Dhiig Karka: Sababaha Keena, Astaamihiisa Iyo Sida Looga Hortago

cudurka dhiig karka, dhiigkar,

Waa xaalad caafimaad oo saamayn balaaran leh, cadaadiska uu dhiigu ku marayo xididada uqaada xubnaha jirka si ay usiiyaan oxygen iyo nafaqo ayaa siyaada, waxaana yaraada dhumucda xididka ,taasoo keenta inuu siyaado awoodu uu wadnuhu usoo ururo si uu dhiig ugu diro xididka. Dhiig karka waxaa saamayn ku leh laba qodob, mida koowaad waa cadadka dhiiga ee u wadnuhu u dirayo xididada, mida labaadna waa cadaadiska ka jira xididada. Tusaale hadii uu badanyahay dhiiga wadnahaagu udirayo xididada, dhumucda xididkuna ay yartahay waxaa siyaadaya cadaadiska uu dhiigu ku marayo xididka taasoo keenta dhiigkar. Cabirka cadaadiska dhiiga ee caadiga ah waa 120-130/80-90mmHg, hadii uu intaas ka badnaado waqtiyo kala duwan oo isku xigxiga waxaa jira dhiigkar.

Maxaa sababa dhiig karka:

Dhiigkarka waxaa loo qaybiyaa laba qaybood, midka koowaad (essential hypertension) malahan sabab gaar ah oo la fahansanyahay, waxaase lala xiriiriyaa dhaxal, midka labaad waxaa uu leeyahay sabab gaarka sida xanuunada kelyahan ama sonkorta oo kale. Waxaa kale oo lala xiriiraya cusbada, sigaarka, jimicsi la aanta, walwalka (stress) iyo hormoonada kelyaha oo sareeya. Dadka madowga ah ayaa ku badan dhiikarka marka loo eego dadyowga kale.

Astaamaha dhiig karka

Waxaa ka mid ah,  madax-xanuun, wadna garaac, araga oo daciifa, kulayl ama dhaxan, dhidid. Inta badan dhiigkarku wax calaamad ah maleh waxaana laga yaabaa inuu adoo caadi ah oo aan waxba dareemayn uu dhiigaagu kacsanyahay. Waxaa haboon in marwalba aad lasocoto cadadka dhiigaaga.

Ma ladawayn Karaa:

Malahan daawo rasmi ah oo lagu daweeyo laakiin waxaa lagu kontorooli karaa qaab aan daawo ahayn, sida iyadoo la iska ilaliya cuno cusbadu ku badantahay ama saliidu, iyadoo jimicsi lasameeyo iyo in la iska yareeyo walwalka, waxaa kaloo jira daawooyin lagu xakameeyo heerka dhiigkar, kuwaaso faa’ido weyn u leh dadka qaba dhiig karka.

Talo:

Si aan u helno caafimaad wanaagsan, waxaa lagama maarmaan ah inaan badino jimicsiga, waxuu daawooyin u yahay xanuuno badan, dhiigkarka waxaa lagu maarayn karaan jimicsi iyo cuno ubadan qadrada, iska ilaali hilibka badan hadaad qabto dhiigkar, sidoo kale habadsan biyaha cad.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *