Haddii Aad Da’da 40 Jir Gaadhay, Qaababkan U Ilaasho Quruxdaada & Midabka Dabiiciga Ah Ee Jidhkaaga

Qofku marka uu gaadho da’da afartan jirka, gaar ahaan haweenka waxaa ku dhaca isbedello dhinaca abuurta ah oo wejiga u badan. Sababta ugu weynina waa hoos u dhaca heerka hormoonnada qofka ku imanaya. Raadadka ugu horreeya ee arrintani keentana waxaa ka mid ah midabka dabiiciga ah oo isbeddel ku yimaaddo.

Shabakadda ‘Step to Health’ oo laga leeyahay dalka Maraykanka, ayaa warbixin ay dhowaan faafisay waxa ay ku sheegtay in mar kasta oo da’da qofku weynaato ay hoos u dhacaan heerarka hormoonnada ‘Estrogen’ iyo ‘Progesterone’ oo ka masuul ah ilaalinta dhalaalka ku lammaan midabka dabiiciga ah ee maqaarka, taas oo muddo kaddib keenta in uu khafiifo maqaarku iyo in uu engag badan ay yeesho.

Haddaba waxa xeeldheereyaashu ku talinayaan qofku marka uu gaadho Afartan jir in uu beddelo nidaamkii hore uu jidhkiisa ugu daryeeli jiray. Sababta ugu weyni waa in maqaarku uu afartan jirka ka hor jilicsan yahay, sidaas awgeed si dhaqso ah dufanku wax ugu tarayo, laakiin afartanka kaddib uu adayg gelayo, isla markaana dabcayo, haddii aanu coodhcoodh ku bilaaban ba.

TALOOYINKAN HOOSE AYAA AY XEELDHEEREYAASHU KU TALINAYAAN:

  1. Marka aad hurdada ka toosto waxa aad wejiga ku dhaqdaa saabuun iyo biyo diirran. Kaddib isticmaal shaambooga ama saabuunta kale ee aad jidhkaaga sida caadiga ah ugu maydho. Waxaa fiican in qofku uu habkan raaco habeenkii iyo maalintii labaadaba maalin kasta.
  2. Ku dadaal dux siinta maqaarka. Qoynta iyo in la dhaasho maqaarku waxa ay ka mid tahay caadooyinka muhiimka u ah marka la doonayo in la helo maqaar muuqaal ahaan leh da’ ka yar 40 jirka. Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in qofku uu da’dan ku bilaabo kiriimada ka hortagga gaboow. Ku dadaal in aad hesho kiriim kuwa habeenkii loogu talagalay in lagu seexdo ah, gaar ah kiriim leh maaddooyinka ka hortagga calaamadaha gabowga.
  3. Maqaarkaaga ka ilaali fallaadhaha qorraxda, gaar ahaan marka aad gaadho da’da Afartan jirka waxaa muhiim ah in aad isticmaasho kiriimada maqaarka ka caabbiyo khatarta qorraxda kaga iman karta.
  4. Xoqitaanka wejiga ee lagu daadinayo qolofta iyo unuygada dhintay ee maqaarka saaran, waxa ay caawisaa in maqaarka ay ka tagaan unugyada dhintay, isla markaana ay cusboonaysiiyaan unugyada maqaarka.
  5. Habka ugu fiicani waa in aad dhakhtarka maqaarka ah kala tashato noocyada kiriimo iyo saabuunaha ku fiican maqaarkaaga, si looga hortago in maqaarku uu engage.
  6. Soddon jirka kaddib, mar kasta oo da’da qofku sii weynaato waxaa hoos u dhaca awoodda uu jidhku u leeyahay in uu nuugo nafaqooyinka iyo macdanaha kala duwan ee cuntada ku jirto, taas oo ah waxa loo yaqaanno dheefsiga.
    Miisaanka badan ayaa isaguna sababa hoos u dhaca dheefsiga, taas oo ay khatartiisu sii badanayso marka uu qofku da’dan gaadho. Ku dadaal in aad miisaanka dheeraadka ah riddo, jimicsigana joogto ka dhigo.
  7. Faytamiinnada C iyo E waxa ay waxa ay u fiican yihiin caafimaadka iyo quruxda maqaarka, gaar ahaan marka uu qofku gaadho da’da afartan jirka. Da’dan kaddib joogto ka dhigo in aad isticmaasho cuntooyinka ay labadan faytamiin ku jiraan.
  8. Haddii ay gabadhu gaadho da’da afartan jirka waxaa u fiican in weji dhiska (Make Up) ay samaynaysaa uu khafiif noqdo. Lakabka bootarrada iyo kiriimada ha ee wejiga la mariyaa waxa uu muujiyaa coodcoodhka iyo laymamka maqaarka wejiga ay da’du ku samayso.
  9. Biyuhu waxa ay u fiican yihiin guud ahaanba caafimaadka qofku da’ kasta oo uu yahay. In qofku uu biyo ku filan cabbaa waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ilaaliya quruxda iyo dhalaalka dabiiciga ah ee wejiga. Haddii uu qofku da’da 40 jirka gaadho waa in uu ku xisaabtamo cabbitaanka biyo ka badan intii uu hore u cabbi jiray.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *