Faa’idooyinka Cabitaanka Qajaarka Iyo Inta Koob Ee Laga Cabbi Karo Maalintii

Cabitaanka qajaarku mid nafaqo ahaan hodan, waxaana ka buuxa fitamiinnada K, C iyo A iyo macdanaha potassium iyo calcium. Waxaa kaloo ku badan ganka (fibre). Ragga waxaa lagula taliyaa inay cabbaan 3 koob oo cabitaanka qajaarka ah maalin kasta, halka dumarkuna lagula taliyo in ay cabbaan 2 koob iyo bar maalin kasta.

Sunsaarista jirka:

Qajaarku waxa uu qani ku yahay biyo, taas oo ka dhigaysa dawo dabiici ah oo lagula tacaali karo fuuqbaxa ama daalka. Sida oo kale, qajaarka waxaa ku jira nafaqooyin jirka ka nadiifiya sunta.

Hoos u dhigista stress-ka:

Qajaarku waxa ka buuxo fiitamiinno, khaasattan fitamiinnada B, sida fitamiin B1, fitamiin B5 iyo fitamiin fitamiin B7. Fiitamiinnadani waxay dejiyaan habdhiska neerfaha waxayna yareeyaan argagax qabadka iyo stress-ka ka dhasho walwalka.

Caafimaadka maskaxda:

Qajaarka waxaa ku jirta maado liddi ku ah hurka oo loo yaqaanno “flavonoid” taas sare u qaadaa caafimaadka maksaxda. Maadadani waxay kobcisaa isku xirnaanta unugyada maskaxda waxay xoojisaa xasuusta, waxayna unugyada maskaxda ka ilaalisaa dhaawaca la xiriira gabowga.

Caafimaadka dheefshiidka:

Qajaarku waxa uu hodan ku yahay biyo iyo ganka horay ka milma. Wuxuu uroon yahay dheefshiidhka, waxaana uu ka hortagaa laab jeexa. Sida oo kale, qajaarka wuxuu hoos u dhigaa heerka pH-ta ee caloosha waxaana uu la dagaallamaa calool istaagga.

Ka hortagga lafo beelka:

Macdanaha ay ka mid yihiin copper, calcium, magnesium iyo potassium ee ku jira cabbitankan, waxay ka dhigaysaa mid ugu uroon caafimaadka lafaha. Cabitaanka qajaarka oo si joogto ah loo cabbo waxay ka hortagtaa cudurka lafo beelka ee loo yaqaanno “osteoporosis” oo dumarka ku badan iyo cilladaha kale ee lafaha ee da’da la xiriira.

Caafimaadka wadnaha:

Maadada potassium ee ku badan qajaarka waxay nidaamisaa heerka cadaadiska dhiigga. Sida oo kale, ganka ku jira qajaarka, waxa uu ka hortagaa in kolestaroolka uu ku uruuro halbowleyaasha iyo in halbowleyaashu ay xannibmaan.

Kansarka:

Sida ay tilmaamayaan daraasaadku, maadada “cucurbitacins” ee ku jirta qajaarka waxa ay liddi ku tahay kansarka. Waxaa kaloo ku jira maado kale oo loo yaqaanno “Lignans” oo ka kooban hormoonka estrogen iyo walxaha sunsaarista, sidaas awgeed, cabitaanka qajaarku waxa uu ka hortagaa cudurka kansarka khaasattan noocyadiisa ku dhaco sambabada iyo ugxanta.

Boogaha caloosha:

Qajaarku waxa uu aad u caawiyaa dawaynta boogaha caloosha. Cabbista 2 koob oo cabitaanka qajaarka ah maalin kasta waxay si weyn u wax uga tari kartaa dawaynta gaastiriga.

Cadaadiska dhiigga:

Qajaarka waxaa ku badan maadooyinka potassium,gan, iyo magnesium, sidaas awgeed, waxa uu roon yahay xakamaynta heerka cadaadiska dhiigga. Ha noqoto cadaadiska dhiigga ee sarreeya ama cadaadiska dhiigga ee hooseeya, qajaarku faaido ayuu u leeyahay labadan cilladoodba.

Caafimaadka kilyaha:

Faaidooyinka waa wayn ee cabitaanka qajaarka waxaa ka mid ah inuu yareeyo heerka aashitada “uric” sidaas awgeed waxa uu ilaaliyaa caafimaadka kelyaha. Waxa kale oo la aaminsan yahay in qajaarku uu yahay dawo dabiici ah oo sifeysa kilyaha maadaama uu nadiifiyo sunta islamarka uu milo ama dhalaaliyo dhagaxaanta yar yar ee kilyaha ku samaysma.

Wanaajinta aragga:

Fitamiinka A iyo maadooyinka kale ee sunsaarista ee laga helo cabitaanka qajaarka waxa ay ilaaliyaan aragga. Daraasad ayaa tilmaamtay in cabitaanka qajaarka oo la joogteeyo ay dib u riixdo caadka indhaha fuula.

Sidee loo diyaariyaa cabitaanka qajaarka?

Waxaa loo baahan yahay:

  • 3 xabbo qajaar ah
  • liin dhanaan

Habka diyaarinta:

  • Diirka ka fiiq qajaarka
  • jar jar oo ku rid mashiinka cabitaanka lagu shiido
  • Shiid muddo hal illaa labo daqiiqo ah
  • Miir cabitaanka
  • Ku darso biyaha liin dhanaanta
  • Ku darso biyo haddii aad u baahan tahay

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *