Ahmiyada Jimicsiga Uu U Leeyahay Dawaynta Kacsi La’aanta Ragga

KACSI LA'AANTA RAGGA, JIMICSIGA,

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in jimicsigu uu xal u noqon karo kacsi la’aanta oo ah cillad ay ka sheegtaan rag badan. 

Daraasaddaan cusub ayaa lagu arkay in jimicsiga fudud uusan ka yaraysan dhanka waxtarka dawada fiyaagrada (Viagra). Waxaa intaas dheer, jimicsigu waxa uu leeyahay faaidooyin caafimaad oo tiro badan. 

Viagra waa kaniini dabciya murqaha, sarena u qaada qulqulka dhiigga ee xubinta ragga. Waxaa lagu daweeyaa kacsi la’aanta (Erectile dysfunction). 

Daraasaddani waxay daaha ka qaaday arrin xiiso leh. Raggii isku arkay isbeddelkii ugu waynaa ee howsha galmada, waxay ahaayeen kuwii xaaladoodu ay aad u liidatay markii hore. Haddaba haddii la dhiban tahay cilladda kacsi la’aanta, jimicsigu waxa uu kuu noqon karaa xal dabiici ah. 

Jimicsi intee le’eg ayaa loo baahan yahay, imisa goor baana la samaynayaa? 

Dabcan waxaad isweydiinaysaa; “jimicsi intee le’eg ayaa laga hadlayaa, intee jeer baan jiimka aadaa? 

Daraasadda waxa lagu arkay in jimicsiga fudud uu si cajiib ah u shaqeeyo, islamarkaana waxtarka uu u leeyahay dawaynta kacsi la’aanta aysan ka yaraysan dawada fiyaagrada. Ku dedaal 30 daqiiqo oo jimicsi fudud ah maalin kasta. 

Caafimaadka wadnaha iyo howsha galmada 

Waa maxay xiriirka ka dhexeeyo jimicsiga iyo kacsi la’aanta? Hagaag, waxaa la ogaaday in xiriir dhow uu ka dhexeeyo kacsi la’aanta iyo caafimaadka wadnaha. Jimicsiga, khaasattan, jimicsiyada fudud, waxay wanaajiyaan qulqulka dhiigga iyo shaqada wadnaha, taas oo ka dhigaysa mid u fiican wadnaha iyo nolosha jaceylka (galmada). 

Daraasaddaan waa mid lagu kalsoonaan karo waxayna iftiimisay in jimicsigu uu faaido wayn u leeyahay dawaynta cilladda kacsi la’aanta.  

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *