Cabitaan Dhiiga Kordhiya Oo U Fiican Dadka Dhiig La’aanta Qaba, Hooyooyinka Uurka Leh Iyo..

Qormadeenaan, waxaan ku soo qaadanaynaa caabitaan nafaqo badan oo dhiiga kordhiya, faaidana u leh caafimaadka guud.

Cabitaankan ayaa ka kooban timir, koosto, iyo muus, waana saddex shay oo wadankeena si fudud looga heli karo.

Cabbitaankani waxa uu qani ku yahay macdanta xadiidka ama iron, sidaas darteed wuxuu uroon yahay dadka qabo dhiig yarida, dumarka umusha ah iyo dadka dhiigga bixiyay. Wuxuu kaloo u fiican yahay caruurta iyo hooyooyinka uurka leh maadaama ay u baahan yihiin xadiid badan.

Xadiidku waa nafaqo lagama maarmaan u ah dhismaha iyo helidda dhiig caafimaad leh. Waxay  jidhka ka caawisaa in uu sameeyo barootiinta loo yaqaanno “haemoglobin”, oo ah borootiinta laga helo unugyada dhiigga cas ee jidhkaaga u kala qaadda curiyaha hawada ah ee “oxygen”.

Cudurka dhiig yaraanta wuxuu leeyahay noocyo kala duwan, laakiin kiisa ugu badan wuxuu ka dhashaa yaraanta macdanta xadiidka.

Cabitaanka timirta, koostada iyo mooska waxaaa lagaa helaa xadiid, folic acid, iyo faytamiin B12 oo dhammaantood ka qayb qaata dawaynta dhiig yarida.

Waxaa cabitaankan ku badan fitamiin A, kaas oo siyaadiya awoodda aragga, difaaca jidhkana sare u qaada.

Faaidooyinka kale ee koostada:

Caleenta koostadu waxa ay ka mid tahay khudradaha cagaaran ee ay dhaqaatiirtu ku talinayaan in aynu maalin kasta hal mar cunno. Waxa ay xoojisaa xasuusta, waxa ay ka hortagtaa dhiig yarida, waxayna u fiicantahay caafimaadka dheefshiidka.

Faaidooyinka timirta:

Dhiig yarida:

Timirtu waxay dawaysaa dhiig yarida sababtoo ah waxaa ka buuxa xadiid, waxaa kaloo ku jira faytamiin C oo caawiya in jidhku uu cunnada ka nuugo macdanta xadiidka.

Caafimaadka uurka:

Hooyada uurka lihi waxa ay timirta ka heshaa curiyeyaal nafaqo oo muhiim u ah, Fatamiinno iyo macdano kale.

Dheefshiidka:

Timirtu waxa ay leedahay faybar kaas oo caawiya ka hortagga calool istaagga. Cilmi baadhis ayaa tilmaamtay in timirta oo si joogto ah loo isticmaalaa ay yareyso khatarta kansarka ku dhaca caloosha.

Faa’idooyinka Mooska:

Muusku waxa uu ka mid yahay khudradda ay dhakhaatiir badan cunisteeda ku taliyaan, kuna sheegaan in dawo looga raadin karo cillado dhowr ah, faaidooyin badan oo caafimaadna uu u leeyahay dhammaan xubnaha jidhkeenna. Faaidooyinkaas waxaa ka mid ah in laga helo tamar iyo awood nafaqo, inuu dejiyo laab jeexa iyo inuu ka hortago calool istagga.

Muusku wuxuu si dabiici ah u kordhiyaa dhiigga maadamaa uu qani ku yahay macdanta xadiidka, waana sababta loogula dardaarmo dadka dhiig la’aanta qaba inay muuska cunaan maalin kasta.

Habka loo diyaariyo Cabitaankan dhiiga kordhiya:

Waxaa loo baahan yahay:

  • Koosto
  • shan xabbo oo timir ah
  • Xabbad muus ah
  • Nus koob caano ah

Habka:

  • Mayr caleenta koostada, kadibna ku rid mashiinka cabitaanka lagu shiido,
  • Ku dar muus aad diirka ka fiiqday oo aad jarjartay iyo timirta oo aad lafta ka saartay
  • Ku dar caanaha
  • Isku shiid

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *