Macdanta Manganese: Faa’ideeda, Astaamaha Haddii Ay Jirka Ka Dhacsan Tahay Iyo Cuntada Qaniga Ku Ah

Manganese waa macdan inta badan laga helo xameetida, beerka, kilyaha iyo lafaha. Macdantaan waxay aasaasi u tahay shaqada dheecaan burburiyeyaasha, nuugidda nafaqada ee jirka, bogsashada nabraha iyo kobaca lafaha. Waxay caawisaa hormoonnada galmada, waxay kaloo muhiim u tahay shaqada maskaxda iyo neerfayaasha, sidoo kalena waxay kaalin wayn ka ciyaartaa in jirku uu nuugo macdanta kalsiyaamta iyo nidaaminta heerka sonkorta dhiigga, tan oo ka hortagta cudurka lafo beelka iyo hurka ama lurka (inflammation).

Haddii aadan cunin cuntooyinka macdantaan laga helo waxaa dhici karta inay jirkaaga ku yaraato taas oo sababta dhiig yari, khalkhalka hormoonnada, difaaca jirka oo daciifa, amateed xumo, lafaha oo jilca, daal joogto ah iyo dhalmo la’aan.

Si aad uga hortagto manganese la’aanta ku dedaalka cuntooyinka qaniga ku ah macdantaan ee aan halkaan ku xusayno. Ka faa’iidaysi wacan:

Boorashka:

Boorashku waxa uu ugu horreeya cuntooyinka ugu fiican ee lagu quraacdo, halkii koob oo boorash ah waxaa ku jirta 7.7 mg oo manganese ah. Boorashka waxaa ka buuxo maadooyinka sunsaarista, fiber iyo beta-glucan sidaas darteed wuxuu ka hortagaa buurnida, sonkorowga iyo xanuunnada wadnaha.

Digirta soya-da:

Soya-da waa il muhiim ah oo laga helo manganese iyo barootiin. Cunista digirtaan oo aad joogteyso waxaad ka helaysaa manganese, waxayna hoos u dhigaysaa heerka kolestaroolka.

Qamadiga:

Waxaa ku badan manganese iyo fiber. Qamadigu waxa uu nidaamiyaa heerka sonkorta dhiigga iyo heerka cadaadiska dhiigga. Waxaa kaloo qamadiga ku jirta maadada “luten” oo muhiim u ah caafimaadka indhaha.

Lawska almond:

Lawskaan waxaa ka buuxo manganese, fitamiin E, fitamiinno iyo macdano oo kale oo aasaasi u ah caafimaadka. Cunista lawska almond oo la joogteeyo waxay wanaajisaa xusuusta, waxay ka hortagtaa sonkorowga, xanuunnada wadnaha iyo kansarka. Quraacda ayaad subax walba ku darsan kartaa lawskaan.

Toonta:

Toonta waxay ka mid tahay geedo daaweedyada uu nabigeenna suuban naxariis iyo nabad galyokorkiisa ha ahaatee uu nagala dardaarmay in aan cudurrada iskaga daawayno, waxay qani ku tahay macdanta manganese, waxaa kaloo Alle ku abuuray maado la yiraahdo “alicine”, Waxay kor u qaadaa difaaca jirka iyadoo yaraysaa halista hargabka iyo ifilada. Waxay ilaalisaa heerka kolestaroolka, waxayna xakamaysaa cadaadiska dhiigga.

Dhageyaraha:

Waa dhir daaweed kale oo qani ku ah manganese. Dhageyarahu waxa uu yareeyaa hurka ama lurka (inflammation), xanuunnada hurka u saaxiibka ah waxaa ka mid ah xanuunnada lafaha sida roomaatiisamka iyo riixa.

Chickpeas:

Waa digir caafimaad badan, waana il kale oo laga helo macdanta manganese, digirtaan waxay isku-dheellitirtaa kolestaroolka, waxay kaloo uroon tahay dheefshiidka, saxaradana way jilcisaa sababtoo ah waxaa ku badan fiber-ka.

Bariiska bunniga ah (brown rice):

Bariiskaan isagana wuxuu ka mid yahay cuntooyinka laga helo manganese. Cunista bariiska bunniga ah waxay yaraysaa kolestaroolka xun iyo halista kansarka sida kansarka malawadka, kansarka naasaha, kansarka qanjirka ragga ee prostate-ka:

Cananaaska:

Cananaasku isagnu wuxuu qani ku yahay manganese. Waxaa uu xoojiyaa difaaca jirka, wuxuuna ka hortaggaa cudurka kansarka, wuxuu ka hortaggaa calool istaagga, wuxuuna kobciyaa caafimaadka cunno mareenka.

Mooska:

Waxaa mooska laga helaa manganese iyo macdano kale, wuxuu ka hortaa wadne qabadka iyo faaligga, wuxuu wanaajiyaa caafimaadka kilyaha. Mooska wuxuu sare u qaadaa caafimaadka dheefshiidka, waxaa ku badan maadada “Fiber-ta”, taas oo calool istaagga ka hortagta, dheefshiidkana aad ugu roon.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *