Cilladda Cunugga Madaxiisa La Ruxay (Shaken Baby Syndrome)

Cilladda cunugga madaxiisa la ruxay oo caafimaad ahaan loo yaqaano “Shaken Baby Syndrome” waa cillad halis ah oo dhaawac u gaysata maskaxda dhalaanka yar yar.

Waxay cilladani dhacdaa marka waalidka ilmaha dhalay ama qof kale oo wayn uu si xoog ah u ruxo madaxa ilmaha yar, taasoo sabbabaysa in dhaawac halisah uu soo gaaro unugyada maskaxda, dhaawaca maskaxda ilmaha soo gaaray wuxuu kaloo keenayaa in ilmuhu uu awoodi waayo inuu hawo ama neef ku filan qaato.

Cillada ruxitaanka madaxa ilmaha waxaa loo aqoonsan yahay xaalad jirdil oo kale ah sababtoo ah waxay cilladani keeni kartaa in maskaxda ilmuhu si joogto ah dareenku uga tago amaba ay si joogtaa u dhimato.

Calaamadaha lagu yaqaano caruurta cilladani haleeshay:

  • Soo jeedka oo ku adkaada ilmaha
  • Neef qaadashada oo dhib noqota
  • Cunto xumo
  • Laleemo
  • Matag
  • Maqaarka oo cawiif noqda
  • Qallal
  • Baaralays
  • Kooma

Marka laga soo tago calaamadaha aan kor kusoo xusnay waxaa kaloo jiri kara calaamado kale oo qarsoon oo aan la arki karin sida; dhiig maskaxda ku furma, dhaawac soo gaara xangulaha, feeraha, qoorta, qalfoofta madaxa iyo lafaha surka.

Cilladani waxay kaloo leedahay xaallado meel dhexaad ah taasoo ilmuhu uu u muuqanayo mid caadiyabalse waqti kadib waxaa kasoo muuqan kara calaamado ay cilladu horay ugu sababtay sida, wax barashada oo ilmaha dhib ku noqota,fahan la’aan, iyo dhoohanaan.

Maxaa sabbaba cilladan?

Dhalaanka yar yari waxay leeyihiin qoor ama luqun aad u jilicsan oo murqaheedu aysan awood u lahayn inay culayska madaxa hayso.

Hadaba hadii ilmaha yar si xoog ah loo ruxo qoortiisa ama surkiisa, maskaxdiisa curdanka ah ayaa u guuraysa gadaal ama horay maadaama uusan ilmuhu wali sifiican u korin maskaxdiisu ma qabsan darbiyada qalfoofta madaxa, guuritaanka ay maskaxdu ka guurtaybooskeedii hore waxay dhaawac u gaysanaysaa unugyada iyo xididada maskaxda, taasoo keenaysa jug, barrar iyo dhiig bax maskaxda gudaheeda ka dhaca.

Cilladani waxay dhacdaa marka waalidka ilmaha dhalay ama qof kaleoo ilmaha hayay uu isagoo xanaaqsan ama is leh ilmaha amusi uu si xoog ah ilmaha madaxiisa u ruxo.

Cilladan ma keento dhaq dhaqaaqyada yar yar ee ilmaha lagu dhaq dhaqaajiyo dhabta hooyada ama dhicitaan yar oo uu dhalaanku meel gaaban kasoo dhaco, ama ciyaarinta hooyadu ilmaheeda ku ciyaaraiiso dhabteeda.

Yaa khatar ugu jira cilladan?

Waxaa jira waxyaalo badan oo ka dhigi kara suurta gal in dhalaanka yar yar uu khatar u gallo cilladaan;

  • Waalidiinta yar yar ee aan xirfada badan u lahayn haynta ilmaha
  • Isku dhex yaacida waalidka
  • Khal khal ku yimaada guriga oo keeni kaara in cunuga meel kasoo dhaco ama wax kusoo dul dhacaan
  • Isticmaalka daroogada
  • Xaalada qosyska oo kacsan
  • Walwal soo wajaha waalidka

Sidoo kale waxaa la isku raacay in raggu yihiin kuwa ugu badan ee ilmaha ku keeni kara cilladaan maadaama aysan isku khibrad ahayn ayaga iyo dumarka marka laga hadlayo xifdinta ilmaha.

Waa maxay dhibaatooyinka ay la kulmi karaan caruurta ay cilladaan soo wajahdo?

Daqiiqado yar oo aad ruxdid madaxa ilmuhu waxay sabbabi kartaa dhimasho ama dhaawac halis ah oo maskaxda dhalaanka soo gaara.

Balse hadii ilmuhu ka badbaado dhimasho waxaa imaan kara dhibaatooyin kale oo ilmaha la soconKara intuu noolyahay sida

  • Indha la aan
  • Dhago la aan
  • Korida ilmaha oo soo daaha
  • Wax barashada oo dhib ku noqota
  • Dabeecad qalafsanaan
  • Qallal

Sidee looga hortagi karaa?

Hadii ilmahaagu joojin waayo oohinta waxaa laga yaabaa inaad isku daydid inaad bood bootisid si uuoohinta u joojiyo balse ogoow taasi xal maahee waa khatar aadan ogayn oo ilmahaaga dhib u keeni karta.

Hadaba waalidka waxaa looga baahan yahay inay ilmahooda kataxadaraan si jacayl kujirana ula dhaqmaan kana ilaaliyaan khataraha ku dhici kara.

Hadii ay jiraan dad kale oo ilmahaagaaad u dhiibtid marka aad mashquulka tahay waa inaad hubisaa inay yaqaanaan sida ilmaha loo hayo loogana ilaaliyo khatarta, iyo waliba inay yaqaanaan khatarta ay cilladani ilmaha u keento.

Check Also

miraha, hooyada uurka leh, cuntooyinka uurka

Miraha Ama Furuutka Uroon Hooyada Uurka Leh

Xiliga uurka waxaa lagama maarmaan ah in hooyadu ay cunto cunnooyin nafaqo leh, kuwaasoo aan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *