Biyo Intee le’eg Ayaad U Baahantahay Xilliga Soonka?

Biyaha iyo xilliga soonka:

Biyo intee le’eg ayaad u baahantay?

Neefsiga, dhididka, kaadida iyo saxaraduba waxa ay jidhka ka saaraan biyaha, haddaba si uu jidhku si sax ah ugu shaqeeyo waxaa waajib ah in qofku uu biyo badan cabbo Maalintii, cabbitaannada kala duwan duwan ayaa ka mid ah waxyaabaha biyaha u soo celin kara jidhka, sida oo kale cuntooyinka qaarkood oo biyo leh ayaa ka qayb qaadanaya biyaha uu jidhku u baahan yahay.

Marka la eego xaddiga biyaha ay tahay in qofku uu Maalintii cabbana waxa ay xeeldheereyaashu sheegayaan in:

  1. Ninku waa in uu maalin kasta cabbaa 3.7 Litir oo biyo ah.
  2. Gabadhuna waxa ay u baahan tahay 2.7 litir oo dareere ah.

Qiyaas ah boqolkiiba 20 biyaha maalin kasta uu jidhkeennu helaa waxa ay ka yimaaddaan waxyaabo aan biyo ahayn, sida dareere iyo cabbitaano. Boqolkiiba 80 ka soo hadhayna waxa uu jidhku si toos ah uga helaa cabbitaanadda.

MADAX XANUUNKA XILLIGA SOONKA IYO BIYAHA

Dr. Mu’ayid Qaasim Khaalid oo ah xeeldheere ka tirsan xarunta caafimaadka Xamad ee dalka Qatar ayaa sheegay in xilliyada soonka inta badan maalintii uu qofku isku arko madax xanuun, gaar ahaan maalmaha hore ee ay bisha. sababtuna waa isbeddelka degdegga ah ee ku dhacaya caadooyinkii cunto ee qofka, iyo hoos u dhaca guud ee inta badan ku yimaadda cabbitaanka.

Cabbitaanka oo la yaraystaa waxa ay qofka ku keentaa muruqyada oo xanuuna, jidhka oo burbura iyo daal, taas oo keenta madax xanuun. Qofka oo tebaya bunkii subaxnimada ama quraacda ayaa iyaduna keenta madax xanuunka.

Ugu yaraan 3 Litir oo biyo ah in la cabbo iyada oo aan mar la wada cabbin ee waqtiyo kala durugsan oo u dhexeeya afurka iyo suxuurta loo qaybinayaa waxa ay ka mid tahay siyaabaha looga hortegi karo madax xanuunka xilliga Ramadaanta.

-Kamaal Marjaan

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *