Buugga How To Win Friends And Influence People Ee Uu Qoray Dale Carnegie, Qeybtii Labaad

… In aynu qofka dhaliil iyo canaan u jeedinno aynu ku beddelno in aynu fahanno, kana garowno sababaha ku kallifay waxa uu falay. Waa dhaqan ka waxtar badan dhaliisha, raad toganna ku yeesha xidhiidhka qofka innaga dhexeeya, waayo waxa ay qofka ku abuuraysaa naxariis, dhibirsanaan, dulqaad iyo niyadsamaan uu ka barta dhaqanka cafiska.

In aynu ogaanno, si fiicanna u fahanno duruufaha ku xeeran gefka qofka ka dhacay, iyo dhinaca fiican ee ay arrimuhu isaga iska tuseen, markii uu qaadanayey go’aanka keenay gefka, waxa ay innagu abuuraysaa in aynu dulqaad u yeelanno gefka.

“Ilaahayba qofka ma xisaabiyo illaa ajashiisu dhammaato .. maxaa keenay in adiga iyo anigu aynu ku degdegno”.

Haddaba, qormooyinkii aynu soo dhaafnay oo aynu aad u soo koobnay, waa gogolxaadhka iyo hordhaca buugga caanka ah ee ‘HOW TO WIN FRIENDS AND INFLUENCE PEOPLE’ oo soo baxay sannadkii 1936 kii.

Dale Carnegie (1888 – 1955) oo markii uu naftiisa ina barayey isugu keen sheegay wiil reer baadiye ah oo ka soo jeeda gobalka Maraykan ee Missouri, buuggan oo ku dhowaad qarni uu jiray aan mar keliya hoos uga soo dhaadhicin rasooyinka ugu sarreeya ee khaanadaha rugaha iibka kutubta, waxa uu si fudud oo xiise badan inoogu tababarayaa tabaha tolmoon ee aynu ku kasban karno maanka iyo maskaxda bani’aadamka. Buuggan oo dunida oo dhan ku faafay, tobannaan afna lagu turjumay, waxaa ka iibsamay in ka badan 30 milyan oo nuqul, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah buugaagta loogu iibsiga badan yahay taariikhda oo dhan. Sannadkii 2013-kiina sahamin ay samaysay Rugta kutubta ee Kongareeska Maraykanka ayaa ay ku ogaatay, in buuggani uu yahay ka toddobaad ee ugu saamaynta badan taariikhda Maraykanku jiray oo dhan.

Dale Carnegie waxa uu buuggiisan ku tilmaamay ‘Buug hawleed’ ay adeegsan karaan dadka doonaya in ay naftooda ama dadka kale ku tababaraan la macaamilka dadka, gaar ahaan dadka ay shaqada ku maamulayaan. Laakiin hadda waxaa loo aqoonsanyahay in uu yahay buugga ugu fiican ee caawin kara dhismaha iyo horumarinta nafta.

Buug kasta oo arrimahaas ka hadla oo buuggan dabadii soo baxayna waxa uu ergistay qaybo ka mid ah, nuxurkiisa ama ugu yaraan nashqadda uu u abla-ablaysan yahay.

Buuggu waxa uu u qaybsanyahay mabaadii’ guud iyo xeerar ka farcama oo akhristuhu uu si fudud u xafidi karo, ugu dhaqmi karo, isla markaana naftiisa kula xisaabtami karo ku dhaqankiisa.

Qaybta dambe ee qormadan waxa aynu si kooban u dul istaagi doonnaa qaybahaas buugga, innaga oo aan ku baydhayn qisaska xiisaha leh iyo dhacdooyinka cibrada iyo casharrada xambaarsan ee uu qoraagu marar kala duwan sida milixda cuntada ugu macaaneeyey buugga.

Marka aynu soo koobno, buuggu waxa uu u diyaarsanyahay in uu akhristaha ku tababaro curinta afkaarta, galaangalka dadka ku xeeran, qancinta, kasbashada maankooda iyo qiiro iyo xamaasad gelinta dadka ku xeeran.

Si qofku uu taas u gaadhana waxa uu u dejinayaa mabaadii’ iyo xeerar aynu ku soo koobi karno sida soo socota;

QAYBTA KOOWAAD: XEELADAHA SEESKA U AH DAD LA MACAAMILKA FIICAN

XEERKA 1: Ha dhaliilin, ha cambaarayn hana canaanan:

Xeeldheereyaasha cilminafsigu waxa ay caddeeyeen habdhaqanka iyo samaha uu qofku sameeyo oo lagu abaal mariyaa, in ay ku dhiirrigeliso in uu hore ugu sii socdo. Dhaliisha iyo canaantu waxa ay qofka ku hoggaamiyaan cadho iyo Uurkutaallo xumayn karta xidhiidhkii wax ku oolka ahaa ee cidda canaananaysaa ay la lahayd.

Waxaa muhiim ah in la fahmo in qiirada, faanka iyo qabku ay saamayn ku yeeshaan dabeecadda iyo habdhaqanka dadka.

Qoraa Dale Carnegie isaga oo arrintaas ka warramaya waxa uu xeerkan ka dhigay in, ‘dhaliishu aanay waxba tarin, sababtuna ay tahay, qofka oo ay ku abuurayso dareen ah isdifaac, iyo in uu sababayn iyo marmarsiinyo u raadiyo naftiisa’

XEER 2: Niyaadsamaan iyo bogaadin daacad ah u muujio:

Baahiyaha aasaasiga ah ee bani’aadamka waxaa ka mid ah in uu jecelyahay in loo bogo, laguna bogaadiyo waxa fiican ee uu falo. Qof kastaa waxa uu u hammuum qabaa in uu dareemo wanaagga, iyo midhaha fiican ee dadaalka uu sameeyey. Sidaas awgeed, marka aynu qofka bogaadinno, isla markaana aynu tusno abaalmarinta iyo mahadnaqa uu mudanyahay, waxa uu dareemayaa raynrayn, waxa aanu niyadwanaag badan u haynayaa qofka macaamilkaas fiican uu ka helay.

La soco….

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

dhiiri galin guusha

Cashar Muhiim Ah

1. Nebi Muuse (CS) iyo tolkii, markii ay Fircoon iyo ciidamadiisu baacsanayeen, xilli ay nafta …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *