Cuntooyinka Ilaaliya Caafimaadka Beerka, Infekshankana Ka Difaaca

Beerka waxa uu ka mid yahay, xubnaha ugu muhiimsan nolosha noolaha oo dhan, waxa uu qabtaa shaqooyin dhammaantood lagama maarmaan ah, waxaa ka mid ah, daweynta cilladaha dheefshiidka, dibirada iyo calool istaagga. Sidoo kale wuxuu caawiyaa nidaaminta heerka sonkorta dhiigga, isagoo ka hortaga jamashada sonkorta iyo tabar yarida.

Beerku wuxuu door muhiim ka ciyaaraa soo saaridda barootiinno iyo dheecaanka bayl si uu u keydiyo fitaamiinnada, macdanaha iyo kaarbohaydraytyada. Beerku wuxuu burburiyaa jirkana ka saaraa sunta soo gasha, taas oo ilaalisa caafimaadkiisa.

Haddii beerkaagu uuna si wanaagsan u shaqaynayn waxay keentaa cudurrada sonkorowga, dhiig karka, difaaca jirka khalkhalsan (autoimmune diseases) iyo xunbo xanuunka loo yaqaanno “Arthritis”. Beerka aan caafimaadka qabin wuxuu kaloo sababi karaa Khalkhalka hormoonnada, madax xanuun, niyad jab iyo isku-buuq.

Haddaba aad ayay muhiim u tahay inaad ka taxadarto caafimaadka beerkaaga si aad uga hortagto infekshanka ku dhaco beerka. Waxaan halkaan ku soo aruurinay 9 cunno oo u wanaagsan caafimaadka beerka, kana ilaaliya infekshanka. Ka faa’idaysi wacan:

Khudaarta cagaaran:

Khudaarta caleemaha cagaaran leh sida kaabajka, broccoli-ga iyo koostada waxaa ku badan maadada sulphur oo caawisa qashin saarka beerka, taas oo baabi’isa waxaa loo yaqaanno “free radicals” (xidido xor ah) iyo sunta kale ee kiimikada ah. Khudaarta caleemaha cagaaran leh waxay kiciyaan beerka iyo ganaca si ay u soo daayaan dheecaanka bayl kaas oo caawiyaa buburinta cunnada iyo nuugista dufanka.

Khudaarta la yiraahdo cauliflower, broccoli iyo kaabajka waxaa ku jira maadooyinka “flavonoids” iyo “carotenoids” kuwaas oo awood u leh inay ka hortagaan samayska bakteeriyada loo yaqaanno “carcinogen” ee caloosha taas oo sababta cudurka kansarka.

Toonta:

Toontu waxay sare u qaadaa dheecaan burburiyaha beerka uu soo daayo taasoo keenaysa in qashinka si sahlan loo saaro, waxaa kaloo toonta ka buuxdo labo maaddo oo loo kala magacaabo “Allcin iyo Selenium” waxayna beerka ku caawiyaan qashin saarka.

Canabka:

Waxaa miraha canabka ku jira walxo faa’ido u leh beerka, cunistiisa iyo cabitaankiisa oo la joogteeyana, waxay uroon tahay beerka, waxay yaraysaa hurka (inflammation), waxay ka ilaalisaa in dhaawac uu soo gaaro, waxayna kordhisaa maadooyinka sunsaarista.

Saliid saytuunta:

Saliid saytuuntu waxay leedahay faa’idooyin tiro badan, waxay uroon tahay caafimaadka beerka iyo wadnaha, Cunista hal qaaddo oo saliid saytuun ah maalin kasta, waxay hagaajisaa dheecaan burburiyeyaasha beerka, unugyada dufanka, waxay kobcisaa qulqul wareegga dhiigga ee beerka.

Sanjabiisha:

Sanjabiishu waxay beerka ka sifeysaa sunta, waxay wanaajisaa qulqul wareegga dhiigga, waxay furta halbowlayaasha dhiigga ee xirmay, waxayna hoos u dhiigtaa heerka dufanka dhiigga.

Ukunta:

Waxaa ukunta lagaa helaa barootiin iyo amino acids kuwaas beerku uu u baahan yahay si uu sunta iskaga saaro. Maadada loo yaqaanno “choline” ee ku jirta ukunta waxay beerka ka ilaalisaa waxyaabo badan oo khatar ku ah.

Kalluunka duxda leh:

Kalluunka duxda leh sida mackerel iyo salmon waxaa ka buuxo saliida loo yaqaanno omega 3, taas oo yaraysa caabuqa beerka. Waxay ka hortagaa in dufan uu ku ururo beerka iyo in dheecaan burburiyeyaasha beerku aysan dhaafin heerkooda dabiiciga ah. Waxay kaloo hagaajiyaan shaqada insulin-ta.

Cabbitaanka baytaraafka:

Cabitaanka baytaraafku waa il wanaagsan oo laga helo maadooyinka sunsaarista iyo nitrates kuwaas oo faaido leh beerka, iyagoo yareeya dhaawaca uu iyo hu.

Liin Dhanaanta

Liin dhanaantu waxay caawisaa shaqada beerka, waxayna dhalaalisaa waxyaabaha halista ku ah, sida aashitada uriik (Uric Acid), waxay kaloo mishaa dacarta, sidaas awgeed waxaa lagu taliyaa in qofka uu subaxii hore cabbo biyo liin dhanaan oo diirran si beerku uu sifeysmo.

Kafeega:

Kafeegu waxa uu ilaaliyaa caafimaadka beerka oo la aaminsan yahay in uu ka hortago beerka oo burbura ama shaqadiisa gaabiya. Waxa kale oo uu kafeegu yareeyaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco xanuunka Kansarku.

Check Also

cunto ku bilaabista, caruurta yar yar, nafaqada caruurta,

Goormee Cuntada Lagu Bilaabaa Caruurta Yar Yar, Cuntadee Se U Fiican?

Caanaha naaska aad ayay muhiim ugu yihiin ilmaha yar, waana in labo sano la nuujiyo. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *