Cilladda Bararka Naasaha Ee Ragga (Gynecomastia)

Bararka naasaha ee ragga waxaa sababa isku dheelitrinaan la’aanta hormoonada estrogen iyo testosterone. Bararkaan wuxuu saameyn karaa mid ama labada naas, mararka qaarna wuxuu u saameyn karaa si aan isku mid aheyn. Dhalaanka iyo wiilasha qaangaaraya iyo ragga da’da ah bararkooda naasaha wuxuu ka dhashaa isbedella caadi ah oo ka dhaca jirka, walow ay jiri karaan waxyaaba kale oo sababaya.

Sida caadiga ah bararka naasaha ee ragga ma ahan xaalad halis ah, laakin waxaa adkaan kara laqabsashada xaaladaan. Ragga uu bararo naasaha waxey mararka qaar dareemaan xanuun naasaha ah, sidoo kale waxey dareemaan waji gabax.

Astaamaha Cilladaan

Waxyaabaha lagu garto bararka naasaha waxaa kamid ah:

  • Qanjirka naaska oo barara
  • Naasaha oo danqada

Sababaha

Bararka waxaa kiciya hoos u dhac ku yimaada hormonka testosterone, waxyaabaha sababa hoos u dhacaan waxey noqon karaan xaalada joojiya saameynta hormoonka ama xaalada kor u qaada heerka hormoonka estrogen

Isbedelada hormoonada ee caadiga ah

Hormoonada testosterone iyo estrogen waa kuwo xakameeya hormarka iyo joogteynta sifooyinak jinsiga ee ragga iyo dumarka. Testosterone wuxuu maamulaa sifooyinka ragga sida awooda murqaha, iyo xaadda jirka. Estrogen wuxuu maamulaa sifooyinka dumarka oo ay kamid tahay soo bixidda naasaha.

In kastoo dad badan ay aamin san yihiin in hormoonka estrogen uu gaar u yahay dumarka, xaqiiqada ayaa ah in ragguna ay soo saaraan hormoonka, in kastoo xadiga uu aad u yar yahay. Hasa yeeshee hadii xadiga estrogen uu ka bato xadiga hormoonka testosterone, waxaa imaanaya bararka naasaha ee ragga

Bararka naasaha ee dhalaanka. In kaban kala bara wiilasha dhalaanka ah ayaa ku dhasha bararka naasaha, bararkaan wuxuu ka dhashay saameynta jirkooda ka soo gaartay hormoonka estrogen ee hooyada. Guud ahaan bararka ayaa yaraada 3 todobaad marka ay dhashaan kedib dawo la’aan.

Bararka naasaha ka dhasha qaangaarnimada. Bararkaan ayaa waxaa sababa isbedel caadi ah oo kadhaca jirka xiliga lagu guda jir qaangaarnimada. Bararkaan wuxuu baaba’aa lix bilood ilaa labo sano dawo la’aan

Bararka naasaha ee ragga. Arintaan ayaa ku badan ragga ay da’doodu u dhexeyso 50 sano ilaa 69 sano.

Dawooyinka

Dawooyinka sababa bararka naasaha ayaa waxaa kamid ah:

  • Dawooyinka lagu daweeyo bararka qanjirka ragga iyo kansarka ku dhaca qanjirkaas sida flutamide, finasteride iyo spironolactone.
  • Dawooyinka AIDS ka ee HAART.
  • Dawooyinka walwalka sida diazepam
  • Qalajiyaasha qaarkooda
  • Dawada boog calooleedka sida cimetidine.
  • Dawooyinka kansarka
  • Dawooyinka wadnaha ee xira kanalada calcium

Xaaladaha sababa xalaadaan

  • Xaaladaha fargelin ku sameeya soo saarida hormoonka testosterone
  • Gabowga
  • Burooyinka qaar ee ku dhaca qanjirada pituitary iyo adrenal
  • Hormoonka qanjirka toroodhka oo xad dhaaf ah
  • Fashilka kilyaha
  • Fashilka beerka

Daweynta

Inta bada bararka ayaa yaraada ayadoo aan la’isticmaalin dawo, hasa yeeshee waxaa jira qaabab lago daweeyo sida in la isticmaalo dawo iyo in qaliin lagu yareeyo.

Qaabka qalliinka ayaa ah in laga soo saaro naasaha baruurta, iyo in la jaro qanjiraka nasaha.

Booqo dhaqtar hadii aad isku aragtid bararka naasaha oo xanuun wata ama danqanaya iyo ibta naaska ama naasaha ay yimaadaan dheecaano.

.

.

Sida caadiga ah bararka naasaha ee ragga ma ahan xaalad halis ah, laakin waxaa adkaan kara laqabsashada xaaladaan. Ragga uu bararo naasaha waxey mararka qaar dareemaan xanuun naasaha ah, sidoo kale waxey dareemaan waji gabax.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *