Buugga How To Win Friends And Influence People Ee Uu Qoray Dale Carnegie (1)

7 May 1931 kii, magaalada New York ee carriga Maraykan waxaa ka dhacday baacsashadii ugu darnayd ee taariikhda magaalada soo marta. Bilayska ayaa sakadaha dhex eryaday Francis Crowley oo ahaa 19 jir ku caan baxay naanaysta ah laba baastooladle (Two Gun). Waxa uu ahaa dilaa uu bilaysku laba toddobaad ku raadjoogay oo aan SIGAAR, KHAMRI IYO BALWAD kale oo maanka doorisa midna lahayn.

150 askari oo bilays iyo saraakiil dembi baadhayaala ah ayaa go’doomiyey guri uu galay oo ahaa sar ay jacaylkiisu deggenayd. Qoryaha darandoorriga u dhaca ayaa ay ku soo dul rakibteen dhismayaasha ku xeeran guriga uu ku jiro, iyaga oo dhammaantood isha ku haya diiradda si ay u shiishaan bartilmaameedka. Qayb ka mid ah bilayska oo guriga dusha sare uga baxdayna inta ay ay saqafka sare dalooliyeen, ayaa ay isku dayayen in iyaga oo adeegsanaya gaasta dadka kaga ilmaysiisa ay soo saaraan gacan ku dhiiglaha.

Muddo saacad ka badan ayaa dhawaqa keliya ee laga maqlayo mid ka mid ah xaafadaha ugu quruxda badan New York, waxa uu noqday sanqadha rasaasta baastooladda iyo xabbadaha ka dhacaya qoryaha darandoorriga u dhaca. Crowley oo ateero ka dhigtay kursi cufan ayaa rasaas aan kala joogsi lahayn la beegsanayey bilaysaka, jidadkana waxaa tubnaa dad lagu qiyaasay 10 kun oo si xamaasad leh u daawanayey dhacdadan aanu nooceed hore u soo marin jidadka New York.

Ugu dambayn nolol ayaa lagu qabtay Crowley, sarkaalii bilayska ee hawlgalka masuulka ka ahaana waxa uu sheegay in, ‘dhagarqabahan nolosha ka quustay ee labada baastooladood sitaa uu ka mid yahay dembiilayaasha ugu khtatarta badnaa taariikhda soo martay bilayska New York.

Waxa yaabka ku noqdayna waxa uu ku sheegay shiishyahannimada ninkan oo ilqabatin ka shiishi kara baal shimbireed.

Haddii sarkaalkani uu Crowley ku sheegay khatar, Crowley isagu sidee uu isu arkayey?

Intii uu guriga ku jiray, ayaa rasaasta oo ku socota waxa uu qoray warqad uu ku bilaabay ‘Ku socota cidda ay khusayso’. Warqadda oo goobo casaan ah uu u yeelay dhiigga ka tiflahaa dhaawaca uu qabay, waxa uu ku qoray, “Jaakeedka aan xidhanahay waxaa ka hooseeya wadne daallan, laakiin Xariir ah oo aan cidna dhib u geysan doonin”

Ninka sidan u hadlayaa waa Crowley. Waqti yar ka hor marka uu ereyadan qorayey, isaga oo gabadh saaxiibaddii ahayd ay ku wada jireen gaadhigiisa oo taagnaa jidka hareertiisa, ayaa waxaaa si kedis ah ugu yimid askari bilays ahaa. Waxa uu weydiiyey ‘Rukhsaddiisa gaadhi wadista’. Isna ereyba kuma uu celin ee inta uu baastoolad la soo baxay ayaa uu dhulka ugu tuuray xabbad. Kama uu hadhin ee inta uu gaadhiga ka soo booday oo baastooladdii ka dulqaatay ayaa uu ku dhaawac tiray xabbad uu sujuudda kaga dhuftay.

Hadda waa ninkii markan dambe qorayey, “In qalbigiisu aanu cidna dhibaato gaadhsiin doonin”

Crowley waxaa lagu xukumay dil ah in koronto lagu khaarajiyo, laakiin markii uu soo gaadhay qolkii dilka ma waxa uu yidhi, “Waxa igu dhacayaa waa abaalka dilkii aan dadka u geystay!?

Maya, waxa uu yidhi, “Waxaa la igu dilayaa, maxaad naftaada u difaacday!”

Biyadhaca sheekadani waa in laba baastooladle Crowley aanu ‘wax canaan ah u jeedin naftiisa’.

Ma u malaynaysaa in dhaqankaasi uu yahay mid dhagar-qabayaasha oo dhami ay iska leeyihiin?

Haddii ay sidaas kula tahay, bal qisadanna akhri

“Sannadihii ugu wacnaa noloshayda waxa aan ku soo qaatay in aan dadka farxad geliyo, iyo in aan ka caawiyo sidii uu waqtigoodu u samaan lahaa, laakiin abaalka keliya ee aan ka helay waxa uu noqday aflagaado, iyo in la i ugaadhsado”

Ninka sidaas u hadlayaa waa Al Capone, waxaa loo aqoonsanyahay cadawgii dadweynaha ee ugu sumcadda xumaa Maraykanka – hoggaamiyihii maafiyo ee ugu sharka badnaa ee dil toogasho ah ka geystay Chicago.

Capone marnaba naftiisa wax eed iyo dhaliil ah uma uu jeedin, waxaabu isku sheegay in uu yahay samafale danta dadweynaha u adeega, laakiin qalad laga fahmay oo aan helin xurmadii uu mudnaa.

Dutch Schultz oo ka mid ahaa sharci-jebiyeyaashi ugu xumaa New York ayaa waraysi uu wargeys siiyey, waxa uu ku andacooday in uu yahay samawade dadweyne, dhab ayaana ay ka ahayd oo waa uu aaminsanaa in uu sidaas yahay.

Isla arrintan ayaa aan ka waraystay Lewis Lawes oo sannado badan taliye ka ahaa xabsiga sumcadda xun ee Sing Sing oo ku yaalla New York, waxa uu ii caddeeyey in ay aad u tiro yar yihiin dembiilayaasha xabsigan ku jiray ee aaminsanaa in ay dad xun yihiin.

Mar kasta marmarsiinyo iyo sababayn ayaa ay u raadiyaan waxa ay faleen, waxaa dhacda qaar khasnado jabsaday in ay sabab u raadiyaan waxa ku kallifay ama qaar dad dilay ay marmarsiinyo u doonaan sababta ay ugu degdegeen in ay qoriga keebka qabtaan. Waxa ay isku dayayaan in ay si uun sabab u raadiyaan, xitaa haddii ay tahay sabab aan maangal ahayn. Waxa aanay ku adkaystaan in aanay habayaraato ee mudnayn in xabsi ay galaan.

Al Capone, Carowley-Laba baastooladle iyo Dutch Schultz, iyo ragga iyo Haweenka quusta la dhex jooga xabsiyadu, haddii aanay naftooda wax canaan ah u haynin – bal ka warran dadka iska caadiga ah ee adiga iyo anigu aynu xidhiidhka caadiga ah la yeelanayno.

B. F. Skinner, xeeldheerihii caanka ahaa ee cilminafsiga, ayaa tijaabooyin uu sameeyey ku caddeeyey, in xayawaanka lagu abaalmariyo dhaqanka fiican ee uu la yimaaddaa uu sidii hore si ka dhaqso badan u barto una xafido waxa lagu tababaro marka la barbar dhigo xayawaanka lagu ciqaabo dhaqannada xun ee uu ku kaco. Daraasado mar dambe la sameeyeyna waxa ay muujiyeen in bani aadamkuna uu la mid yahay. Sidaas awgeed dhaliishu isbeddel waara qofka uma horseeddo, inta badanna waxa ay ku abuurtaaba calool xumo.

… Ma jiraa qof aad jeclaan lahayd in aad xakamayso ama aad maamusho, ama doonayso in nidaamkiisa shaqo iyo nololeedba aad ku samayso isbeddel horumar? Haddii aad sidaas doonayso, aniga qudhaydu aad ayaan u xiisaynayaa. Laakiin maxaynu nafteenna uga bilaabi weynay?

Taas ayaa ka faa’ido badan in aynu dadka kale horumarkooda ka bilowno – dabcan kana khatar yarba. “Ha ka caban barafka saaran guriga jaarkaaga, iyada oo kadinka gurigaagu aanu nadiif ka ahayn” Sidaas waxaa yidhi, faylasuufkii Shiinaha ahaa ee Confucius.

Berigii aan weli da’ yaraa ee aan dadaalka ugu jiray in aan dareenka dadka kasbado, ayaa aan warqad doqonniimo ah u qoray Richard Harding David, qoraa mar calanka u siday hal-abuurka Maraykanka.

Waxa aan diyaarinayey maqaal aan ku qorayey majallad oo ka warramayey qoraayada, waxa aanan Davis weydiinayey in uu iga sheekeeyo hannaankiisa shaqo.

Toddobaad ka hor, marka aan warqaddan u qorayey Davis, qof kale oo aan warqad ka helay ayaa aan arkay in uu xagga hoose kaga soo xidhay ereyada ah, “Waan yeedhiyey, mana aan akhriyin”

Ereyadaasi aad ayaa ay ii soo jiiteen. Waxa ay igu abuureen dareen ah in qofka qoraaga ahi uu noqdo qof weyn oo mashquul badan, aadna muhiim u ah.

Haba yaraato ee wax mashquul ah oo aan ku jiray ma uu jirin, laakiin waxa aan u harraadana in aan Richard Harding Davis isu tuso qof mashquul badan. Sidaas awgeed, waxa aan warqaddayda ku soo gabagabeeyey hal-ku-dheggii aan qoraalka hore ku arkay, “Waan yeedhiyey, laakiin ma’aan akhriyin”

Richard waxa uu si fudud igu soo jawaabay warqad uu ku soo xidhay, “Akhlaaq xumadaada waxa keliya ee lagaga gudbi karaa waa akhlaaq xumadaada”

Waa run oo waa aan qaldamay, waxaana laga yaabaa in aan mutaystay canaantaas. Laakiin, aniguna dee bani’aadam baan ahay illeen ee waa aan ka xanaaqay qoraalkiisaa. Aad ayaa aan u cadhooday illaa heer ay gaadhay toban sanno kaddib, markii aan maqlay dhimashada Richard Harding Davis in aan ogaaday in ay weli qalbigayga ku sii jirtay cadhadaasi – In kasta oo ay xishood igu tahay in aan arrintaas qirtaa.

FG:

Waan yeedhiyey, laakiin ma’aan akhriyin : Ereyadan waxa uu qofku uga jeedaa in qoraalka warqaddan uu qof kale qoray oo uu isagu u yeedhiyey uun, markii dambana aanu akhris ahaan ka hubin, sidaas awgeed wixii qaladaad ka yimaadda loo dulqaato.

LA SOCO….

Kamaal Marjaan

Check Also

dhiiri galin guusha

Cashar Muhiim Ah

1. Nebi Muuse (CS) iyo tolkii, markii ay Fircoon iyo ciidamadiisu baacsanayeen, xilli ay nafta …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *