Sababaha Cunista Yoghurt-ku Ay Ugu Fiican Tahay Haweenka Uurka Leh

Haweenka uurka leh waxaa lagula dardaarmaa inay helaan kaalsiyam ku filan taas oo muhiim u ah koriimada murqaha, ilkaha iyo lafaha ilmaha. Caanaha la fadhiisiyay ee loo yaqaanno yoghurt-ka waa mid ka mid ah ilaha ugu wanaagsan ee qaniga ku ah macdanta kaalsiyamta.

Waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa faa’idooyinka tirada badan ee laga helo cunista yoghurt-ka ee xilliga uurka. Yoghurt-ku wuxuu qani ku yahay barootiin iyo calcium kuwaas oo ka qayb qaata koriimada uurjiifka.

Yoghurt-ka waxaa ku jira bakteeriyada wanaagsan ee jirka nacfiga u leh (probiotics) taas oo la dagaallanta bakteeriyada waxyeellada badan. Sidoo kale, Cunista yoghurt-ka ee xilliga uurku waxay xoojisaa difaaca jirka.

Cunno shiidista:

Yoghurt-ku wuxuu hagaajiya cunno burburinta, wuxuu jirka kaa caawiyaa in uu nafaqada ka nuugo cunnada. Sidaas darteed wuxuu ka hortagaa nafaqo darrada xilliga uurka.

Qaboojinta jirka:

Dumarku marka ay uurka leeyihiin waxay jecel yihiin cunnooyinka kulul ee basbaaska leh taas oo keenta laab jeex. Cunista yoghurt-ka waa hab lagu dejin karo aashitada kulul iyo laab jeexa.

Calcium Badan:

Kaalsiyamta ku jirta yoghurt-ka waxay lagama maarmaan u tahay koriimada lafaha, murqaha iyo ilkaha ee uurjiifka. Waxay haweenta uurka leh ka ilaalinaysa in kaalsiyaamta ay ka dhamaato lafaha.

Adigoo uur leh ama ilmo nuujinaya haddii aad isku aragtid ilko xanuun ama saliilyo, waxaa qasab ah in dhiigaagga laga eego heerka macdanta kaalsiyamta ay marayso sababtoo ah uurka iyo naas nuujintu waxay hoos u dhigaan kaalsiyamta hooyada jirkeeda ku jirta maadaama cunugga uu quudanayo.!

Ka hortagga dhiig karka:

Dhiig karka xilliga uurku waa xaalad halis ah balse qariib ah taasoo sababta qalal xilliga uurka. Yoghurt-ka wuxuu koontaroolaa cadaadiska dhiigga wuxuuna yareeya dhiig karka xilliga uurka. Cunista yoghurt-ka waxay uroon tahay caafimaadka wadnaha waxayna hoos u dhigtaa heerka kolestaroolka.

Difaaca jirka:

Bakteeriyada nacfiga leh (probiotics) ee ku jirta caanaha la fadhiisiyay waxay la dagaallantaa bakteeriyada waxyeellada badan ee keenta infekshannada. Bakteeriyada Probiotics waxay caawisaa in jirku uu nafaqada ka nuugo cunno mareenka.

Caafimaadka maqaarka:

Dumarka uurka leh waxaa ku dhaca isbedello dhinaca abuurta ah oo wejiga u badan. Sababta ugu weynina waa khalkhalka hormoonnada haweenka ku imanaya. Raadadka ugu horreeya ee arrintani keentana waxaa ka mid ah midabka dabiiciga ah oo isbeddel ku yimaaddo iyo kor qallayl. Yoghurt-ka oo la cuno xilliga uurka waxay ilaalisaa caafimaadka maqaarka waxayna ka hortagtaa in midabka dabiiciga ee maqaarku uu isbeddelo. Yoghurt-ka waxaa ku badan fitamiin E oo uroon maqaarka.

Xakamaynta miisaanka:

Caanaha la fadhiisiyay ee yoghurt-ku waxaa ku badan barootiinka oo aasaasi u ah koriimada murqaha cunugga.

Koorimada murqaha:

Miisaanka oo si xad dhaafka ah u kordha xilliga uurku ma ahan arrin caafimaad ahaan wanaagsan. Cunista yoghurt-ku waxay ka hortagtaa inuu kordho hormoonka cortisol ee jirka taas oo keeni karta khalkhalka hormoonnada iyo cayil xad dhaaf ah. Waxay dhakhaatiirtu haweenka uurka leh kula dardaarmaan inay cunaan yoghurt si looga hortago cayilka badan.

Check Also

cabitaano dabiici ah, subaxdii, aroortii

Cabitaanno Ku Wanaagsan In Qofka Uu Cabbo Aroortii Oo Uu Maalintiisa Ku Bilaabo

Dadka u diran caafimaadkoodu waxa ay marar badan ka fikiraan cabbitaanka caafimaad ahaan ugu fiican …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *