Hormoonka Testosterone Iyo Rabitaanka Galmo Ee Ragga

Inkasta oo hormoonka Testosterone oo kaliya uusan ahayn waxa udub dhexaadka u ah rabitaanka galmo ee raga, haddana yaraanshiyahiisa ayaa hoos u dhigeysa awoodda galmo iyo dhammaystirnaanshaha baahida loo qabo galmada.

Rabitaanka oo hoos u dhaca iyo kacsiga oo yaraada ayaa ah dhibaatooyinka imaan karo marka shaqada hormoonkan ay yaraato, haddaba si arrintan loo xalliyo waa muhiim in la daweeyo sababta keentay.

Waa maxay testosterone?

Waa hormoon ka mid ah hormoonnada ragga ee loo yaqaanno “Androgen” waxaana laga helaa dadka iyo xoolaha intaba, badanaa waxaa laga soo daayaa xiniinyaha. Dumarka laftirkooda way qabaan hormoonkaan laakiin aad ayuu ugu yaryahay.

Waa hormoonka u qaabilsan korriinka xiniinyaha, qanjirka ragga, soo saarka tinta ragga lagu garto iyo qaab u samaynta murqaha iyo lafaha ragga. Testosterone wuxuu muhiim u yahay caafimaadka, hadduu yaraado dhibaatooyin badan ayuu keenaa, wuxuuna xittaa ka hortagaa cudurka lafo beelka. Haddii dumarka uu ku bato testosterone codkooda wuxuu u ekaadaa sida ragga, sida ragga ayay timo ku yeelan xabadka iyo wajiga.

Testosterone iyo sababaha nuqsaamiya tamarta galmada

Cilmibaarayaashu ma caddeyn habka uu hormoonkaan kor ugu qaado awoodda kacsi ee qofka raga ah, balse waxaa dhacda in da’ada qaangaarnimada iyo labaatameeyda ay soo bilaabato hoos u dhac kacsiga ah, waana arin inta badan caadi ah.

Waxaase kala duwan awoodda kacsi ee raga, waxaa la arkaa in qof walba uu la gaar yahay heerkiisa rabitaan ee galmo iyada oo ay ku xirantahay waqtiga, xaaladda shaqsiga, deegaankiisa sida uu ugu saamaxo fursadaha galmo.

Sababahaas oo idil marka la eego waxa ay caddeynayaan in waxa nin gaar ah uu uyaqaano kacsi yari, in qofkale ay u tahay arin caadi ah oo uu tabartiisa iyo tayada galmo ay u dhantahay.

Sidaa darteed waxaa adkaanaya in la xadeeyo halbeegga kacsiga raga, oo lagu qeexo wax laisla ogyahay, qofka ayaa dareema tabar darri xagga galmada ah, ama lammaanihiisa ayaa soo tabisa cabashada, siyaabahaas oo kaliya ayaa lagu ogaadaa in qalqal uu kajiro dhanka kacsiga.

Hoos u dhaca  hormoonka testosterone:

Calaamadaha marwalba kama tarjumayaan in la waayo kacsiga, iyada oo hormoonkan hoos u dhacsanyahay ayaa laga yaabaa in raga qaar wali dareemaan si caadi ah in ay u gutaan rabitaankooda. Balse, si guud hoos u dhaca hormoonkan waxa uu keenayaa tabarta lagu sameeyo galmada oo yaraato.

Kaliya hoos u dhaca hormoonkaan waa mid ka mid ah calaamadaha tabaryarida raganimada, sidoo kale waxaa jira xaalado kale oo dhalin kara dhibaatadaan, sida walwalka, hurdo xumida, xanuunada joogtada ah, dhammaan waxa ay samaynayaan tabaryarida ragga.

Kacsi la’aanta iyo hoos u dhaca hormoonka

Badanaa lama arko in kacsiga la’aan marka uu hormuunku yareeyo shaqadiisa, ee waxaa jira calaamado is biirsanaya xilliga xaaladda kacsi la’aanta lagu arkayo ragga.

Sida caadiga ah qulqulka dhiigga oo hoos u dhaca ayaa ragga badana ku keena in laga waayo wax dareen kacsi ah marka uu isku dayo, gaar ahaan xididdada quudiya xubinta galmada ee ragga.

Xanuunka kaadi macaanka, dhiig karka, iyo caadada sigaar cabista ayaa ah sababaha ugu weyn ee keena in qulqulka dhiigga ku yaraado meelo jirka ka mid ah.

Akhriso: dhiig karka iyo galmada: Sidee u kala saameeyaa ragga iyo dumarka?

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *