Nolol Wanaag

10 Tallaabo Oo Aad Naftaada Ku Horumarin Kartid

Waan idin Salaamay Dahamaantiinba Akhristow Meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka  iftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay in Bulsha waynta somaliyeed, Gaar ahan dhalinyaradda ama qofkasta oo jecel in uu naftiisa dhiso ,  ama uu horumariyo …

Read More »

Sidee ku Dooranaysaa Takhasuskaaga?

Takhasuskaaga, ardayga wanaagsan, waxbarashada, takhasus,

Ma doonaysaa in aad doorato takhasuskaaga ugu fican ama midka kugu haboon? Side u dooran karta mid ku raali galiya? Maqaalkani wax uu ka caawin doona ama ku sahlaya in  aad takhasus fiican doorato adiga oo maraya hab cilmiyaysan Doorashada takhasuska jaamcadeed maaha mid sahlan mana aha mid fudud,laakin ardaydeenu way dhayyalsadaan wayna fudaydsadaan wana ta keenta faashilka ardayda ku …

Read More »

Wuxuu Hilmaamay In….

wuxuu hilmaamay

  Waa Cajaa’ib Wiil ayaa Hooyadii weydiisay inuu tuso siday camera-da Mobile-ka u isticmaali lahayd oo sawir ugu qaadi lahayd. Aad buu ugu qoslay isagoo layaaban inay waxaa fudud garanayn oo technology wax ka aqoon! Wuxuu hilmaamay in ay sagaal Bilood uurka ku siday oo Aduunka keentay, Wuxuu hilmaamay in ay iyadu bartay sida loo hadlo, Wuxuu hilmaamay in ay …

Read More »

Fariin Dhaxalgal ah oo ku Socota Gabdhaha

Ku socota gabdhaha: Waxaa ku guursan kara ninka dadka ugu xun, sida Aasiya xaas ugu ahayd Fircoon – hadana taa kama aysan bedelin Daacadimadeeda iyo jaceylka ay Alle u qabtay. Waxaa ku qabi kara ninka ugu wanaagsan oo ragga laga dhex doortay, sida Nabi Alle, hadana taa kuma geli kartid Janno – Sida xaaski Nabi Luut Calayhi Salaam. Waxaa ahaan …

Read More »

10 Tallaabo Oo Kaa Dhigaya Taajir

Waan idin Salaamay Damaantiin Akhristayaasha qiimaha badan meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka iftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay in bulsha waynta somaliyeed, gaar ahan dhalinyaradda ama qofkasta oo jecel in uu noqdo Millionaire ama taajir …

Read More »

Calaamadaha Lagu Kala Garto Saaxiibka Wanaagsan Iyo Midka Xun

Saaxiibtinimadu waa shay aad uu qaliya, waxay ka udgoontahay cuudka , waxayna ka cadahay caadceeda, waa waxa qaali ah qofki helana ay mudan tahay in uu Illahay uu mahad ceeliyo . saxiibtinimadu waa waxa ugu wanaagsan Waxa jira uguna fican ,waana tan ugu qiimaha badan aadan ka marmi kariin . Saaxiibkatinimadu waxay ku dhisan tahay is fahanka ,isku sheegitanka waxa wanaaaagsan …

Read More »

Sirta Weydiimaha (ASK)

Su’aal weydiintu waa soo jireen, waxa ayna soo socotay inta aadanuhu jiray. Waxaanse maanta rabaa inaad ila fahamtid akhristow sirta ku jirta habka wax weydiinta. Bal ila eeg ereygan: ASK, micnihiisu waa wax weydiin, waxaan ka soo dhex saari karnaa micno aad uweyn, si fiican u dhadhami mugga uu xambaarsanyahay ereygan ka kooban seddexda xaraf. Always: Marwalba Seeking: Raadinaya (Doondoonaya) …

Read More »

Talo Adiga Ayaa Ku Nool ee Iyadu Kuguma Noola

talo adigaa ayaa ku nool

Nolosha bini’adamku waa mid ku dhisan imtixaan dhib badan. Aduunyo lagama dhamaado, laga mana dhargo ilaa qofku ka dhinto oo iilka la dhigo.laakiin dhibaatada aduunka qof ba si gaar ah ayuu u wajahaa. Halkan waxa aan ku soo qaadan doonaa qodobo ay tahay in aad mar kasta xusuusnaato. 1. HAKA TAGIN CABSIDA ALLE ( swt ) IYO CIBAADADA. ka hormari …

Read More »

10 Tallaabo oo aad Ku Maareyn Karto Walwalka Badan

Walwalka badan  waa mid qatar ku ah nolasha qofka aadanaha ah kaas oo sababi kara  in qofka caafimaadkiisa iyo miisanka jirkiisa uu lumo isla mar ahantana farxada iyo fir fircoonida qofka uu lahaa gabi ahan ka suusho, walwalka badani  waxa kale oo ka dhasha cunto xumo, hurdo la’aan , madax xanuun badan  iyo cadaadiska dhiiga oo heerkiisa sare u kaca …

Read More »

4 Sababood oo kaa Hortaagan Guusha

Waa maxay guushu? guushu waa helida dhamaan waxaad ka doonayso nolosha amase fulinta qorshihii aad hore u dajisatay, islamar ahaantaana guushu waa adoo kaca aroortii adoo dareemaya farxad oon aan dareemayn cidhiidhi iyo diiqad. Sida loo noqdo qof guulaysta nolosha Si kasoo horjeeda sida dad badani aaminsanyihiin ma jiraan dad aan guulaysan amase guuldaraystaa, hase ahaatee waxa jira dad haysta …

Read More »

12 Astaamood Oo Lagu Garto Hogaamiyaha Wanaagsan

Culimada ku xeelka dheer Cilmi-nafsiga bulshada aadamiga ah, waxay xaqiijiyeen oo farta ku wada fiiqeen ;” Ahmiyadda Hoggaaminta iyo kaalinta ay ku leedahay dhismaha iyo horumarka bulshooyinka kala geddisan”. Waxay Culimmadu caddeeyeen ; Inuu Madaxweynuhu ama Hoggaamiyuhu saldhig u yahay ; isku-duubnida iyo wadajirka qaybaha bulshada uu hoggaaminayo, degganaanshaheeda, gaadhida ujeeddooyinkeeda, ku-dhaqanka Aydiyaloojiyadeeda iyo gudashada hawlaheedaba. Hawlaha hor-yaal ee laga …

Read More »

5 Sifo Oo Lagu Garto Qofka Liibaana

Liibaantu shan sifo ayay ku jirtaa? Adigu ma leedahay shantaas? 1)       Daacadnimo:  In qofku ahaado mid u faydan oo soo qaabilay daacada Alle SWT, waa qof u tafa xaydan Daacada Alle iyo cabaadasiisa oo marnaba aan ka daalayn naftiisuna jeceshahay wuxuu u jecelyahay daacada Alle sida qofka aadka u haraaday u jecelyahay biyaha qabow ama si ka sii badanba, hadii …

Read More »

Waddada Guusha W/Q: Nimco Caaggane

waddada guusha

“Lama helo wadaadow waxaan cidi ku hawshoone, Naftaa loo hantaaqa waxaad hiigso leedahaye” – Abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacadde. Guushu waa himilo iyo hiigsi aad leedahay oo aad gaadho, mana aha mid ku timaadda xaglo laaban, sahal, fikir gaabni, hammi yari iyo samir yaraan toona. Haddaba guushu waa shay cayiman oo la isla yaqaan, laakiin waxa lagu kala tagsan yahay heerka …

Read More »

Baro Sida Loo Soo Kasbado Saaxiibka Wanaagsan

Saaxiibku waa qofka inta badan noloshaada kugu lammaan. Saaxiibku amma saaxiibtinnimadu ma aha, mid ku xidhan; da’, midab iyo qabiil amma jinsi laakiin waxa muhiim ah inaad diinta Islaamku siday kuugu tilmaantay saaxiibka wanaagsan aad ku raacdo. Saaxiibku waa lagama maarmaan inta aynu nool nahay. Inaad saaxiib heshaana, waxa ay ku xidhan tahay, badiba shakhsiyaddaada. Sidoo kale waa in uu qofku …

Read More »

5 Tallaabo Oo Horumar Kuu Horseedaya

Marka laga hadlaayo horumarka runtii wuu kala duwan yahay, wuxuuna u kala baxaa meelo badan, balse hada waxaas oo dhan kama hadleyno, ee ujeedadeenu waxay tahay, sidii aad naftaada u Horumari lahayd, haddii aad tahay Shaqsi gaara, sideed u noqon kartaa qof Horumar leh? Sideed u noqon kartaa qof horu socod leh? Ma rabtaa inaad Naftaada Horumar gaadhsiiso? Haddii ay …

Read More »