Haddii Aad 28 Sanno Jir Ka Yartahay Fursad Weyn Baad Haysataa Ee Samee 9-kan Qodob

21 illaa 28 sanno jir waa cimriga ugu muhiimsan da’da qofka, waayo waa sannadaha saamaynta ugu badan ku leh jaangooyada masiirkiisa iyo inta badan jidka uu ku socon doono noloshiisa inta ka hadhay. Waxaa se barbar socda isbedello nololeed iyo xitaa mararka qaarkood dhinaca hormoonnada ah oo qofka xilligan ku yimaadda, kuwaas oo keeni kara mashquul iyo xaalado nafsi ah. sidaas awgeed inta badan qofku maba ogaado muddada ay ku daafayaan sannadahani.

Maqaal lagu baahiyey shabakadda Arabic Post ayaa talooyin siiyey dhalinyarada ku dhex jirta da’dan, waxa aanu uga digay in ay qofku u deymo la’aado arrimahan. Talooyinkaas oo aynu kuwa ugu sii muhiimsan soo koobnay waxaa ka mid ah:

Noloshaada si sax ah seeska ugu dhig:

Noloshu sideedaba waa ‘Waqtig, caafimaad iyo maal’. Da’dan marka aad ku jirto ku dadaal in aad labada hor hayntooda fara adaygto, adiga oo aan ku mashquulin lacag iyo ka fikirka adduun helista, xitaa shaqo in aad hesho ha ku lumin waqti. Waayo waa ay adagtahay in saddexdan arrimood aad mar wada hesho.

Waa da’da waxbarashada, adkaynta caafimaadka, kobcinta aqoontaada guud iyo dhismaha waayo-aragnimada. Ku fara adayg labada hore, una diyaargarow waqti uu maalku iman doono laakiin labadan midkood meesha ka bixi doono, taasina ay dhantaali doonto dadaal kasta oo aad yoolkaaga ku higsanayso.

Wax akhris

Waa da’da qofku naftiisa ku tababari karo dhaqanka uu rabo. Caadayso wax akhriska, xitaa haddii ay noqonayso in aad ugu yaraan 2 illaa 10 bog akhrido Maalintii.

Waxaa laga helaa anshax wanaag, maskax furnaan aan xuduud lahayn, hab-fikirka oo toosa, garaadka oo kobco iyo in aad hesho xog aad u badan oo noloshaada jiheysa. Waxaa ka sii muhiimsan in akhrisku uu kordhiyo kalsoonida nafta.

Akhrisku waxa uu u baahdaa la qabsi, sidaas awgeed Bilowga waa uu dhib bataa. Waxa aad taas kaga gudbi kartaa in aanad waqti gaar ah u samayn, akhri mar kasta oo aad firaaqo hesho iyo meel kasta oo aad joogtaba, ugu dambayn caado ayaa uu kuu noqonayaa.

Dhegeyso

Waqti fiican geli dhegeysiga iyo daawashada filimada dhukumanteriga loo yaqaanno ee ka warramaya cilmiga, taariikhda ama waxbarashada. Sida oo kale dhegeyso khudbadaha iyo doodaha la xidhiidha mawduucyada arimaha aynu xusnay la xidhiidha iyo kuwa arrimaha bulshada lagu gorfeeyo.

Caadooyin caafimaad

Da’da 28 sanno jirka ka yar waa marka ugu fiican ee uu qofku jidh ahaan iyo maskax ahaanba la qabsado waxyaabaha noloshiisa aan ka hadhin. Ku dadaal in aad caadaysato jimicsiga iyo jidh dhiska. Baro cuntooyinka caafimaadka u fiican, kana dheeroow kuwa khatarta caafimaad keena ee milixda, sonkorta, daqiida iyo cabitaannada soodhaha leh ama tamarta kordhiya.

Safarka

Socdaalku waxa uu qofka ku kordhiyaa waayo-aragnimo, aqoon-korodhsi, niyadda oo furfuranta, bulsho aad barato iyo caafimaad nafsaani ah oo fiican. U safar baadiyaha, magaalooyinka kale iyo hadday kuu suurtagelayso dalalka kale. waxaa la sheegaa in sannadkii oo mar la safraa ay u fiican tahay caafimaadka maskaxeed iyo nafsadeed ee qofka.

Guurka

Guurku waa sunne diini ah iyo dariiq nolosha lagu dhammaystiro, waa xasilooni nafsadeed iyo xil gudasho bulsho oo lagama maarmaan ah. Waa fursad ay tahay in haddii ay ku soo marto laga faa’iideeyo, laakiin ha ka dhigan yoolkaaga aasaasiga ah ee ay tahay in aad gaadho isla marka aad waxbarashada ka qalinjebiso.

Nolosho waa ay himilo iyo yoolal badan tahay, ka fikir sida ay kugu kala habboon yihiin iyo hadba yoolka ay tahay in aad mudnaanta koowaad siiso. Guurka hortii nafsad ahaan, nolol ahaan iyo maskax ahaanba isu diyaari qaadista xilka qoysnimo ee aad doonayso.

Afafka

Afka uma taagno oo keliya in la isku fahmo, qolo afkeed oo aad barataa waa dhaqankeedii, nolosheedii iyo taariikhdeedii oo aad fahamtay. In aad intaas fahamtaana waxa ay sees u noqon kartaa maskax furnaan, waayo-aragnimo, aqoon-korodhsi iyo in aad fursado nololeed ka hesho.

Afka Carabigu waa hodan, waa afka diinteenna Islaamka, waxa aanu xidhiidh dhow la leeyahay dhaqankeenna, in aad barataa waxa ay fure u noqon kartaa in aad wax badan ka fahamto nolosha, dhaqanka, diinta iyo taariikhda Islaamka.

Afka Ingiriisigu waxa uu ku sii siqayaa in uu noqdo cilmi sidiisa u madaxbannaan, kana mid noqdo culuumta barashadoodu lagama maarmaanka tahay. Waxbarashada, fahamka nolosha dhinacyadeeda casriga ah, ganacsiga iyo dhaqaalaha, siyaasadda iyo xidhiidhada Caalamiga ah, dhammaantood afafku waa u muhiim, afka Ingiriisiga ayaana waqtigan ugu sii mudan. Afafka muhiimka ah waxaa ku kala lunsan aqoon iyo waayoaragnimo badan ee baro intii aad ka baran karto.

Inta uu qofku ka yaryahay da’da 28 sanno jirku waa waqtiga ugu fiican ee maskaxdu u bisishahay la qabsiga iyo Barashada afafka, ku dadaal in aad afafka qalaad wax ka barato. Gaar ahaan kuwooda Caalamiga ah oo English ku ugu horreeyo.

Waqtigaaga maaree

Waqtigaaga u qaybi cibaado, shaqo, nasasho, dhexgal bulsho iyo waqti aad ugu tabarucdo wanaagga iyo samafalka diinta, dadka iyo dalka. Waqti kasta oo aad qaadanayso dhib iyo dheef midka uu u badan yahay xisaabta ku darso, weligaa waqtiga ha ku lumin hawl aanad hubin dhibteeda iyo dheefteeda midka kuu roon.

Saaxiib fiican dooro

Saaxiibku waa muraayadda ugu fiican ee aad naftaada ka dhex arki karto, umadda kalana kaa dhex daawanayso. Waa miciinkaaga maalinta adag, iyo wehelka aad farxaddaada la qaadato. Da’da u dhexeysa 17 sanno jirka illaa 25 ku waa waqtiga ugu fiican ee aad saaxiib rumaad samaysan karto.

Raadso saaxiib guusha jecel, maskax furan, aqoon korodhsiga u darban, wanaagga kugu dhiirigeliyo, xumaha gacanta kaa qabta. Saaxiiba hankiisu fogyahay, garanayana in aydaan u kala maarmayn rumaynta nolosha aad higsanaysaan.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Facebook Page: Kamaal Marjaan

Check Also

dhiiri galin guusha

Cashar Muhiim Ah

1. Nebi Muuse (CS) iyo tolkii, markii ay Fircoon iyo ciidamadiisu baacsanayeen, xilli ay nafta …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *