Fashilka Kilyaha Ee Joogtada Ah (Chronic Kidney Injury)

Dhaawaca kilyaha ee joogtada waxaa sidoo kale loo yaqaanaa fashilka kilyaha ee joogtada ah. Kilyaha waxa ay dhiiga ka miiraan wasakhda iyo biyada dhiiga dheeriga ku ah, wasakhdaas ayaa la raacsiiyaa kaadida. Marka dhaawaca kilyaha uu noqdo mid joogta ah, jirka waxaa buux dhaafiya wasakh iyo biyo badan, jirkana ku ah halis ah.

Xiliyadad hore ee dhaawaca kilyaha ee joogtada ah, waxaa laga yaabaa in la dareemo astaamo iyo calaamado dhawr ah. Dhaawaca joogtada ah masoo muuqdo ilaa shaqada kilyaha ay si weyn hoos ugu dhacdo.

Daweynta fashilka kilyaha ee joogtada ah waxaa diirada lagu saaraa sidii loo gaabin lahaa sii socoshada dhaawaca kilyaha, ayadoo la xakameynaayo waxyaabaha qarsan ee sababaya. Dhaawaca joogtada ah ee kilyaha ayaa keeni kara fashilka kilyaha, waa xaalad halis ah hadii aan qofka lagu sameyn kilya dhaqis ama kaadi saarid.

Astaamaha

Calaamadaha iyo astaamaha lagu garto dhaawaca joogtada ah ee kilyaha waa kuwo ay soo muuqashadoodu qaadato waqti dheer, waxaa ka mid ah astaamaha iyo calaamadaha:

  • Lalabo
  • Matag
  • Abatayt xumo
  • Daal iyo tabar darro
  • Hurdo xumo
  • Cabirka kaadida oo isbedela
  • Fariidnimada oo yaraata
  • Jaraynta iyo majiirka murqaha
  • Anqawyada oo barara
  • Cuncun joogta ah
  • Xabad xanuun ka dhasha biyo galeenka sambabada
  • Neefta oo dhib noqota
  • Dhiig kar aan la xakameyn karin

Astaamaha iyo calaamadaha waa kuwo aan gaar u ahayn dhaawaca kilyaha ee joogtadaha, waxey ka dhigan tahay astaamahaan iyo calaamadaan waxaa la wadaago xunuuno kale. Maadama ay kilyaha ay si fudud ula qabsan karaan isbedelada ka dhaca gudaha jirka, astaamahaan iyo calaamadaan masoo muuqdaan ilaa dhaawac aan laga noqon karin ku dhaco kilyaha

Sababaha keena fashilka kilyaha ee joogtada ah

Fashilka kilyaha ee joogtada ah waxaa sababo xanuun ama xaaladaha daciifiya shaqada kilyaha, sababana in kilyaha ay waqtiba waqtiga ka dambeeyo ay sii xumaadaan.

Xanuunada iyo xaaladaha sababi kara dhaawaca joogtada ah ee kilyaha waxaa kamid ah:

  • Sonkoroow nooca kowaad iyo nooca labaad
  • Dhiig kar
  • Glomerulonephritis oo ah tuubooyinka ku jira gudaha kilyaha oo caabuqa
  • Cudurka kilyaha fiixda leh
  • Marinka kaadida oo waqti dheer xirnaata: arintaan ayaa ka dhalata xaaladaha qanjirka ragga oo weynaada, dhagaxaanta kilyaha iyo kansarada qaar.
  • Pyelonephritis oo ah infekshanka soo noqnoqda ee kilyaha

Halista keeni karta fashilka kilyaha ee joogtada ah

  • Sonkoroow
  • Dhiig kar
  • Xanuunada xididada iyo wadnaha
  • Cabidda sigaarka
  • Cayilka
  • Taariikh hore ee qeyska
  • Kilyaha oo aan si caadi ah u sameysneyn
  • Da’

Dhibaatooyinka la xiriira xanuunkaan

Dhaawaca joogtada ah ee kilyaha wuxuu saameeya qeyb walba oo jirka ka mid ah, waana arin halisteeda leh.

  • Jirka oo xajisto biyaha waa arin sababi karta in samabada ay biyo fariistaan
  • Xadiga macdada potassiumo kor ukacda, oo ah macdan faragelin ku sameyn karta shaqada wadnaha
  • Xanuunada xididada iyo wadnaha
  • Dhiig yari
  • Hamiga galmada oo yaraada
  • Dhareemaha dhexyaalka ah oo dhaawacma
  • Difaaca jirka oo hoos u dhaca
  • Infekshan ku dhaca wadnaha
  • Dhaawac aan laga noqon karin oo ku yimaada kilyaha

Daweynta

Waxaa jira siyaaba badan oo loo wajaho daweynta xaaladaan waxaana kamid ah:

  • Daweynta waxa sababaya xanuunkaan
  • Daweynta dhibaatooyinka ka dhalan kara
  • Daweynta kilyaha fashilmay oo ah kaadi saarid ama kilyo dhaqid iyo bedelidda kilyaha

Talo

Booqo dhaqtar hadii aad isku aragtid calaamadaha iyo astaamaha lagu garto xanuunada kilyaha

Hadii aad la nooshahay xaaladaha sababi kara xanuunkaan, kala tasho dhaqtarkaaga sida aad isha ugu hayn laheyd shaqada kilyaha.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *