Maxaan Akhriyaa?

Maxaan akhriyaa?

Ku soo dhowaada koorsadii la magac baxday sidee baan ku noqdaa qof aqoonyahan oo aan aqoonteyda u dhisaa?

Waxaa jira majaallo aad muhiim ah u ah qofka aqoonyahanka ah inuu wax ka akhriyo si aqoontiisa iyo fikirkiisaba ay u dhisanto oo mar walboo wax ka ogaado majaalladaas fikirkiisa iyo adduun-araggiisubu ay sii dhismaan.

Maadaama aynu nahay dad muslimiin ah waxaan u baahanahay qof aqoontiisu ay dhinacyo badan ka dhisantahay. Maanta qofka doonaya inuu noqdo aqoonyahan Somali ah oo ummadda Soomaaliyeed iyo ummadda muslimiinta ah u bambaxo hadduu Ilaahey gaarsiiyo waa inuu majjaallo kala duwan wax ka akhriyaa.

Qofka aqoonyahanka ee muslimka ah ee Soomaaliga ah ee aan doonayno waxaa aad muhiim u ah inuu si guud aas-aasiyaadka shareecada uu wax uga yaqaanno tusaale caqiiqada oo kale kutub iyo labo uu ka akhriyo, fiqiga hal kutub ama labo kutub uu ka akhriyo, culuumta Qur’aanka kutub iyo labo kutub uu ka akhriyo, taariikhda islaamka uu wax ka akhriyo, kutubta axaafiista uu wax ka akhriyo. Ugu yaraan 25% waqtigaaga inaad gelisid shareecada islaamka.

Aqoonyahanka aan doonayno waa mid garanaya diinta uu u nasab sheeganayo, waayo qof aqoonyahan ah ma noqon kartid haddii aadan garanayn waxyigii samaawiga ahaa ee noloshaan Ilaahay SW u soo dejiyay koonkaan iyo noloshaan ku socoto. Aqoon kastoo kale oo aad barato waxbi kuuma tarayso.

Halkaan hoose ka daawo

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *