Kilyo Xanuunka Sonkorowga (Diabetic nephrophathy)

kilyo xanuunka macaanka:

Kilidu waxaa ay muhiimad u leedahay shaqooyin badan oo jirka ah sida saarida wasakhda, isku dheeli tirka dheecaanada biyaha iyo macdanta, kontoroolida cabirka dhiiga, kontoroolida hormoonada iyo isku miisaamida acidka iyo baseka . Hadii uu ku yimaado xanuun waxaa ay saamayn ku yeelanaysaa shaqooyin badan. Macaanku waa xanuun saameeyaa shaqada kelida taasoo inta badan sababta xanuunka loo yaqaano diabetic “nephrophathy” kasoo waxyeeleeya shaqada kelida ama dhaawaca kelida.

Kilidu waxay leedahay xididdo yaryar oo aad u tira badan kuwaasoo filtar gareeya wasakhda la socota dhiiga, hadii uu qofku qabo macaan, Glucose ama sonkor badan ee la socota dhiiga waxaa ay sababtaa inay dhaawacmaan ama ay baaba’aan gabi ahaan xididdadaan yaryar. Tani waxay saamaysaa shaqadii kasocota kilida, hadii lagusii jiro marxaladaan waxaa ugu danbey ku yimaada kelida shaqo joojin ama fashil.

Sababta ilaa hada lafahansanyahay ayaa ah in macaanku uu sababo xanuunkaan. Waxaa kaloo jira in dadka qaba dhiigkarka, ama uu ku badanyahay kolesterol ama caba sigaarka ay jaanis u leeyihiin bilowga xanuunkaan.

Bilowga xanuunkaan waxaa dhacda inuusan lahayn wax calaamad oo muujinaya, waxaana inta badan dadku dareemaan markuu gaaro heer sare. Baaritaan ayaa lagu sameeyaa shaqada kelida iyadoo la baarayo kaadida. Kaadida caadiga ah kama koobna wax borotiin ah. Hadii borotiinka albumin laga helo kaadida waxay muujinaysaa inuu jiro dhaawac soo gaaray kilida kaasoo saamayn ku yeelan kara shaqadeeda. Marka la dareemo calamaadihiisa waxaa kamid ah, gacmaha, cagaha iyo wajiga oo barara, laqanyo, daal ama itaal yari, hurdo xumo, wadna garaac iyo murqo xanuun.

Dadka qaba xanuunka macaanka waxaa lagama maarmaan ah inay ugu yaraan sanadkiiba mar ay maraan baaritaan la xariira kaadida ah maadaama aan xanuunka kilyo xanuunka sokoroowga la ogaan Karin calaamadihiisa xili hore.

Daaweyntu waxay ku xirantahay xanuunka sababta u ah, waxaa lagama maarmaan ah in hoos loo dhigo xadiga sonkorta ee dhiiga ku jira iyo in sidoo kale la kontoroolo cabirka dhiiga ee sareeya.

Talo:

hadii aa qabto macaan/sonkoroow, waxaa wanaagsan inaad marto baaritaan kaadida ah si loo hubiyo inaysan wax borotiin ah ku jirin kaadida ugu yaraan sanadkiiba mar.

Check Also

xanuunka cirbaha, cirba xanuun, ciribta,

Xanuunka Ciribta Ee Loo Yaqaanno “Heel Spur Syndrome”: Sababaha Keena Iyo Sida Loola Tacaali Karo

Xanuun fiiqan oo aad ka dareentid ciribta hoosteeda sidii in musmaar lagugu muday oo kale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *