5 Arrimood Oo Dadka Guulaysta Ay Sameeyaan Maalin Kasta!!

Cilmi baadhe Mareykan ah oo lagu magacaabo Tom Corley ayaa muddo sannado ah baadhitaanno ku samaynayay waxyaabaha muhiimka ah ee ay ku kala duwan yihiin shakhsiyaadka dadka maalqabeenka ah iyo dadka kale, baadhis dhinacyo badan ah. Meelaha ay sida gaarka ah hoosta uga xariiqday waxaa ka mid ah caadooyinka maalin laha ah iyo ka faaidaysiga waqtiga oo labaduba si miro dhal ah u caawiya gaadhista guushaas.

Warbixin ay natiijada cilmi baadhistaan ay sameysay shabakad laga yeeyahay dalka Colombia ayaa lagu sheegay in Tom Corley uu daraasad dheer ku sameeyay howl-maalmeedka 233 maalqabeen iyo 128 oo duruufo caadi ah ku nool taas oo natiijada uga soo baxday uu ku qoray buuggiisa Caadooyinka Maalqabeenka (RICH HABITS) oo ku soo aruuriyay in ka badan 200 oo howl maalmeed oo inta badan dadka maalqabeenka ah ay ka sinan yihiin, waxaana uu nuxurkooda ugu muhiimsan yahay in dadka guulaysta ay yihiin kuwo waqtigooda si heer sarraysa uga faa’idaystay.

Maalintu waxay ka kooban tahay 24 saac, haddii aynu sida caadiga u malaynana 8 ka mid ah qofku waa uu shaqeeyaa, 8 kalena hurdo ayuu ku qaataa, 8-da saacadood ee soo haray 2 ka mid ah waa howlaha aas-aasiga ah ee ay ka mid yihiin cibaadada, hurdada maalintii, cunto cunista iyo la joogista caruurta iyo qoyska. 6-da saacadood ee ka soo haray 24-ka saacadood ayaa ah kuwa lagu kala dheereeyo ee hab maamulkooda iyo ka faaidaysigoodu ay sabab u yihiin guusha qofka iyo guul darradiisa.

Waa waqti yar marka la eego xawaaraha ay ku socoto waa se waqti badan marka la eego sida ay suurtagal u tahay in lagu gaadho yoolal qiima ahaan u eg in ay yaryihiin laakiin runtu ay tahay inay caawinayaan gaadhista yoolasha waa wayn.
Hadaba daraasadda uu sameey Corkey waxa ay muujisay in dadka maalqabeenka ah badankoodu ay siyaabahaan uga faaidaystaan 4-ta saacadood ee soo haray.

  1. 60 daqiiqo oo laga fikiro hiigsiga iyo yoolka: in ka badan 80% dadka maalqabeenka ah ee iyagu isa soo saaray waqtigooda qeyb ka mid ah waxay ku qaataan howlaha caawinaya rumeynta riyadooda iyo hiigsiga mustaqbalka ay leeyihiin, howlahaas oo ay kala duwan yihiin laakiin kuwooda ugu horreeya isla markaana ah aas-aasiga ah waa inay dejiyaan faham xeeldheer iyo suurayn ay ku sameeyaan mustaqbalkooda xirfadeed iyo qofeed. Waxa ay xoogga saaraan iswaafajinta waxa maskaxdooda ka dhex guuxaya, howsha ay qabanayaan iyo yoolkooda. Haddii aad yool leedahay waxaad daraasaysaa dhammaan howlaha iyo tallaabooyinka kuu dhoweynaya gaadhistiisa kuwaas laga yaabo qaarkood inay aad u yaryihiin dushana uga muuqdaan in aanay xidhiidh la lahayn yoolka laakiin xaqiiqadu ay tahay inay kugu dhoweynayaan kadibna waqtiga firaaqada uga faaidayso inaad howlahaas aad qabato.
  2. 60 daqiiqo oo ah wax akhris iyo barashada xirfadaada: 80% dadkaan guulaystay 60 daqiiqo oo maalntooda ka mid ah ama ka badan waxa ay ku qaataan dhismaha iyo horumarinta aqoontooda, gaar ahaan aqoonta la xiriirta xirfadooda iyo howlaha ay qabtaan, waxa ay jecel yihiin inay si maalinle ah u daalacdaan qoraallada kala duwan ee laga sameeyay mihnadooda si ay u kobciyaan aqoontooda guud isla markaana ula socdaan una dhaqan geliyaan isbadallada ku yimaada xirfadaas. Caadaysiga dabeecadaas waxa ay si joogto ah u xoojisaa kartida iyo waayo aragnimada qofka, waxaana ay ka dhigtaa mid la socda wax kasta oo howlaha uu ka shaqeeyo ku soo kordha una kordhinaya fursado uu guushiisa ku sii adkeysto ama haddii uu maalqabeen yahay faaido maaliyadeed oo dheeraad ah uu ku kordhisto.
  3. 30 daqiiqo oo jimicsi ah: Maalqabeennada uu Corley daraaseeyay waxa ay ka sinnaayeen inay ku dedaalaan cuntooyinka caafimaad ahaan u fiican jidhka iyo inay sameeyaan jimicsi ugu yaraan 30 daqiiqo maalintii ah. Hore ayay xeeldheerayaasha caafimaadku u sheegeen in labadaan arrimoodba ay wanaajiyaan xaaladda nafsadeed ee qofka islamarkaanaa ay xoojiyaan awoodda fikirka maskaxdiisa.
  4. 30 daqiiqo oo la dhiso xidhiidhada shaqsiga ah: 90% dadka malqabeenka ah ama noloshooda guusha ka sameeyay 30 daqiiqo ayay maalin kasta ku qaataan adkeynta xidhiidhada shaqsiga ah ee ay dadka la leeyihiin ama inay abuuraan xidhiidho cusub, waxaa ay aad xoogga u saaraan in xidhiidhaas dadka ay leeyihiin ay noqdaan dadka guulaysta.
  5. 60 daqiiqo oo nasasho ah: Waxaa jira dabeecad kale oo dadka guulaysta badankoodu ka siman yihiin sida uu Corley ku ogaaday daraasadiisa cilmiga ah ee uu sannadaha badan waday. Maalqabaannada uu la kulmay waxa ay dadka badankooda kaga duwan yihiin iyaguna ka sinnaayeen waxaa ka mid ahaa, inay awood u leeyihiin inay muddo nafta nasin karaan iyagoo dhinac iska dhigaya howl kastoo u taalla, waxa ay maalin kasta qaataan waqti aan ka badnayn hal saac oo ay maskaxdooda faaruqinayaan.

Haddaba hadba sida aad waqtigaaga uga faa’idaysato ayaa jaangoynaya noloshaada, waana sababta dadka guulaystaa ay u yihiin kuwo aan ka daalin howl-maalmeedkooda joogtada ah xittaa haddii ay sannado badan soo wadeen sababtuna waa iyagoo huba inay ugu dambeynta horseedi doonto inay rumeeyaan hiigsigooda.

Markale ayaa qoraaga Corley Buuggiisa CHANGE YOUR HABITS CHANGE YOUR LIFE (Habits of Self-Made Millionaires) waxa uu ku sheegayaa dabeecado uu sheegay inay qofka ku hoggaamin karaan guul nololeed, daraasado oo muddo shan sano ah uu arrintaas ku samaynayay waxa uu ku ogaaday in caadooyinkeenna maalinlaha ahi ay nagu hagaan guul ama inay burburiyaan shakhsiyadeenna maadaama ay awood ku leeyihiin firfircoonaanteenna iyo xaaladaheenna nafsadeed sidaas awgeed waxa uu qoraagu halku-dheg ka dhigay guusha iyo waynaantu waxa ay ku jiraan caadooyiinkaaga.!

Qoraagu waxa uu soo bandhigay caadooyin ay ka simaan yihiin dadka guulaysta:

  1. Si joogto ah iyo hal adeyg ah ayay wax u akhriyaan: waxaa jira hal-ku-dheg yidhaahda akhristayaashu waa hoggaamiyeyaal. Ma ogtahay 80% dadka maalqabeenka ah ee iyagu isa soo saaray iyagoo aan hanti dhaxlin inay yihiin dad si joogto ah wax u akhriya, waxaana la ogaaday dadka guulaysta inay u badan yihiin inay yihiin dad wax u akhriya inay cilmi ka helaan ee aan u akhriyin inay waqtiga isku dhaafiyaan ama madadaalo. Wax akhriska aan madadaalada ahayn wuxuu furaa maskaxda, waxa uu qofka ka dhigaa mid awood u leh inuu dhinacyo kala duwan arrimaha ka eegi karo iyo inuu yahay qof xog iyo aqoon guud hodon ka ah.
  2. Waxa ay xidhiidh la leeyihiin dadka guulaystay: Dabeecadda ah in lala saaxiibo qofka guulaystay waxa sees u tahay barashada caqabadaha kaa hor imaan kara iyo waayo-aragnimada habka looga gudbi karo
  3. Yool bey sameystaan: in qofku yool sameysto waxay muhiim u tahay noloshiisa mustaqbalka. Caado ay inta badan dadka guusha nolosha ka gaadhay leeyihiin ayaa ah inay dejistaan yoolal cadcad oo ay hiigsadaan. Yoolku waxa uu qofka ku baraarujiyaa masuuliyadihiisa iyo halka uu u socdo, waxa uu balaariya riyada nololeed ee qofka waxaana uu abuuraa firfircooni iyo riyo joogto ah.
  4. Yoolka ay hiigsanayaan waa mid ay iyagu leeyihiin: dad badan ayaa la arkaa iyagoo jilaya ama ku dayanaya riyadii ay waalidkood lahaayeen ama riyada qof ay u arkaan inuu nolosha guul ka gaadhay. Waa aragti khaldan, wax badan ayaad ka baran kartaa hab nololeedka qofka guulaystay laakiin waligaa iska jir gefka ah in waxa uu isagu ku riyoonayay aad adiguna riyo ka dhigato, qof kastaaba waa abuur gaarkeeda ah, riyadiisaa iyo yoolka u dejisanayana waxa ay guulaysan Karaan oo kaliya marka ay yihiin kuwo ku habboon shakhsiyaddiisa iyo u diyaarsanaantiisa.
  5. Dhinaca togan ayaa ay wax ka eegaan: furayaasha guusha waxaa ka mid ah inaad nolosha markasta dhinaca fiican ka eegto iyo filashadaada iyo rajadaadu ay wanaagsaadaan. Inaad nolosha markasta dhinaca fiican ka istaagto wanaagna ka filan waa qeyb ka mid ah guusha, dadka guulaysta waa kuwa aaminsan in wax kasta ay fiican yihiin ama wax kasta oo xun uu wanaag ka dambeeyo xittaa marka ay xaaladu gudcur ku tahay ku suga waagga barigiisa, cadowga ugu wayn ee guushuna waa fikirka taban. Niyad xumadu waxa ay burburisaa yoolka uu qofku leeyahay.

W/D: Kamaal Marjaan

Youtube channel: MarjaanTube

Check Also

dhiiri galin guusha

Cashar Muhiim Ah

1. Nebi Muuse (CS) iyo tolkii, markii ay Fircoon iyo ciidamadiisu baacsanayeen, xilli ay nafta …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *