Habka Cunto Qaadasho Ee Ku Haboon Soonka Xilliga Xagaaga

Bisha soon waxa ay sannadkan ku hagaagtay xilli xagaa oo lagu jiro bilaha ugu kulul sannadka, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in aynu u talo urursanno hababka ugu fiican ee aynu isugu diyaarin karno u adkaysiga bisha soonka, gaar ahaan dhinaca cuntada oo ay tahay in laga xusho noocyada jidhka biyaha u ilaalinaysa isla markaana firfircooni iyo tamar siinaysa, saacadaha maalintii. Qormadan waxa aynu k ueegaynaa talooyin qofka soomaya ka caawinaya in uu soonka xilliga xagaaga u yeesho adkaysi:

1. Milixda:

Waxa uu caafimaadka wanaaggiisu ku jiraa in milixda laga yareeyo cuntada la cunayo, gaar ahaan xilliga lagu jiro bisha soonka, taas beddelkeedana la adeegsado khudradaha kala duwan ee cuntada ka yarayn kara dhadhanka lagu nici karo ee milix la’aantu ku keenayso.

2. Saddex xabbo oo timir ah:

In aad cunto 3 xabbo oo timir ah ayaa ku filan in aad ku afurto. Xasuusnow in timirtu ay ku badan yihiin Kaloorisku, sidaa awgeed ka feejignoow in aad cunisteeda isku badiso, si aanay miisaanka u kordhin.

3. Maraq khudrad ah:

Ku dadaal in aad cabto maraq ka samaysan khudrad aad u badan, sida khudradaha cagaaran ee ay ka mid yihiin Barakooliga, Koostada, faasuuliyaha cagaaran, dabacasaha, iyo guud ahaan khudradaha lagu ogyahay faytamiinnada iyo macdanaha muhiimka u ah jidhka. Maraq diirran oo khudrad ka samaysani waa cuntada ugu fiican dheefshiidka aan maalinta dheer wax shaqo ah soo qaban.

4. Khudrado kala duwan:

Ku dadaal in aad cunto saldaato ka kooban khudrado kala duwan. Mar kasta oo ay sii korodho noocyada kala duwan ee khudradda aad isticmaalaysaa waxaa sii kordhaya fursadaha uu jidhku ku helayo xaddi badan, isla markaana kala noocyo duwan oo ah curiyeyaasha nafaqo, maaddooyinka lidkia mariidka, faytamiinnada iyo macdanaha uu jidhku u baahan yahay. Taas oo door muhiim ah ka qaadanaysa badbaadada unugyada jidhka iyo in caafimaadku xoogeysto.

5. Qaybi cuntada:

Cuntada aad cunayso afurka kaddib u qaybi 3 qaybood; qaybi waa Karbohaydaraytka, qaybna ka dhig hilib aan baroor iyo xaydho lahayn, ama cuntooyinka halka hilibka geli kara, qaybta saddexaadna ka dhigo khudrado. Ku dadaal in ay saddexda qaybood isu dheelli tirnaadaan.

6. Dheregga:

Haddii aad dhaqso u dhergeyso, oo aanad afurka mar keliya wada cuni karin. Cashada ama cuntada culus dib ugu riix salaadda Maqrib kaddib. Waqtigaas u dhexeeye eedaanka lagu afurayo iyo salaaddu waxa uu ku filan yahay in dheefshiidku dib u baraarugo oo uu shaqadiisa ku bilaabo timirtii iyo maraqii khudradda ahaa.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in caafimaad ahaan ay dhibaato keenayso in dheefshiidka mar keliya la gaadhsiiyo cunt oculus oo shaqo badan uga baahan, isaga oo aan maanta oo dhan soo shaqayn.

7. Cuntooyinka shiilan:

Ramadaan waxa ay caan ku tahay in la cuno cuntooyinka shiilan, gaar ahaan saambuusaha oo ugu badan iyo cuntooyin kale oo quraacu ka mid yahay. Waxaa la ogyahay in cuntooyinka shiilan uu ku jiro xaddiga ugu badan ee ‘Kalooriyo’ iyo dufan ah, sidaa awgeed waxa ay kor u qaadaan heerka kalastaroolka dhiigga ku jira.

Waxa kale oo ay hore dhakhaatiirtu u sheegeen in dheefshiidka oo maanta oo dhan aan shaqo qaban, aanay u fiicnayn in waxa ugu horreeya ee uu ka shaqeeyaa uu noqdo dufan. Yarayso saambuusaha, kuna dadaal cuntooyinka dufanku ku yar yahay, xusuusnow in cuntada duban ay ka fiican tahay cuntada shiilan.

8. Cabbitaanka:

Bisha soon waxa ay caan ku tahay in la isticmaalo cabbitaanno badan, oo isugu jira kuwo warshadaysan iyo kuwo khudrad dabiiciya oo la miiray ah. Khudraddu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka caafimaadka u fiican, laakiin macnaheedu ma’aha in khudradda oo dhami aanay miisaanka kordhin. Waxaa qofka sooman u fiican in aanu si guud ahaaneedba u badsan sharaabka noocyadiisa, balse uu ku dadaalo in uu cabbo biyo aad uga badan kuwa uu cabbi jiray, soonka ka hor.

9. Bunka:

Bunku waxa uu ka mid yahay cabbitaannada ay ku jirto maadadda Caffeine oo in kasta oo ay faa’iidooyin leedahay, haddana aan u fiicnayn caafimaadka guud, gaar ahaan dadka leh xanuunnada wadnaha iyo kelyaha.

Waxa kale oo ay maadadda Caffeine keentaa kaadi badan, sidaa awgeed maadaama oo kaadidaas ay badisaa ay jidhka biyo ka saarayso, waxa ay keeni kartaa ingag jidhka ku dhaca iyo harraad badan oo qofku maalintii dareemo.

Inta ramadaanka iska daa cabbista bunka, haddii ay ka fursan weydana afurka ha raacin ee u dhexeysii ugu yaraan saacad ama laba saac, hana ka badsan hal koob.

10. Macmacaanka:

Si aad uga fogaato in miisaankaagu uu kordho bisha soonka, waxa aad ku dadaashaa in aad iska ilaaliso macmacaanka iyo sonkorta. Haddii ay khasab noqoto in aad inyar ka cunto bisha soonka ku dadaal in aad maalintii hal nooc oo keliya oo macmacaankaas ah cunto. (Iska jir in aad noocyo kala duwan oo macmacaan ah hal maalin wada cunto).

11. Jimicsiga:

Haddii aad tahay ciyaartoy ciyaaraha ciyaaraha fudud ama dhexdhexaadka ah, waa aad sii wadan kartaa xilliga soonka, sida oo kale haddii aad jimicsi jidheed samayn jirtay waa aad sii wadi kartaa inta bisha soon lagu jiro, waxa se fiican in aad ku xisaabtanto waqtiga ugu fiican in aad jimicsigaas ama ciyaartaas samayso.

Waxa ay khubaradu sheegeen in saacado yar afurka ka hor (Gelin dambe ee maalinta) ay tahay waqtiga ugu habboon jimicsiga iyo ciyaaruhu. Maadaama oo uu dhidid badani kaa baxayo ku dadaal in aad afurka kaddib biyo badan cabto. Waxa kale oo laguugula talinayaa in aad cuntada si yar u cunto, si aad u soo buuxiso kaalinta dareerihii iyo maaddooyinkii kale ee jidhka kaga baxay jimicsigii.

12. Xilliyada cunto:

Dadka qaar ayaa diida in xilliga la cuno saddex xilli oo ah habka cunto qaadasho ee maalmaha aan soonka ahayn. Laakiin waxa ay khubaradu aaminsan yihiin in ay sax tahay in qofku saddex xilli wax cuno; waa afurka oo marka salaadda maqrib la soo tukado cunto fiican la cuni karo, hurdada ka hor oo ay fiican tahay in cunto aad u fudud la cuno, iyo suxuurta oo cunto miisaan leh ah.

13. Caanaha:

Caanuhu waxa ay ka mid yihiin cuntooyinka u fiican caafimaadka, waxa aana ku jira maaddooyin iyo macdano jidhku baahi badan u qabo, gaar ahaan qofka da’diisu 40 iyo ka weyn tahay. Haddaba xilliga soonka waxa aad cabbi kartaa caano ah kuwa uu dufanku ku yar yahay, waxa kale oo aad cuni kartaa cuntooyinka caanaha laga soo dheegto ee aan dufanka badan lahayn.

14. Cuntooyinka leh Kaarbohaydarayt ka:

In kasta oo ay ka mid yihiin cuntooyinka miisaanka kordhiya, haddana xilliga soonka ha joojin cuntooyinka leh Kaarboohaydarayt ka, sida bariiska, baradhada iwm. Cuntooyinkani waxa ay caan ku yihiin in jidhku uu si aad tartiib u ah u nuugo macndaha ku jira, una dhammaystiro dheefshiidkooda, arrintaasi waxa ay u fiican tahay heerka Guluukoosta dhiigga ku jira oo ay caawiso muddo ugu yaraan 4 illaa 5 saacadood ah. Waxa aanay kordhinaysaa awooddaada adkaysi ee soonka.

15. Hilibka:

Hilibka, khudradda cagaaran, beedka iyo cuntooyinka caanaha laga soo dheegtaa waxa ay hodan ku yihiin barootiinno kala duwan. Ku dadaal in cuntadaada bisha soonka ay ku jiraan cuntooyinkaas aynu soo xusnay.

Xasuusnoow in cuntooyinkani ay leeyihiin calool gashiimo uu qofku muddo dhereg dareemo, sidaa awgeed uu qofku kaga maarmi karo in uu cunto badan cuno, iskaga ilaalin karo gaajada maalintii ee xilliga soonka, isla markaana kaga fogaan karo cuntooyinka macmacaanka ah.

Dhibta ka iman karta isbeddelka xilliga cuntada:

Si guud ahaaneedba mar kasta oo uu qofku ka guuro waqtiyada cunto qaadasho ee uu la qabsaday waxa uu dareemaa xaalado caafimaad darro oo kala duwan. Soonku waxa uu keenayaa in ay isbeddelaan xilliyadii soonku, sidaa awgeed cilladaha lagu arko bisha soon waxaa ka mid ah calool istaag badan. Si aad calool istaaggaas uga dheeraato cuntada aad cunayso ku dar cuntooyinka ganka leh iyo khurad, biyo aad u badanna cabo.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

cunto ku bilaabista, caruurta yar yar, nafaqada caruurta,

Goormee Cuntada Lagu Bilaabaa Caruurta Yar Yar, Cuntadee Se U Fiican?

Caanaha naaska aad ayay muhiim ugu yihiin ilmaha yar, waana in labo sano la nuujiyo. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *