Cuntooyinka Sare U Qaada Xaddiga Shahwada Raga Iyo Tayadeeda

Dhalmo la’aanta waa dhibaato saamaysaa 8% illaa 12% lamaanayaasha dunida ku nool. Sababaha ugu waa wayn ee ragga dhalmo la’aanta ku keena waxaa ka mid ah tayo xumada manida iyo dhaqdhaqaaqa shahwada (sperm motility) taas oo saamaysa uureynta.

Waxaa jira caadooyin iyo cillado caafimaad oo saamayn taban ku yeesha tayada iyo xaddiga shahwada waxaa ka mid ah buurnida, niyad jabka iyo daroogada.

Ragg badan oo caba sigaarka ayaa la ogaaday inaysan kacsan karin ama ay waqti badan ku qaadato. Sigaarku waxuu yareeyaa soo saarida shahwada ragga waxuuna keeni karaa in kansar uu ku dhaco xaniinyahaya ragga. Qaadka ayaa la aaminsan yahay inuu faragalin ku sameeyo tayada shahwada raga taasoo keeni karta madhalaysnimo. 

Daraasaduhu waxa ay xaqiijiyeen in cunnada iyo nafaqada ay door muhiim ku leeyihiin galmada iyo awoodda bacriminta ee ragga. Cunista cunno isku-dheelitiran waxay sare u qaadaa tayada shahwada iyo fursadda uureynta.

Hadaba qormadaan waxaan ku soo qaadanaynaa cuntooyinka shahwada raga badiya waxaana ka soo xiganay shabakadda Boldsky:

Ukunta:

Waxaa la aaminsan yahay in ukuntu ay ka mid tahay cuntooyinka kordhiya xaddiga shawada ragga. Waxaa ku badan fitamiin E, fitamiin B12 iyo barootiin. Daraasad la sameeyay ayaa lagu arkay in fitamiin B12 uu kordhiyo xaddiga shahwada, dhaqdhaqaaqa shahwada iyo inuu ka hortago inay waxyeelo gaarto DNA-da shahwada.

Koostada:

Waxaa koostada ku jirta maadada “folate” taas oo lala xiriiriyo caafimaadka shahwada. Maadadaan oo jirka ninka ku yaraatada waxay hoos u dhigtaa fursadda uu ku soo saarayo shahwo cilladaysan. Cuntooyinka kale ee folate laga helo waxaa ka mdi ah: digirta, misirta, lawska, ukunta iyo liin macaanta.

Mooska:

Mooska wuxuu qani ku yahay fitamiinnada A, B1 iyo C kuwaas jirka ka caawiya inuu soo saaro shahwo caafinaad qabta. Waxaa kaloo mooska ku jirta maado lagu magacaabo “bromelain” taas oo oo kordhisa xaddiga shahwada iyo dhaqdhaqaaqeeda.

Shukulataada madow:

Waxay shukulataada madow ka mid tahay cuntooyinka kordhiya rabitaanka galmada, shahwadana badiya. Waxaa ku jira barootin lagu magacaabo “L-Arginine HCL” kaas oo kordhiya manida iyo xaddiga xawada.

Broccoli:

Broccoli-da waxay ka mid tahay khudaarta cagaaran, waxaa laga helaa folate iyo fitamiin C oo sunsaare ku milma biyaha. Labadaan waxay si dabiici u kordhiyaan shahwada raga, waxayna wanaajiyaan awoodda bacriminta ee ragga.

Rummaanka:

Rummaanka wuxuu ugu horeeyaa miraha u roon awood siinta ragga, wuxuu kordhiyaa kacsiga waana arrin la hubo. Rummaanku wuxuu badiyaa xaddiga xawada, tayada manidana kor ayuu qaadaa. Waxaa mirahaan ka buuxo maadooyinka sunsaarista kuwaas oo sare u qaadaa heerka hormoonka testosterone, rabitaanka galmada iyo tayada manida.

Lawska:

Waxaa lawska ku badan dudanka Omega3 oo kordhiya xadiga manida islamarkaana ka qayb qaata in qulqul wareegga dhiigga uu si fiican u gaaro xaniinyaha. Waxaa kaloo cunista lawska laga helaa fitamiin E iyo maadada Zinc oo muhiim u ah caafimaadka shahwada iyo kor u qaadista tayadeeda.

Yaanyada:

Yaanyada waxaa ku jirta maado sunsaare ah oo lagu magacaabo “lycopene” taas oo la arkay inay bacriminta ragga. Daraasaduhu waxa ay tilmaamaayaan in maadada lycopene ay hagaajiso dhaqdhaqaaqa iyo shaqada shahwada. Joogtee cabbista cabitaanka yaanyada si aad u hagaajiso dhaqdhaqaaqa shahwada.

Blueberrries:

Mirahaan waxaa ku jira labo maado oo la yiraahdo “resveratrol” iyo “quercetin” oo kor u qaada xaddiga iyo dhaqdhaqaaqa shahwada.

Lohodka (oysters):

Lohodka waxaa ku jirta maaddada zinc oo muhiim u ah hagaajinta heerka hormoonka testosterone iyo soo saarista shahwo caafimaad qabta. Maadada zinc oo jirka ku yaraata waxay ragga ku keeni kartaa dhalmo la’aan.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *