Astaamaha Waa Wayn Ee Kuu Sheegaya Haddii Jirkaaga Ay Sun Ka Buuxdo

Nolosha dunidaan casriga ah waxa ay leedahay faa’idooyin iyo khasaarooyin wada socda. Sunta ayaynu khatar ugu jirnaa maalin kasta, wayna adag tahay in la iska ilaaliyo.

Waxaa habboon in marmar la sameeyo qorshe sunsaaris ah. Qoraalkaan wuxuu kaa caawinayaa inaad ogaato caalamadaha kuu sheegaya hadii jirkaagu uu u baahan sun saaris.

Suntu waxay la socotaa cunnooyinka aynu cunno, aaladaha elektaroonika ah ee aynu isticmaalno, waxyaabaha guryaha lagu nadiifiyo, iyo waxyaabaha la isku qurxiyo ee aynu marsanno.

Kiimikada afka cilmiga ah lagu yiraahdo “free radicals” ayaa ku samaysma jirka iyagoo ka dhasha cunnooyinka, khalkhalka hormoonnada, walwalka, iyo xanuunnada kale nafsiga ah sida niyad jabka. Jirku waxa uu leeyahay habab uu sunta iskaga saaro sida oohinta, dhididka, kaadida iyo saxarada.

Sida ay xeeldheerayaashu sheegeen marmar jirku wuxuu u baahan yahay in sunta laga nadiifiyo si kor loogu caafimaadka, cudurradana loola dagaallamo. Habka sun saarista waa in lagu daraa cunno caafimaadka leh, iskuna dheellitiran si jirku uu helo dhammaan nafaqadii uu u baahnaa.

Jirku waxa uu muujiya caalamado diginin ah marka ay sun ka buuxdo sidaas darteed waa muhiim in laga nadiifiyo suntaas. Haddii aan wax laga qaban calaamadahaas waxaa dhici karta in caafimaadkaagu uu xumaado islamarkaana aad u nuglaato xanuuno badan. Si akhri qoraalkan si aad u ogaato calaamadahaas.

Hurdo la’aan:

Suntu waxay yaraysaa heerka hormoonka melatonin ee jirka, kaas oo hurdada qaabilsan. Hormoonkan oo jirka ku yaraada waxay keentaa hurdo la’aan. Haddii jirkaaga aad sunta ka nadiifisid waxay soo celinaysaa hurdaadii fiicnayd iyo xasiloonidii habeenkii.

Xayrta fuusha caloosha:

Sababaha keena dufanka ku uruura caloosha iyo dhinacyadeeda waxaa ka mid ah walwalka, stress-ka iyo caqabadaha maalinlaha ah. Suntu waxay jirka ka hor istaagtaa inuu nidaamiyo heerka sonkorta iyo dufanka dhiigga, taas oo keenta in dufan uu ku ururo caloosha.

Kulayl xad dhaaf ah

Marka jirka ay sun ka buuxdo, wadnuhu wuxuu ku qasban yahay inuu shaqada kordhiyo taas oo horseeda kulayl xad dhaaf ah. Tani waxay kordhinaysaa dufanka jirka. Dhididku waa hab dabiiciya oo jirku sunta iskaga saaro. Kulaylka xad dhaafka ah waa mid ka mid ah calaamadaha waa wayn ee ee lagu garto in jirku u baahan yahay sunsaaris.

Cillado xameetida ah:

Shaqada ugu weyn ee xameeetida waa keydinta iyo soo daynta dheecaanka bayl (bile) waqti munaasab ah si dheefshiidka loo fududeeyo. Soo deynta bayl xad dhaaf ah waa tilmaan muujinaysa in ay sun ka buuxdo jirka. Tani waxay kordhisaa halista dhagaxaanta xameetida.

Midabka carrabka oo isbeddela:

Qofka ay wanaagsan tahay xaaladiisa caafimaad waa in midabka carrabkiisu uu noqdo basali furan (midabka ubaxa oo kale) isla markaana laga dareemayo dahaar khafiif ah oo midabkiisu caddaan yahay, Haddii jirka ay sun ku ururto midabka carrabku wuxuu isu beddelaa cadaan kaliya ama huruud (jaalle) urta neeftuna way xumaataa.

Madax xanuunka raaga

Madax xanuunka raagga waa astaan kale oo muujinaysa in sun ay ka buuxdo jirka waana diginin ku tusinaynaysa in uu jirku u baahan yahay sunsaaris.

Hababka sunsaarista jirka:

Hababka jirka sunta looga nadiifiyo waxaa ka mid ah jimicsi joogto ah, soonka maalmaha isniinta iyo khamiista, iyo cabitaannada dabiiciga ah ee jirka sunta ka nadiifiya sida cabitaanka la isku daro baytaraafka, karootada iyo tufaaxa.

Qoraal kale yaan ku sharrixi doonaa cunnooyinka jirka suntan ka saara hadduu Alle Idmo.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *