Fahan U Yeelo Arag la’aanta Midabada

arag la'aanta

Arag la’aanta midabada waa cillad dadka qaarkiis ay qabaan. Waa inaan fahanaa marka aan leenahay cillad waxaan ka hadlayno maahan cudur waa shay qofku ku dhasho lana noolaan karo, dhibaato wayn oo nololeedna aan ku hayn qofka. Inkastoo cilladuhu kala darnaan karaan, hadana cillada kala saarid la’aanta midabada maahan cillad dhibaato wayn ku haysa dadka ku dhasha. Balse waxay saamayn ku yeelataa qofka noloshiisa.

Cillada arag la’aanta midabada waxay saameysaa 8 boqolkiiba ragga aduunka ku nool. Balse badanaa kuma dhacdo dumarka, haday ku dhacdana ma badna.

Maxaa sababa arag la’aanta midabada?

Inta badan dadka qaba cilladaan waxay ka dhaxlaan waalidkood siiba dhinaca hooyada.

Marka laga hadlayo dhaxalka hida sidayaasha laga dhaxlo waalidka, cilladaan waxaa laga dhaxlaa dhinaca hooyada. marka ilma cusub abuurmayo wuxuu ilmahaas kahelaa tiro is le eg oo koromosoomo ah waalidkiis, 23 koromosoom wuxuu ka helaa hooyada halka 23 kalana uu ka helo aabaha.

Hida- sidaha masuulka ka ah ama sababa kala saarid la’aanta midabada wuxuu ka yimaada dhinaca hooyada, waana sababta ay cilladaan ugu badan tahay ragga.

Hadii hooyadu u gudbiso isla hida- sadahaas ilma gabar ah oo ay dhashay, gabadhaas waxay noqonaysaa qof caadi ah oo kala sooci karta midabada. Balse si dadban ayay hida-sadahaas jirkeeda ugu jirayaa isla markaasna gabadhaas markay ilmo wiil ah dhasho si caadi ah ayay ugu gudbin kartaa hida-sidaha masuulka ka ah cillada kala saarid la’aanta midabada. Isla markaasna wiilkaas wuxuu noqonayaa qof ku dhasha cillada.

Arag la’aanta midabada Si fiican u fiiri, ma arki kartaa xisaabaha ku dhex qoran sawirka kore, hadii aadan arki karin tirooyinka qaar, waxey ka dhigan tahay inaad la nooshahay cilladaan.

Waxaa jira sababo kale oo qofku ku qaadi karo cilladaan asagoon aan ku dhalan. Cudurka sonkorowga ayaa sabab u noqon kara in qof caadi ahaa oo aan qabin cillada kala saarid la’aanta midabada uu noqdo qof qaba cillada. Gabowga iyo dawooyinka qaarkood ayaa sidoo kale keeni kara cilladaan.

Si aan u fahano kala duwanaanshaha u dhexeeya dadka qaba cilladaan iyo dadka aan qabin. waxaan u baahan nahay inaan sharaxno shaqada ay qabtaan unugyada isha ee aadanaha uqaabilsan aragtida. Indhaha dadka waxaa kujira cadad aad u badan oo unugyo ah kuwaas oo qaabilsan aragtida, iftiinka, mugdiga, iyo kala soocida midabada.

Waxaa jira lakab unugyo ah oo isku xidhan kuna yaal qeybta danbe ee isha, lakabkaas wuxuu qaabilsan yahay kala saarida midabada ishu arkayso. Lakabkaas wuxuu ka kooban yahya labo nooc oo unugyo ah loona kala yaqaan Cons iyo Rods. Rods waxay qaabilsan yihiin iftiinka heerkiisu hooseeyo sida ifka habeenkii oo kale waana unugyada masuulka ka ah in dadku habeenkii wax arkaan. Cods waa unugyada noo sahla inaan maalinkii wax aragno isla markaasna waa unugyada noo qaabilsan kala saarida midabada.

Unugyada cods waxay ka kooban yihiin saddex nooc oo unugyo yar yar ah kuwaas oo kala qaabilsan sadix midab oo kala ah, midabka casaanka ama guduudka, midabka cagaarka ama akhtarka iyo midabka buluuga. Marka indhaheenu arkaan shay ama qof iftiin ayaa indhaheena soo gala, iftiinkaas wuxuu si toos ah u baraarujiyaa unugyada loo yaqaan cods, isla markaas unugyada cods waxay fariin u diraan maskaxda, maskaxduna waxay tarjuntaa fariimaha kasoo baxaya unugyada cods, tarjumaadaas ay maskaxdu samayso ayaa u sahasha indhaheena inay wax arkaan.

Unugyada cods sidaan sheegnay waxay leeyihiin saddex nooc oo unugyo yar yar ah kuwaas oo qaabilsan sadix midab, unugyadaas sadixda ah mar walba si wadajir ah ayay u shaqeeyaan taasoo noo sahasha inaan dhamaan midabada uu shaygu ka koobnaa aragno, tusaale ahaan hadii maskaxdu baraarujiso ama daarto unugyada qaabilsan midabada casaanka iyo buluuga midabka indhaheenu arkayaan wuxuu noqonayaa midabka loo yaqaan casuus ama purple.

Hadaba farqiga u dhexeeya dadka ku dhasha cilladda kala saarid la’aanta midabada iyo kuwa aan ku dhalan waxaa lagu qeexi karaa inay tahay cillad ka timid unugyada saddexda ah ee yar yar ee cons. Kuwaas oo qaabilsan midabada saddexda ah ee casaanka, cagaarka iyo buluuga.

Hadaba hadii mid kamid ah saddexdaas unug uusan u shaqynayn si wacan ama meeshaba ka maqan yahay waxaa dhacaysa cilladda kala saarid la’aanta midabada.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *