Cunista Lawsku Miyay Kordhisaa Shahwada Ragga?

Cilmibaaris lagu sameeyay wadanka Spain oo ragga qayb galay ay da’doodu u dhaxeysay 18 illaa 35 ayaa lagu ogaaday in in cunista lowsku ay kor u qaaddo tayada iyo xaddiga shahwada ragga.

Khubarada daraasadaan sameeyay ayaa sheegay in cunista lowsku gaar ahaan noocyada loo yaqaanno walnuts, almonds, iyo hazelnuts-ku ay kobciyaan caafimaadka iyo tayada shahwada ragga.

Lowska iyo yicibta waxaa ka buuxa borotiinka loo yaqaano “Arginine” oo macdan qeyb weyn ka qaadato samaynta unugyada shahwada, sidoo kale waxaa ku jiro macdanta loo yaqaano “Zinc” oo iyadane muhiim u ah tirada iyo socodka xawada “Sperm”, laakiin waxaa muhiim ah in la ogaado shahwo yarida ka dhalato xanuunada qaar sida caabuqa, tubooyinka xirma iyo unugyada xiniinyaaha oo wax gaara, waxba kama taro lowska, wuxuu lowska iyo yicibta u fiican yihiin dadka aan xanuunadaas qabin, laakiin fitamiinnada iyo macdanta soo saarka shahwada ragga muhiimka u ah ay ku yar tahay.

Noocyada lowska sida almonds, walnuts, iyo hazelnuts waxaa ka buuxo dufanka loo yaqaan Omega 3, macaadinta Folate, Zinc, Selenium iyo Vitamin E. Dhammaan nafaqooyinkani waxay muhiim u yihiin soo saarista shahwada, sidoo kale waxay caawiyaan dheelitirka hormoonnada.

Daraasad kale oo lagu sameeyay wadanka Australia ayaa lagu arkay in cunista cuntooyinka ay ku badan tahay maadada jirka sunta ka saarto ee “Antioxidants” ay u wanaagsan yihiin caafimaadka shahwada, cuntooyinkaas waxaa ka mid ah kaarootada, baradhada macaan iyo cambaha.

Lawska nooca walnuts ka waxaa ku badan dufanka omega 3 oo caawiya badiya shahwada islamarkaana kodhiya in qulqulka dhiiggu uu gaaro xiniinyaha. Sidoo kale, lawskani waa il qani ku ah fitamiin E oo kor u qaadaya tayada shahwada kana ilaaliyada waxyeellada.

Lawska almonds ka wuxuu hagaajiyaa howsha galmada iyo dhalmada ee ragga. Lawskaan waxaa ku jirta maado la yiraahdo “arginine” oo muhiim u ah ragganimada. Maadadaan waxay jirka ku siyaadisaa maado kale oo lagu magacaabo “nitric oxide”, taas oo ballaarisa xididada arooriyaasha ee xubinta ragga si qulqulka ugu bato sidaasna ay awood ku yeelato. Lawskaan wuxuu yareeyaa dhaawaca ay manida gaarsiiyaan waxa loo yaqaanno “free radicals iyo cilladaha galmada”

Cilmi baaris kale ayaa iyaduna tilmaantay in cuntooyinka uu ka buuxo dufanka omega 3 sida kalluunka ay kobciyaan hammada iyo tayada biyaha ragga

Cunista digirta, lawska, digaaga, cuntooyinka badda iyo khudaarta ayaa khubarada nafaqadu sheegeen inay wanaajiyaan hammada iyo dhalmada ragga.

Waxay dhakhaatiirtu ku taliyaan in raggu ay ka fogadaan sigaar cabbida, cabbitaannada Soda-da iyo dhafarka maadaama la xiriiriyay ma-dhalaysnimo.

Qaadka ayaa la rumaysan yahay inuu faragalin ku sameeyo tayada shahwada ragga taasoo keeni karta madhalaysnimo. In badan oo kamid ah ragga cuna qaadka ayaa laga soo xigtay inay isku arkaan shahwada oo katimaada iyaga oo aan ogeyn, arintaan ayaa noqon karta mid khalkhal ku keenta kacsiga ama inuu meeshaba ka baxo dareenka.

Cunista cunto isku dheelitiran, nolol wanaagga iyo fayow-qabku waxay dhammaantood ka qeyb qaadan karaan inay xoojiyaan awooddaada dhanka gudashada howsha gogosha.

Daryeel Magazine

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *