Barbaarinta San: Su’aalo Ay Tahay In Aad Ilmahaaga Maalin Kasta Weydiiso

Korniinka ilmuhu waxa ay u baahantahay aqoon, shaqo iyo feejinaan badan, maadaama oo duruufaha uu yaraantiisa la noolyahay iyo deegaanka ku xeerani ay yihiin kuwa jaangoynaya qofka uu mustaqbalka noqonayo.

Waalidku waa inuu maalin kasta ilmaha siiyo waqti yar oo uu la sheekeysto, isaga oo weydiinaya su’aalo la xidhiidha nolol maalmeedkiisa.

Su’aalahaasi waxa ay ilmaha ku abuurayaan, kalsooni, iyo dareen ah in uu leeyahay cid garab taagan oo uu talo iyo caawimo ka heli karo. waxa aanu kordhinayaa jacaylka uu waalidka u qabo. Isaga oo ku dhiirranaya in aanu ka qarin xogtiisa, iyo waxa uu falay ama uu doonayo inuu falo.

Dhaqankan waalidku waxa uu tirtirayaa teed kasta oo kala xidhi lahaa ilmihiisa iyo cabsida ku beeri lahayd in isaga oo ciqaab ka baqaya awgeed aanu u sheegin runta iyo waxa jira.

Su’aalahaas waxaa ka mid ah:

1. Maxaad dareemaysaa maanta?

Waa su’aal fursad kuu siinaysa in aad fahamto duruufaha uu la noolyahay ilmahaagu, gaar ahaan marka aad aragto in uu cadho ama niyadjab, iwm dareemayo.

2. Maxaad jeceshay in aynu wada samayno?

Ilmahaaga sii waqti aad la samayso wax uu jecelyahay, (Ciyaart, sheeko, iwm), xitaa haddii ay 15 daqiiqo oo keliya tahay, Waxa ay muhiim u tahay Barbaarinta ilmaha.

3. Iiga sheego wax maanta kaa qosliyey ama kaa oohiyey?

Ka warayso Faahfaahinta duruuftiisa maalinlaha ah, tusaale ahaan weydii waxyaabaha uu la kulmay ee ka cadhaysiiyey, ama uu ku farxay. Waa suurtagal inuu kuu sheego wax aan macno lahayn, laakiin ujeeddadu waa inuu ogaado in aad danaynayso.

4. Ii sheeg wax aad qabatay / ku guulaystay oo aad ku faraxsantahay?

Su’aashan waqtigeeda ugu fiicani waa hurdada ka hor. Marka uu kuu sheegana, waaxa aad bartaa in Alle hawshaas u fududeeyey, sidaas awgeed uu u mahadnaqo. Waxay baraysaa inuu wanaajiyo xidhiidhka Alle uu la leeyahay.

Waxa kale oo aad bartaa in uu u mahadnaqo cid kasta oo hawshaas ka caawisay, waxay xoojinaysaa xidhiidhka uu bulshada la leeyahay.

5. Maxaa dhibaato ah ee aad maanta la kulantay?

Ilmahaaga ka warayso dhibaatooyinka iyo caqabadaha uu la kulmay, laakiin ka dheeroow in aad ku canaanato haddii uu kuu sheego wax uu isagu qalad ku leeyahay. Waxay ku abuuraysaa kalsooni ku dhiirrigelisa inuu mustaqbalka kula wadaago qaladaadkiisa iyo waxyaabaha uu ku fashilmay, iyo xitaa inuu go’aamadiisa kuu sheego inta aanu fulin.

Haddii ilmuhu kuu sheego arrin xasaasi ah oo aanad ka filayn, ku abaalmari oo u muuji farxad, adiga oo talada iyo tusaalaha waajibka ahna ugu sheegaya si dhibirsan.

Canaanta ama ciqaabtu waa ay sii fogeynaysaa, waxa aanay ku abuuraysaa cabsi aanu dib wax kuugu sheegin.

Akhriso: 5 Arrimood Oo Ay Tahay In Aanad Ilmahaaga U Diidin Iyo Sababta

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *