Maxaa Keena Dhaawaca Kediska Ah Ee Ku Yimaada Kilyaha?

dhaawaca kilyaha,

Kilyaha waxay shaqooyin badan oo muhiim ah u hayaan jirka intiisa kale. Waxaa kamid ah shaqooyinkaas inay kala miiraan dhiigga, oo ay ka saaraan waxii dheeraad ku ah, sida biyaha, cusbada iyo macaadiinta kale. Waxay isku dheelitiraan dhiiga iyo dheecaan ku jira jirka, waxay joogteeyaan isku dheelitarka guud ee macaadiinta jirka. Kilyahu waxay sameeyaan kaadida, taasoo ay muhiim tahay in jirka laga saaro, waana warshad kala sifaynaysa dheecaanka iyo macaadiinta dhiigga dib loogu darayo iyo kuwo aan jirku u baahnayn ee ay tahay in lasaaro.

Waxay soo daayaan hormoono kala duwan kuwaasoo ka qayb qaata cadaadiska dhiigga iyo samaysinka unugyada cascas ee dhiigga.

Hadaba dhaawac soo gaara kilyaha ayaa keeni kara in uu isbadal kala heerar duwan ku yimaado shaqada kilyaha. Dhaawacaan ayaa saamayn ku yeelan doona hababka kala duwan ee kilyuhu u qabtaan shaqada, waxayna saamaystaasi u gudbi kartaa qaybaha kale ee jirka, maadaama shaqada kilyuhu la xiriiraan habab kala duwan ee jirka intiisa kale.

Dhaawaca kediska ah ayaa ku yimaada kilyaha kaasoo sababa in si soo boodo ah ay u yaradaan amaba meesha uga baxaan shaqooyinkii kalidu. Waa xaalad caafimaad darro oo u baahan in si degdeg ah loo dabiibo, sababtoo ah waxay horseedi kartaa in uu yimaado heer aysan kilyuhu dib ugu laaban Karin shaqooda dhaawaca gaaray aawadiisa.

Maxaa sababa dhaawaca kediska ah ee kilyaha?

Xanuunkaan deg degga ah ayaa waxaa keeni kara cilado badan kuwaasoo lala xiriiriyo, xanuuno meelo kale ka imaan kara iyo kuwo si toos ah uga yimaada kilyaha. Waxaa kamid ah xanuunadaan, xanuunada beerka, wadnaha, dhiigkarka, sonkorta, fashilka wadnaha, yaraansha qulqulka dhiigga ee kilyaha, infegshinada ku dhaca kilyaha, dhiig bax, gubashada, iyo xanuuno kale.

Astaamaha dhaawaca kediska ah ee kilyaha

Astaamaha iyo calaamadaha kala duwan ee xanuunkaan waxaa kamid ah, daal, lugaha oo barara, neefta oo urta, lalabo, matag, dhiigkar, xanuun laga dareemo inta u dhaxaysa feeraha iyo simaha, laleemo, qalal, abiteetka oo yaraada dhadhanka oo isbadala, calaamadahaan ayaa laga yaabaa inuusan bukaanku wada arag laakiin kuwooda ugu caansan waxaa kamid ah dhiigkarka iyo bararka lugaha.

Baaritaanka xanuunkaan ahaa ah mid aad u sahlan iyadoo lagu ogaan karo, warbixinta bukaanka iyo wiisitaynta dhakhtarka. Baaritaanada la xiriira sheybaarka iyo qalabyada casriga ah sida CT scan ayaa ah kuwo sidoo kale lagu ogaan karo inuu jiro dhaawac soo gaaray kilyaha.

Daaweynta

Daaweynta xanuunkaan ayaa ku xiran hadba sababta keentay. Waa xanuun siyaabo kala duwan oo ladaweeyo laakiin leh hal ujeedo oo ah in lasoo celiyo shaqadii kalida. Wado kasto oo loo maro daaweyntiisu waxuu isagu imaanayaan hal ujeedo taas oo meesheedii kusoo celinaysa inay si caadi ah kusoo noqdaan shaqadii kilyihu. Sifaynta dhiiga si meesha looga saaro inay wax macaadiin dheeraad ah ama wasakh kale ay raacaan maadaama ay dhaawac u geysan karaan xubnaha kale ee jirka ayaa ah fursad lasiiyo bukaan kasta oo uu soo gaaro dhaawac kilyaha ah heerkiisuna sareeyo. Waxaana bukaanada qaarkood lagu rakibaa mashiinka dhiigga sifeeya ee loo yaqaano dialysis. Muhiimadda mashiinkaan ayaa ah inuu dhiiga kasaaro biyaha iyo macaadinta kale ee dheeraadka ku ah.

Akhriso:

Check Also

xanuunka cirbaha, cirba xanuun, ciribta,

Xanuunka Ciribta Ee Loo Yaqaanno “Heel Spur Syndrome”: Sababaha Keena Iyo Sida Loola Tacaali Karo

Xanuun fiiqan oo aad ka dareentid ciribta hoosteeda sidii in musmaar lagugu muday oo kale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *