Cudurka Burseelka (Brucellosis), Astaamihiisa Iyo Halista Uu Keeno

buruseel, cudurka burseelka

Burseel (brucellosis) waa xanuun ka dhasha infekshan ka yimaada xoolaha una gudba dadka ka ag dhaw xoolahaas ama dadka dhaqda xoolaha. Cudurka burseelka wuxuu aad ugu badan yahay dadka xoola dhaqatada ah ee ku nool hilibka, caanaha iyo nafaaciga kale ee xoolaha laga helo. Cuudrkaan waxay dadku ka qaadaan caanaha aan la kululayn ama si toosa xoolaha looga soo liso ee aan caafimaadkooda la baarin iyo hilibka xoolaha labadaba. Sidoo kale waxaa dhacda in marar dhif ah uu cudurkaan ku faafo hawada kadibna dadku ay hawada ka qaadaan.

Cudurkaan waa cudur si fudud loo dawayn karo ayadoo la isticmaalayo dawooyinka loo yaqaano qalajiyaasha, waxayna dawayntiisu qaadataa dhawr isbuuc ama dhawr bilood, balse waa cudur soo noq noqda.

Astaamaha burseelka

Calaamadaha cudurkaan waxay soo ifbixi karaan dhawr maalmood ama dhawr isbuuc kadib marka aad infekshanka qaadid, calaamadaha lagu garto burseelka waxay lamid yihiin kuwa durayga ama hargabka.

  • Qandho
  • Qabow
  • Daciifnimo
  • Daal
  • Murqaha, lafaha, kala goysyada iyo dhabarka oo xanuuna
  • Madax xanuun

Calaamadaha cudurkaan way baabi’i karaan ilaa isbuucyo ama bilo kadibna way soo laaban karaan, dadka qaarkood cudurkaan wuxuu ku noqdaa mid raaga asagoo yeesha calaamado qofka lagu arko sanado xataa daweenta kadib maahan kuwo dhamaanaya calamaadaas. Calaamdaha uu yeesho qofka uu burseelku ku raago waxaa kamid ah, daal joogta ah, qandho, lafa xanuunka, iyo kala goysyada oo barara.

Maxaa sababa cudurka burseelka?

Burseelku wuxuu ku dhacaa xayawaanada la dhaqdo iyo kuwo badan oo duur joogta kamid ah, sidaa daraadeed haduu ku dhaco xoolaha dadku dhaqdaan waxaa sahlanaanaysa inuu dadka usii gudbo. Siyaabaha uu cudurkaan ugu gudbo dadka waxaa kamid ah;

  • In qofku cabo caanaha iyo waxyaalaha laga sameeyo caanaha sida, farmaajada, ciirta, jalaatada,iyo  subaga.
  • In hawada laga qaado, dadka xoola dhaqatada ah iyo beeralayduba waxay ka qaadaan cudurkaan hawada.
  • Taabashada tooska ah ee dheecanada dhiiga, diifka, iyo shahwada xayawaan xanuunka qaba, hadii dheecanadaas ay kaa taabtaan meel jirkaanga kamida ah oo dilaacsan ama dhaawacan wuxuu infekshanku u gudbayaa dhiigaaga. Laakin hadii uusan jirkaagu meelna ka dhaawacnayn taabashada caadiga ama salaaxida xawayaanada laguma qaado cudurkaan.

Cudurka burseelku maahan cudur dadku isku gudbin karo, balse  marar aad iyo aad dhif u ah waxaa dhici kara in hooyada uurka leh ama hooyada nuujinaysa ay illmaheeda u gudbiso  cudurka. Sidoo kale marar dhifa ayay dhacdaa in cudurkaan la iskugu gudbiyo galmada ama dhiig isku shubida.

Dadka halista ugu jira qaadidda cudurkaan waxaa kamid ah, xoola dhaqatada, beeralayda, dadka ka shaqeeya warshadaha caanaha, ugaarsatada, iyo khuburada ka shaqaysa cilmiga xawayaanka iyo cayayaanka.

Waa maxay halista uu keeno cudurka burseelka?

Burseelku wuxuu saamayn karaa guud ahaan qayb walba iyo xubin walba oo jirkaaga kamid ah, oo ay kamid yihiin, maskaxda, habka taranka jirka, dheefshiidka, dhiiga, beerka, wadnaha iyo xubno kaloo badan. Khataraha uu keeni karo burseelku waxaa kamid ah;

  • Infekshanada ku dhaca wadnaha, tani waa khatarta ugu badan ee burseelka waana arin halis ah oo dhaawac wayn u gaysata wadnaha iyo qeybihiisa aakhirkana dhimasho sababi karta.
  • Kalagoysyada oo xanuuna ama barara kadibna caabuq sababa.
  • Caabuq ku dhaca xiniinyaha ragga, waxay tani sababtaa xanuun iyo barar, hadaan la dawayna halisteedu ma ahan mid sahlan.
  • Infekshan iyo caabuq ku dhaca kilyaha iyo beerka, taasoo labadaba ka dhiga kuwo kawayn xajmigii loogu tala galay.
  • Caabuqa maskaxda kaasoo halis wayn keena hadaan la dawayn.

Sidee looga hortagi karaa burseelka?

Si aad uga hortagto burseelka iyo khatartiisaba qaado talooyinka soo socda;

  • Ka fogoow cabida caanaha aan la karkarin iyo sidoo kale cunida waxyaalaha laga sameeyay caanaha ee aan caafimaadkooda la hubin.
  • Si fiican u karkari mar walba oo aad hilib karsanayso
  • Xiro galoofyo hadii aad tahay dhakhtarka xoolaha ama beeraha
  • Hadii aad ka shaqaysid meel uu cudurkaan ku badan yahay mar walba taxadar muuji
  • Hadii aad xoola dhaqato tahay tallaal xoolahaaga

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *