Dhibaatooyinka Dhiig Karka iyo Saameynta Uu Ku Yeesho Jirka Iyo Maskaxda!

Cadaadiska dhiiga oo sareeya wuxuu si aan la dareemeyn u dhaawacaa jirka ilaa iyo inta laga dareemayo astaamahiisa. Hadii aan la maareynin wuxuu qofka ku sababaa, naafo, nolol taya xun iyo wadna qabad halis ah. Qiyaas ahaan kala bar dadka la nool dhiig karka ee aan mareyn waxey u dhintaan xanuunada ku dhaca wadnaha iyo faalug

Daweyn iyo qaab nololeedka oo isbedel lagu sameeyo ayaa ka caawin kara qofka inuu maareeyo dhiig karka si loo yareeyo dhibaatoyinka halis gelin kara nolosha qofka.

Dhaawacyada uu geysan karo dhiig karka aan la xakameyn waxaa ka mid ah:

Dhaawaca halbowlayaasha

Halbowlayaasha sida caadiga ah waa kuwo dabacsan, adag oo jiidjiidma. Dahaarka gudaha ee halwbolaha waa mid siman, si dhiiga uu ugu qulqulo si xoriyad leh. Dhiig karka wuxuu si tartiid ah u adkeeyaa halbowlayaasha maa damaama cadaadiska dhiiga uu sareeyo. Xididada ayaa dhaawacma ama ay dhumucdoodu yaraataa, sidoo kale waxaa daciif noqda darbiga halbowlaha, daciifka ayaa qofka ka dhiga mid u nugul inuu ku dhoco dhiigbax gudaha oo halis ah.

Dhaawaca wadnaha

Shaqada wadnaha ayaa ah in uu dhiiga tuuro si dhiiga uu u gaaro qeybaha kala duwan ee jirka. Dhiig kar aan la maareyn wuxuu siyaaba kala duwan u dhaawacaa wadnaha, siyaabahas waxaa kamid ah:

  • Xanuunka xididka wadnaha. Waa xanuun ku dhaca halbowlaha dhiiga gaarsiiya wadnaha, xanuunkaan ayaa sababa in dhumucda xididka uu yaraado, sidaa darteed waxay dhiigyari soo wajahdaa wadnaha, astaamaha lagu garto wadnaha u ooman dhiig waxaa kamid ah, xabad xanuun, laxanka garaaca wadnaha oo qaldama iyo wadna qabad.
  • Dhanka bidix ee wadnaha oo weynaada. Dhiig karka wuxuu wadnaha ku qasbaa inuu si laba jibaar ah u shaqeeyo, sidaa darteed waxaa weynaada dhanka bixid ee wadnaha. Isbedelkaan ayaa faragelin ku sameeya shaqada wadnaha, qofkuna wuxuu halis u galaa in wadnaha uu istaago
  • Hawl gabka wadnaha. Waqti kadib dhiig karku wuxuu sababaa inuu ka tanbadiyo wadnaha, sidaa darteed waxaa fashilma wadnaha.

Dhaawaca maskaxda

Maskaxda waxey ku tiirsan tahay nafaqada ay ka hesho dhiiga. Hasa yeeshee cadaadiska dhiiga oo sareeya wuxuu ku sababaa maskaxda dhibaatooyin badan sida:

  • Transient ischemic attack. Waa xaalad dhacda marka uu carqaladoowo qulqulka dhiiga gaaraya maskaxda, waxaa inta badan sababa xinjir ku sameysanta gudaha xididada iyo xeyrta ku dhegta xididada.
  • Xanuunkaan wuxuu yimaada marka uu nusqaamo dhiiga gaara xididdada maskaxda, wuxuu sababa dhimashada unugyadad ay maskaxda ka sameysan tahay. Faalug wuxuu kamid yahay dhibaatooyinka ka dhasha dhiigkarka.
  • Dhaawac soo gaara maskaxda. astaanta lagu gartana ay tahay xusuus xumo.

Dhaawaca kilyaha

Kilyaha waxey dhiiga ka miiraan wasakhda iyo biyaha dheeriga ku ah dhiiga. Waa shaqo ku tiirsan caafimaadka xididada dhiiga. Dhiig karka wuxuu dhaawici karaa xididada dhiiga geeya kilyaha iyo kilyaha laftarkooda.

  • Hawlgabka kilyaha. Waxaa sababa dhaawaca soo gaara xididada geeya dhiiga kilyaha iyo xididada aadka u yaryar ee ku jira gudahda kilyaha. Dhawaacaan wuxuu sababa in kilyaha aysan si fiican u miirin dhiiga ama ay khasaariyaan dhiiga
  • Xididka kilida oo daciifa. Daciifkaan wuxuu sababi karaa in xididka uu qarxo sidaa darteedna ku sababi dhiig bax halis ah

Dhaawaca indhaha

Dhiig karka wuxuu dhaawacaa xididada yaryar ee ku jira gudaha indhaha, waxaa dhawacaan ka dhalan kara aragbeel, sidoo kale waxaa dhaawac soo gaar neerfaha indha

Kacsi la’aan

In kastoo tabar darada iyo kacsi la’aanta ay soo caan baxdo marka ragga ay da’doodu gaarto 50 sano, dadka la nool dhiigkarka waxey u badan yihiin in uu ku dhaco hawl gabka kacsiga. Maadaama cadaadiska dhiiga uu ku marayo xididada ay sareyso waxaa adkaada halbowlayaasha, sidaa darteed waxaa hoos u dhaca dhiigi u qulqulilaa guska.

Xaaladaha degdega ah ee ka dhalan kara dhiig karka waxaa kamid ah:

Akhriso: Habab dabiici ah oo looga adkaan karo dhiig karka

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *