Ahmiyadda Galmada Joogtada Ah Ay U Leedahay Caafimaadka Iyo Xiriirka Lamaanaha

Qormadaan waxaan kaga hadlaynaa faa’idooyinka caafimaad ee galmada joogtada ah iyo muhiimadda ay u leedahay jaceylka lammaanaha. Sidoo kale waxaan dul istaaggii doonaa waxyaabaha caqabadda ku noqda in lammaanuhu ay si joogto ah iskuga tagaan iyo sida ay kordhin karaan dadka raba inay badiyaan galmadooda.

Faaidooyinka galmadu ay u leedahay xiriirka:

Galmada joogtada ah siyaabo kala duwan ayay u caawisaa caafimaad qabka xiriirka. Tusaale ahaan, hormoonka oxytocin ee la soo daayo xilliga galmada wuxuu kobciyaa dareenka isku xirnaanta iyo kalgacalka lammaanaha.

Jacaylka oo lagu muujiyo galmada waxay kordhisaa fursadda wada joogista. Waxaa la aaminsan yahay in galmada joogtada ah ay kordhiso kalgacalka lammaanaha islamarkaana ay hoos u dhigto heerka furniinka.

Faa’idooyinka nafsadeed ee galmada:

Waxaa jira jira faa’idooyinka laxaweed iyo kuwa nafsadeed oo galmada laga helo. Galmada waxaa lala xiriiriyaa wanaajinta tayada nolosha.

  • Hagaajinta kalsoonida: Galmadu waxay wanaajisaa sawirka uu qofku naftiisa ka haysto, waxayna kor u qaadaa heerka kalsoonida naftiisa.
  • Kordhinta heerka farxadda: Daraasad lagu sameeyay dalka Shiinaha sannadkii 2015-kii ayaa shaaca ka qaaday in galmada badan ee raalliga la iskaga yahay ee tayada leh ay kordhiso farxadda.
  • Isku xirnaan badan: xilliga galmada waxay maskaxdu soo deysaa walxo kiimiko ah sida “endorphins” kuwaas oo yareeya xanaaqa iyo dareenka niyad jabka iyo oxytocin oo siyaadiya xasiloonida iyo farxadda.
  • Stress-ka iyo walwalka: stress-ka raaga wuxuu ka qayb qaata hoos u dhaca isu-tagga lammaanaha. Si kastaba ha ahaatee galmadu waa hab lagu maareyn karo walwalka. Galmadu waxay yaraysaa hormoonnada badiya stress-ka sida “cortisol” iyo “adrenaline”.
  • Wanaajinta tayada hurdada: Biyo baxa wuxuu kiciyaa soo deynta hormoonka “prolactin” kaas oo caawiya hurdada.

Faaidooyinka jireed ee galmada joogtada ah

Way fududahay in la fahmo sida ay galmadu u kobciso caafimaadka nafsadeed, balse waxay kaloo leedahay faa’idooyin jireed oo tiro badan, waxaana ka mid ah.

  • Hagaajinta qaab dhismeedka jirka: Galmadu waa jimicsi fudud, waxay u dhigantaa jimicsiyada sida socodka lugta ah ee uu qofku dheereenayo iyo koridda jarajarada. Dhaqdhaqaaqa la sameeyo xilliga galmada waxay adkeysaa murqaha caloosha iyo miskaha. Murqahaan oo la adkeeyo waxay dumarka u sahashaa koontaroolista kaadihaysta.
  • Kobcinta shaqada maskaxda: Daraasad sannadkii 2018-kii lagu sameeyay dad kor u dhaafaya 6,000 waxaa lagu ogaaday in galmada joogtada ah ay hagaajiso xusuusta dadka ku jira da’da 50 jirka iyo wixii ka wayn.
  • Xoojinta difaaca jirka: Galmada joogtada ah waxay hoos u dhigtaa xanuunnada ka dhasha difaac yarida sida hargabka iyo ifilada.
  • Dhabar xanuunka: Hormoonnada la soo daayo xilliga galmada ma ahan keliya inay kordhiyaan dareenka fayow-qabka iyo xasiiloonida balse waxay kaloo yareeyaan goonjabka iyo dhabar xanuunka.
  • Miisaan dhimista: Sida aan kor ku soo xusbnay galmadu waa nooc jimicsi ah, waxay gubtaa kalooriska. Walxaha dareenka abaalgudka ee maskaxdu soo deyso xilliga galmada waxay xakameeyaan jamashada cunnada waxayna ka qayb qaataan miisaan dhimista.
  • Caafimaadka wadnaha: Galmadu waxay ballaarisaa xididada dhiigga, tan oo kordhinaysa in oxygen-ta iyo nafaqooyinku ay gaaraan jirka oo dhan islamarkaana hoos u dhigaysa cadaadiska dhiigga.

Faaidooyinka jireed ee kale:

Qofka oo galmo ahaan firfircoon waxay kordhisaa kacsiga, waxayna subkisaa ferjiga dumarka. Galmada joogtada ah waxay yaraysaa xanuunka caadada. Biyo baxa kadib jirku wuxuu soo daayaa hormoonka loo yaqaanno “DHEA” kaas oo iftiimiya maqaarka.

Caqabadaha galmada joogtada ah:

Waxaa jira arrimo kala duwan oo caqabad ku noqon kara in lammaanuhu ay si joogto ah galmo u sameeyaan waxaa ka mid ah da’da, hormoonnada, stress-ka, balwadaha, cillado caafimaad iyo dhibaatooyinka qoyska.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *