Faa’idooyinka Xulbada Ay U Leedahay Ragga Iyo Dumarka Iyo Qaababka Ugu Fiican….

faaidada xulbada,

Xulbadu waa mid ka mid ah geed daweedyada ugu qadiimsan caalamka, waxayna ka mid tahay dawo dhaqameedyada shiineeska iyo Hindidu ay muddo dheer isticmaali jireen.

Cilmiga casriga ah ayaa qiray in xulbadu ay tahay geed daweed waxtar badan, waxa ay xambaarsan tahay nafaqooyin muhiim ah sida macdanaha potassium, magnesium iyo phosphorous, waxaa kaloo ku badan faybar iyo barootiin.

Hadaba qormadeenaan maanta waxaan ku soo gudbinaynaa 9 oo laga helo xulbada kuwaas oo tijaabooyin iyo cilmibaarisyo lagu hubiyay.

Hoos u dhigista heerka kolestaroolka:

Xulbada waxa ay yareysaa dufanka dhiigga ee loo yaqaanno “Kolestaroolka” iyo xayrta fadhiisata jirka qeybihiisa kala duwan sida beerka oo iyadana loo yaqaanno “Triglyceride”, waana arrin cilmibaaris lagu arkay.

Xakamaynta heerka sonkorta dhiigga:

Dadka qaba xanuunka macaanka waxaa lagula taliyaa inay cunnada ku darsadaan xulbada, sababtoo ah waxaa ku jirta maado la dhaho “galactomannan” taas oo yareysa in jirku uu cunnada ka nuugo sonkorta. Sida oo kale, asiidhka “amino” ee ku jira xulbada waxa uu kordhiya soo saarista insulinta.

Caafimaadka wadnaha:

Cunista xulbada oo la joogteeyo waxa ay sare u qaadaa caafimaadka Wadnaha, waxaa ku badan maadada potassium, taas oo yareysa cusbada jirka ee sodium-ta, taas oo masuul ka ah cilladaha wadnaha.

Cunno shiidista:

Xulbada waxaa ku badan ganka, waxa ay siyaadisaa awoodda uu jirku u leeyahay in uu nafaqada ka nuugo cunnada, waxayna ka hortagtaa calool istaagga. Sida oo kale, xulbadu waxa ay xakamaysaa dibirada iyo gaaska.

Daweynta cune xanuunka:

Xulbadda samayskeeda waxaa ka mid ah maaddooyin si weyn ula dagaalama caabuqa, waxa ay si aad ah u yareysaa cune xanuunka, caburka iyo qandhada. Waxa ay caawisaa soo saarista xabka iyo duufka taas oo fududeysa neefsashada. Ku darso Xulbada maraq kulul si aad iskaga daweyso cune xanuunka iyo qandhada.

Kordhinta caanaha naaska:

Hooyooyinka ilmaha nuujisa, waxa ay dhakhaatirtu kula dardaarmaan in ay xulbada ku darsadaan cunnooyinkooda maalinlaha ah, maadaama ay xulbada ku jirto maadada “diosgenin” taas oo kordhisa soo saarista caanaha naaska.

Yareynta xanuunka caadada:

Xulbadu waxay u roontahay dumarka ku xanuunsada caadada. Maadooyinka “potassium” iyo “magnesium” ee ka buuxa xulbada waxa ay yareeyaan luga xanuunka xilliga caadada.

Ka hortagga kansarka malawadka:

Xulbadu waxaa ku badan faybar si fudud u milma, waxa ay jirka ka nadiifisaa sunta waxayna la dagaallantaa kansarka ku dhaca malawadka oo aad dunida ugu soo badanaya.

Caafimaadka timaha:

Xulbadu waxa ay xoojisaa timaha jiridooda, waxay ka hortagtaa timo daadashada waxayna caawisaa koritaankooda.

Habka Isticmaalka:

  • Gacantaada muggeed oo xulbad ah iyo biyo isku radi habeenkii.
  • Isku shiid subaxa xiga
  • Ku dar 3 illaa 4 qaado oo saliid saytuun ah,
  • Mari madaxa oo ku daliig adigoo u deynaya muddo 45 daqiiqo ah ka hor intaadan biyo diirran kaga mayrin.

Digniin:

Dumarka uurka leh waa inay ka fogaadaan isticmaalka xulbada, maadaama ay soo ururiso ilmo galeenka.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *