Faa’idada Biyaha Xulbada & Cilladaha Lagu Dabiibo

Xulbadu waa mid ka mid ah dawo dhireedyada ugu qadiimsan iyada oo Shiineeska iyo Hindadu ay u adeegsan jireen inay ku daweeyaan xanuuno kala duwan.

xulbadu waxa ay xambaarsan tahay nafaqooyin muhiim u ah sida sida faybar, xadiid, potassium, magnesium, phosphorous iyo walxo kale oo caafimaadka faaido u leh.

Maadada “galactomannan” ee laga helo xulbada, waxay xakamaysaa cirweynida, waxayna sare u qaadaa dareenka dheregta, taas oo muhiim ah maareynta miisaanka. Sida oo kale maadada “Galactomannan”, waxay kordhisaa dheefsiga cunnada ee jirku uu kaga faaidaysanayo nafaqada taas oo xoojisa gubitaanka dufanka iyo caafimaadka guudna kobcisa.

Sidee ugu fiican in loo isticmaalo xulbada?

Siyaabooyin kala duwan ayaa loo isticmaalaa xulbada, khudradda ayaa lagu dhex karsadaa, maraq waa laga sameeyaa, shaah ayaa laga sameeyaa, balse faa’idadeeda way korortaa marka inta biyo lagu radiyo dhowr saacadood kadibna la cabbo biyaheeda iyadana la cuno.

Maxay tahay sababta biyo loogu dhigayo xulbada kadibna loo cunayo?

Marka xulbada biyo lagu radiyo dhowr saacadood, nafaqada ku jirta waxay noqotaa mid jirku uu si fudud u nuugi karo una isticmaali karo. Sida ay daraasaduhu cadeeyeen, marka xulbada biyo lagu radiyo waxaa yaraadaa dufanka ku jira, barootiinka ku jirana wuxuu noqdaa mid si fudud loo burburin karo.

Faa’idooyinka biyaha xulbada:

Biyaha xulbada waxa ay leeyihiin faa’idooyin tiro badan, waana in si joogto ah loo isticmaalo si loo dheefsado nacfigeeda. Xulbadu waxay qani ku tahay fitamiinno iyo macdano waxtar badan leh sida, xadiid, magnesium, manganese, copper, vitamin B6, barootiin, iyo faybar. Waxaa kaloo ku jira walxaha sunsaarista iyo walxaha liddiga ku ah hurka.

Faa’idooyinka caafimaad ee xulbada kuwa ugu badan waxaa loo aaneeyaa maadooyinka “saponins” iyo ganka ee ku jira xulbada. Maadaama ay qani ku tahay faybar tayo badan, xulbadu wanaajisaa cunno shiidista waxayna ka hortagtaa calool istaagga.

Koontaroolidda heerka sonkorta dhiigga:

Cunista xulbada waxay hoos u dhigtaa heerka sonkorta dhiigga ee dadka sonkorowga qaba. Xulbadda la qooyay ayaa ugu waxtar badan.

Khafiifinta xanuunka caadada (dysmenorrhea):

Qaadashada 1800 illaa 2700 mg oo budada miraha xulbada ah saddeex jeer maalintii saddexda beri ee ugu horreysa ee dhiigga caadada oo ay ku xigto 900 mg saddex jeer maalintii inta mudada dhiiga caadada ka hartay waxay yareysaa xanuunka dumarka leh caadada xanuunka badan.

Maqaarka:

Xulbadu waa sunsaare dabiici ah. Waxay dhiigga ka sifeysaa sunta, sidaas awgeed, waxay iftiimisaa maqaarka.

Kobcinta caafimaadka tinta:

Xulbadu waxay sare u qaadaa caafimaadka basada, waxay kordhisaa awoodda jiridka timaha, wayna korisaa tinta.

Dheefshiidka:

Xulbada waxaa ku jira ganka sida sahalka ah u milma iyo midka aan sahalka u milmin sidaas darteed waxay daweysaa cilladaha dheefshiidka. Xulbadu waa aashito dejiye dabiici ah, waxayna faaido u leedahay xakamaynta astaamaha dibirada iyo gaaska.

Miisaan dhimista:

Xulbada oo biyo lagu radiyo habeenkii, subaxa dambena la cuno, biyaheedana la cabbo, waxay kordhisaa dheefsiga cunnada, si dhaqso ahna waa loogu dhergaa, taas oo caawinaysaa maareynta miisaanka iyo xakamaynta doonista cunnada.

Digniin:

Haddii uur aad leedahay, ha qaadanin xulbada waxay saameyn kartaa korriinka maskaxeed ee uurjiifka, sonkortaada way ridi kartaa, minkana way maroojin kartaa oo foosha ayay soo dedajisaa

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *