Cudurrada Laga Qaado Barootiinka Oo La Iska Badiyo

Barootiinku waa curiye muhiim u ah dhismaha unugyada jirka aadamaha, waana dhagaxa aasaaska u ah dhismaha timaha, maqaarka, ciddiyaha iyo koritaanka muruqaha. Ilaha barootiinka laga helo waxaa ka mid hilibka xoolaha, hilibka digaaga cuntooyinka caanaha laga sameeyo, kalluunka iyo ukunta, waxaa kaloo laga helaa lowska, misirta, harakowga, boorashka, iyo miraha chia seeds.

Faa’idadaa aadka u ballaaran ee barootiintu jirka u leedahay waxaa garab socda, dhibaato ka dhalata haddii laga cuno in ka badan inta uu jirku u baahan yahay. Cunista xad dhaafka ah ee barootiinka waxay waxyeellaysaa lahaha, waxay sare qaadaa khatarta kansarka caloosha ku dhaca, kansarka malawadka, howlgabka beerka iyo qaar kale.

 Waxaan halkaan ku soo qaadanaynaa khataraha caafimaadka ee lala xiriiriyo cunista barootiinka oo la iska badidiyo oo aan ka soo xiganay shabakadda Bold Sky, waxayna kala yihiin:

Calool istaagga:

Fiber waa nooc kamid ah nafaqada cuntada, kaas oo laga helo cuntooyin kala duwan. Waa nafaqo u wanaagsan caafimaadka qabka dheefshiidka. Cunista badan ee barootiinku waxay xadidaa xadiga fiber-ka taasoo oo keeni karta calool istaag. Cunista cuntooyinka fiber-ku uu ku badan yahay iyo biyo badan oo la cabbo ayaa looga hortagi karaa calool istaagga.

Dhagaxaanta kilyaha:

barootiinka oo si xad dhaaf ah loo cuno waxay kordhisa acids-ka kilyaha taasoo ka qeyb qaadata in dhagaxaan ay ku samaysmaan kilyaha. Hilibka xoolaha oo la iska badiyo waxay sababtaa in biyuhu ay jirka ku yaraadaan. Barootiinka xad dhaafka ah wuxuu khatar ku yahay dadka qabo kilyo xanuunka.

Cudurka kansarka:

Daraasado ayaa tilmaamay in cunista barootiinka xad dhaafka ah gaar ahaan kan laga helo hilibka xoolaha ay kordhiso halista cudurka kansarka gaar ahaan kan dhaca caloosha, malwadka iyo qanjirka ragga ee prostate-ka,

Cayilka badan:

Cunista barootiiinka xad dhaafka ah oo la joogteeyo waxay keentaa in qofka uu fuulo miisaan dheeraad ah oo uusan jeclayn.

Shubanka:

Barootiinka oo la iska badiyo iyadoo aan la cunin cunto fiber leh, waxay keentaa shuban, khaasatan qofka hadii uu qabo cilladda u dulqaadasho la’aanta laktoos (lactose intolerance). Si aad uga hortagto shubanka, cab biyo badan maalin kasta, iska yareey kafeega iyo cuntooyinka shiilan, kuna dedaal cuntooyinka faybarka uu ka buuxo.

Fuuqbax:

Fuuq baxa (dehydration) waa xaalad timaada marka uu jirkaaga lumiyo in ka badan xaddiga dareere ee aad qadatay. Marka jirka uu lumiyo biyo fara badan, unugyada iyo xubanah jirka waxay ka gabaan shaqadoda taas oo keenaysa inay xaalad caafimaad qofka lasoo daristo. Marka barootiin xad dhaaf ah uu jirka galo waxaa kordha heerka maadada kimikadaha ee loo yaqaanno nitrogen, taas marka ay xadkeeda ka badato uu jirku u baahanayo biyo badan si uu iskaga saaro taasina waxay horseedaa fuuqbax.

Lafaha:

Cunista barootinka xad dhaafka ah waxay sababtaa in jirku uu lumiyo macdanta calcium taas horseeda dhibaatooyin caafimaad oo soo wajaha lafaha sida cudurka lafo-burburka.

Xanuunka xididka wadnaha:

Barootiin xad dhaaf oo la cuno waxaa la lala xiriiriyay inay keento xanuunka xididka wadnaha (Coronary Artery Disease).  Daraasad la sameeyay ayaa lagu arkay in joogtaynta cunista borotiinka xad dhaaf ah ay keento wadne xanuun sababtana waxaa lagu sheegay inay tahay dufanka badan ee hilibka.

Maskax Wareer:

Cunista xad dhaafka ah ee barootiinka waxa laga qaadaa dhibaatooyin maskaxeed gaar ahaan haddii aad xaddido carbohydrate-ka aad qaadatid, barootinka oo la iska badiyo waxay hoos u dhigtaa awoodda wax barasho, awoodda fakarka iyo xusuusta maskaxda.

Neefta afka oo soo urta:

Cunista xad dhaafka ah ee barootiinku waxay keentaa in beerku uu soo daayo waxa loo yaqaanno “Keto” taas oo raacda dhiigga, neefta iyo kaadida. Keto-da badan ee ka dhalata cunista xad dhaafka ah ee barootiinka waxay sababtaa in urta aan fiicnayn ee afka.

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *