ka soo ifbaxday Mesobotaamiya [Ciraaqda maanta], ayaa kormeer iyo fasiraad xirfad leh ku samayn jirtay socodka jurmiyada fagaaga, iyaga ayaana loo celiyaa mudnaanta ah in aynu usbuucii haysanno toddobo ayaamoood. In ay si gaar ah u doorteen toddobo waxa loo tiiriyaa iyaga oo fiiro-gaar ah ku hayay toddobadii jurmi ee fagaaga waagaas laga yaqaanay. Waxayna kala ahaayeen: Qorraxda, dayaxa, Dusaa(Mercury), Waxara-xir (Venus), Farraare (Mars), Cirjeex (Jupiter) iyo Raage (Saturn). Sidaa darteed, lambarkani muhiimad gaar ah oo astaamaysan ayuu u ahaa.

Reer Baabiloon bil-dayaxeedka waxay ka dhigeen toddobo maalmood, maalinta u dambaysa usbuucana waxay u lahayd ahmiyad diimeed oo u gaar ah iyaga. Muddada bisha ama wareegga buuxa ee dayaxa, waxay ahayd wakhti aad u dheer oo ay adkayd in si hufan hawlaha loo qabto, sidaa darteed reer Baabil waxay u irkadeen in bisha u qaybiyaan afar isla’eg, qayb walbana ka kooban tahay toddobo maalmood. Tirada toddobada gebi ahaanba kuma habboonayn in ay la jaanqaado sannadka qorraxda ama bilihiisa, sidaasna waxa ku jiray xooga iswaafaq la’aan ah. Laakiin maadaama safaaqadda ilbaxnimada Baabiliyoonku ahaa mid ku baahsan oo ku xoog badan bariga soke[Anaadool]-gaar ahaan qarniyadii lixaad iyo toddobaad miilaadiga ka hor- fahanka goortu waa sii socday, iyada iyo fahanno kale oo ay ka mid yihiin: in saacaddu ka kooban tahay 60 daqiiqo oo ilaa maanta aynu u naqaan sidaa.

Fahanka ah toddobaad kooban toddobo maalmood ayaa ku baahay dhammaan bariga soke, waxaana sii qaatay Yuhuudii maxaabiista u ahayd reer Baabiliyoon xilligii ilbaxnimadoodu figta sare joogtay. Ilbaxnimooyin ku hareeraysnaa Baabil ayaa iyaguna qaatay fikradda toddobaadka; waxaana kamid ahaa boqortooyadii Beershiya iyo tii Giriiga. Qarniyo kaddib, fikradda toddobo maalmood waxay ku faaftay bariga soke ilaa laga gaaro Hindiya, taasina waxay timid kolkii Aleksandarkii weynaa uu ku duulay dalalkaas isaga oo ku faafinaya dhaqankii Giriiga. Cilmi-baarayaasha taariikhdu waxay maleeyaan in Hindidu goor dambe fikraddan u gudbisay Shiinaha.

Ugu dambayntii, markii Roomaanku bilaabeen in ay qabsadaan dhulalkii ay ka talin jirtay boqortooyada Giriigu, waxay si kama dambays ah u go’aansadeen in ay hirgeliyaan fikradda toddobo maalmood. Imbaraadoorkii Roomaanka ee Constantine the Great ayaa go’aamiyay in usbuucu yahaya toddobo maalmood oo uu ka dhigay toddobaadka rasmiga ah ee Roomaanka. Sidoo kale Axad kasta ayuu u go’aamiyay maalinta fasaxa tan iyo 321 ka hor milaadiga.

Lama aqoonsanin fikradda fasaxa/nasiinada toddobaadka ilaa xilligan casriga ah iyo qarnigii 20aad mooyee. Inkasta oo ay jireen isku dayo wax lagaga baddelayo jiritaanka toddobada maalmood ee usbuuca (sida goorayntii Gregorian-ka ee ay qaateen Soofiyeedku intii u dhaxeysay 1929-1940, halkaas oo usbuucu ka koobnaa shan maalmood); haddana fikradda toddobada maalmood ee toddobaadkii waa sii jirtay oo ilaashatay joogtaynteeda tan iyo maanta.

Qormadan waxaa lagu faafiyay weebsaydka: The Conversation
W/Q: Kristin Heinemam
W/T: Madasha Tarjumaadda Hoobaan

Tixraaca Qormada:

FG: – Sanadkab-ku waa sanad ka kooban 366 maalmood, iyada oo la ogyahay in sanadku yahay 365 maalmood. Laakiin maadaama wareega dhulku ku sameeyo cadceeda ay qaadato 365 maalin iyo rubuc maalin; ayaa waxa la go’aamiyay isku geynta rubucyadaas iyo in maalin buuxda lagaga dhigo sanadka afraad si loola jaanqaado jadwalka wareega xiddigiska.

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *