Jooji 4-taan Arrimood Ee Waqtiga Kaa Lumiya Maalin Kasta

Marka aad dhameysid akhriska casharkaan ku saabsan sida loo isticmaalo waqtiga, waxaad heleysaa hadiyad waqti ah oo aad ku sameyn kartid waxyaabo badan oo aad u baahan tahay.

Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa inaad ka takhalustid afar shey si aad u joojisid khasaarinta waqtiga.

Jooji booqashada badan ee internetka

Waxaa marba marka ka sii dambeysa fududaanaya booqashada internetka sababtoo ah waxaan noqonay dad qabatimay internetka. Sidaa darteed waxaa muhiim ah mar hadii aad booqaneyso internetka inaad isku daydid inaad ka dhameysatid wax walba oo aad uga baahneed, si aadan hadhow ugu laaban adigoo fiirinaya ama raadinaya wax aad horay u fiirin kartay.

Sidoo kale waa muhiim inaad xadidid xiliyada aad fiirisid inuu email kuu soo dhacay iyo in kale, waa muhiim inaad waqti u yeeshid email fiiriska, sida subaxdi, duhurradi iyo fiidki. Sidoo kale fariin codeedka mobeelka, fariimaha qoraalka. Yaree waqti lumiska badan adigoo ku taxnaanaya hal jadwal.

Jooji qorshe la’aanta

Dadka inta badan waxey bilaabaan maalinta ayagoon wax qorsha ah u sameysneyn, sidaa darteed waxaa u sahlan iney garan waayaan waxa muhiimka u ah iyo waxa kale ee aan muhiimad sidaas u sii weyn laheyn. Nasiib daro dadka aan qorsheysan waxey si qaldan u aamin san yihiin iney badbaadinayaa waqti. Run ahaanti waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa shan daqiiqo oo aad ku sameysid liiska shaqooyinka muhiiimka kuu ah, samee jadwal maalinle ah. Marka aad sameysid qorshahaaga subax kasta, waxaad guul weyn ka gaareysaa qabsamida howlaha aad u baahan tahay.

Hasoo jiidan in hawlahaaga lasoo dhex galo

Xaqiiqada waxey tahay waxaa jira dad u furfuran in laga jeediyo wadada. Ma is aragtaa adigoo sameynaya shaqo in uu saaxiib kaa soo dhex galo?

Waxaa suurto gal ah inaad adiga casuumeysid in lagaa jeediyo shaqada. Waxaad uga hortagi kartaa inaad iridaha xirato marka aad sameyneyso shaqo muhiim kuu ah.

  • La sheekeysiga asxaabta u yeel waqti gooni ah
  • Aamusi mobeelkaaga
  • Xir internet mobeelka si aadan u isticmaalin

Jooji dib u dhigista qabashada shaqooyinkaaga

Mar kasta oo aad waqti ku lumisid hawl aan muhiim kuu laheyd waxaad dib u dhigeysaa qabashada hawl muhiimad kuu leh.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *