Arag Beelka Sonkorowga (Diabetic Retinopathy), Astaamihiisa Iyo Sida Looga Hortago

Waa xaalad ka dhalata dhaawac soo gaara xuub kujira indhaha, dhawacan wuxuu ka yimid sonkorta kubadan dhiiga oo loo yaqaano Retina.

Aragbeelka sokoroowga waxay ka dhalataa Sonkorow nooca koowaad iyo nooca labaad, aragbeelka wuxuu ku bilaawdaa si khafiif ah marka hore isagoo xoogeysta ilaa araga oo dhan uu lumo. Cilada ugu caansan ee ka dhalata cudurka sonkoroowga waa arag beelka Sokorta ay sababto.

Sidee ayuu aragbeelka sonkoroowga udhacaa?

Isha gudaheeda waxaa ku jira xuub loo yaqaano RETINA oo ah meesha sawirka indhahaaga ay arkaan u badasha koronto ay masaxda fahmi karto, si maskaxda ay kugu fasirto waxay ay indhahaaga arkaan.

Waxaa daciifa xididada dhiiga ee aadka uyaryar ee kujira gudaha isha, waxaana ka soo dusa dhiiga, kaasoo ku daata gudaha isha, waxaana halkaas ka dhasha aragtida oo khalkhal gasha, inta badan arag beelka sokoroowga waa mid si tartiib tartiib ah kusoo muuqda oo aan la ogaan Karin ilaa marka xaalada araga ay gaarto heer aanan waxba laga qaban Karin.

Arag beelka sonkoroowga wuxuu ukala baxaa laba nooc, arag beel  durba kusoo baxa iyo mid xili dambe soo baxa, midka durbada ku soo baxa waa midka marka xididada yaryar ee isha kuwooda dhaawacmay aysan sameen xidida kale oo cusub oo badala kuwa dhaawacmay, arag beelka nooca xili dambe soo baxa waa midka taagan marxalad ay kusoo baxaan xidida cusub oo badala kuwa dhaawacma, hasa ahaatee xididada cusub ee sameesma uma sameesmaan si hanaankoodu wanaagsan yahay, sababtoo ah waxaa fudud in dhiiga uu kasoo duso xididada oo uu xiro sawirka indhaha ay arkayaan sidii masxada ay ufasiri laheed.

Maxaa sababa arag beelka sonkoroowga?

Waxaa keena sonkorta (glucose) ku jira dhiiga oo xad-dhaaf ah, taasoo dhaawac gaarsiisa xididida dhiiga geeya xuubka RETINA, dhaawaca xididada dhiiga gaarsiiya Retina waxay sameysaa boog sababi karta in araga uu lumo.  waxaa kaloo dhaawici kara xididadaan dhiig karka.

Waxaa kordha fursadaha inuu kugu dhaco arag beelka Sokoroowga hadii aad qabtid cudurka sokoroowga waqti dheer. Inta badan dadka qaba Sokoroow in kabadan 30 sano waxaa ay isku arkaan astaamaha indha la,aanta Sokoroowga, xakameynta cudurka sokoroow wuxuu yareeyaa xawaaraha uu kusoo baxo arag beelku.

Waa maxay astaamaha Arag beelka Sonkoroowga?

Inta badan la iskuma arko astaamahiisa marxaladaha hore ee cudurka sokoroowga, hasa ahaatee wuxuu soo baxaa hadii aan la xakameyn sokoroowga ama waqtiga cudurka uu dheeraado, astaamaha waxaa lagu arkaa labada indhood.

Astaamahaan masoo baxaan ilaa uu dhaawac weyn soo gaaro xididida yaryar ee kujira insha, si aad uga hortagtid dhaawac yadaan waxaa laga maarmaan ah inaad si joogta ah usameesid baaris ccaafimaad oo indhaha la xariirta, si looga gaaro hadii dhaawaca uusoo bilaawdo inta uusan araga dhaawicin.

Sidee looga hortagaa arag beelka Sokoroowga.

Dadka qaba cudurka sokoroowga waxaa muhiim u ah in la ilaaliyo xadiga sokorta (glucose) ee dhiiga iyo kolesterolka si looga hortago arag beelka Sokoroowga, mideeda kale waxaa looga baahan yahay qof walba oo qaba cudurka sokoroowga inuu isku sameeyo baaris caafimaad, una tago dhaqtarka indhaha (Ophthalmologist) sida ugu dhaqsiyaha badan hadii uu dareemo calaamadahan arag beelka sonkorowga.

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *