Hababka Sare Loogu Qaado Caafimaadka Kelyaha, Loogana Hortago Kelyo Xanuunka

Kelyuhu waxa ay door wayn ka ciyaaraan ilaalinta caafimaadka guud, iyagoo dhiigga ka sifeeya qashinka iyo dheecaannada dheeraadka ah, waxa ay nidaamiyaan cadaadiska dhiigga, waxayna sameeyaan unugyada dhiigga cas. Si kasta ha ahaatee, arrimo kala duwan ayaa saamayn ku yeesha caafimaadka kelyaha islamarkaana keeni kelyo xanuun, waxaana arrimahaas ka mid ah; hab nololeedka xun iyo cudurrada raaga.

Haddaba Daryeel Magazine, maanta waxa uu idin la wadaagayaa isbedello hab nololeedka ah oo lagu xifdin karo caafimaadka kelyaha.

Cab biyo badan:

Cabbista biyo kugu filan waxa ay caawinaysaa in kelyuhu ay si wanaagsan u shaqeeyaan. Biyuhu waxa ay jirka ka sifeeyaan sunta iyo qashinka. Ku dedaal inaad cabto ugu yaraan 8 illaa 10 koob oo biyo ah maalin kasta.

Ku dedaal cunno caafimaad leh:

Cunno isku dheellitiran oo hodan ku ah furuutka, khudradda, badarka iyo barootiinta jilicsan waxa ay caawisaa xifdinta kelyaha. Iska yaree milixda, sonkorta iyo cunnooyinka warshadaysan maadaama ay kordhiyaan halista kelyo xanuunka iyo cilladaha kale ee caafimaad.

La soco heerka sonkorta dhiigga:

Heerarka sonkorta sonkorta dhiigga ee sarreeya waxa ay dhaawici kartaa kelyaha. Haddii aad qabto sonkorow, waa muhiim inaad si joogto ah ula socoto heerarka sonkorta dhiigga islamarkaana aad raacdo talada dhakhtarkaaga si aad u xakamayso sonkorta.

Maaree cadaadiska dhiigga:

Cadaadiska dhiigga ee sarreeya waxa uu culays saari kelyaha waxaana uu siyaadin karaa halista kelyo xanuunka. Ku dedaal hab nololeed caafimaad leh, sida jimicsi joogto ah, cunno isku dheellitiran iyo qaadashada dawooyinka laguu qoray si aad ugu in  cadaadiska dhiigga aanu dhaafin heerkiisa dabiiciga ah.

Ka fogow cabidda sigaarka:

Sigaarku waxa uu dhaawici karaa halbowleyaasha dhiigga waxaana uu yareyn karaa qulqulka dhiigga ee gaaraya kelyaha taas oo dhaawac u gaysan karta kelyaha.

Samee jimicsi joogto ah:

Jimicsiga joogtada ahi waxa uh caawinayaa in miisaanku aanu kordhin, waxa uu yareeyaa cadaadiska dhiigga waxaana uu wanaajiyaa shaqada guud kelyaha. Ku dedaal inaad samayso 30 daqiiqo oo jimicsi ah maalin kasta.

Maree walwalka:

Walwalka raaga waxa uu ka qayb qaataa dhiig karka iyo cilladaha kale ee saameeya kelyaha. Ku dedaal inaad badiso dikriga Alle, sida oo kale tijaabi hababka kale ee loo adeegsado maaraynta walwalka iyo stress-ka sida jimicsiyada neefsiga.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *