6 Fitamiin Oo Daweeya Kacsi La’aanta Raga & Cunnooyinka Hodanka Ku Ah

kacsi la'aanta raga, howlgabka kacsiga,

Kacsi la,aantu waxa ay dhaawici kartaa kalsoonida qofka, tayada nolosha iyo xiriirka lammaanaha. Fitamiinnadu waxay ka mid yihiin nafaqooyinka muhiimka ah ee caawiya wanaajinta howsha galmada iyo daweynta ama ka hortagga cilladaha galmada sida kacsi la’aanta raga, taas oo saamaysa 58.9% ragga dunida ku nool ee ay da’doodu u dhexeyso 30 illaa 80 sano jir.

Haddaba qormadan waxaan kaga hadlaynaa fiitamiinnada hagaajiya cillada kacsi la’aanta iyo weliba ilaha ugu fiican ee laga helo.

Waa maxay kacsi la’aanta raga?

Kacsi la’aantu waa cillad caafimaad oo ragga ku dhacda, waa marka ninka uu heli waayo kacsi amaba uusan xaji karin kacsi ku haboon galmo.

Kacsi yari la dareemo muddo gaaban ama dhowr jeer lama oran karo howlgab kacsi, taasi waxay badanaa la xiriirtaa dareenka nafsadeed ee uu qofku ku sugan yahay xilligaas, erayga “Howlgabka Kacisga” waxaa loo isticmaalaa dadka aanan marnaba awoodin in ay kacsadaan, inta badan xaaladahaan waxaa sabab u ah cudurro jirka ah.

Fitamiinnadu miyay daweyn karaan kacsi la’aanta raga?

Jidhkeennu wuxuu u baahan yahay fiitamiinno si uu guto shaqooyinkiisa oo ay ku jirto ilaalinta caafimaadka habdhiska taranka. Sida ay daraasaadku tilmaamayaan waxaa jira xiriir ka dhexeeya fiitamiinnada aasaasiga ah iyo daweynta kacsi la’aanta.

Fiitamiinnadani waxa ay caawiyaan hagaajinta ama ka hortagga xanuunnada korhdhiya halista kacsi la’aanta sida xanuunnada ku dhaca wadnaha, waxay kobciyaan qulqulka dhiigga ee gaadhaya xubnaha taranka, waxay kaloo kordhiyaan soo saarista hormoonka galmada ragga ku shaqo leh ee testosterone, sidaas darteed waxay ka qeyb qaataa  daweynta kacsi la’aanta ragga.

Fitamiinnada kacsi la’aanta waxaa badanaa looga faaidaystaa “supplements” ahaan (dheeraad ah), iyadoo lagala tashanayo khabiir caafimaad. Sida oo kale khabiirku wuxuu kugula talin karaa inaad qaadato cunnooyinka qaniga ku ah fiitamiinnadan ee aan qormadan ku xusayno.

Fitamiinnada u fiican kacsi la’aanta raga:

1. Fitamiin D:

Sida uu sheegay Joornaalka Caafimaadka iyo Nolosha, marka fitamiin D uu jirka ku yaraado waxaa siyaada heerka kolestaroolka waxaana hoos u dhaca heerka hormoonka “testosterone”, tani waxay ka qeyb qaadan kartaa kacsi la’aanta.

Bukaannada qaba kacsi la’aanta waxaana badanaa lagu arkaa in fiitamiin D-gu ku yaryahay, taas oo sababta in heerka hormoonka testosterone uu hoos u dhaco, islamarkaana daciifisa shaqada murqaha wadnaha,

Sidaas darteed ilaha hodan ku ah fitamiin D sida qorraxda iyo cunnooyinka waxay wanaajiyaan qulqulka dhiigga ee gaaraya xubinta taranka, waxay yareysaa hurka (inflammation), waxayna ka shaqaysiiyaa soo saarista “testosterone” sidaas awgeed waxay hagaajisaa xaaladda dadka qaba howlgabka kacsiga. Waxaa kale oo uu fitamiin D ka hortagaa xanuunada ku dhaco wadnaha, taas oo ka mid ah waxyaabaha keena howlgabka kacsiga.

Cunnooyinka qaniga ku ah fitamiin D: Kalluunka duxda leh, burcadka (cheese), ukunta, siiriyaalka, caanaha iyo cunnooyinka laga sameeyo.

2. fitamiin E:

Fitamiin E waa sunsaare awood leh. Shaqooyinkiisa waxaa ka mid ah, ka hortagga dhaawaca waxa loo yaqaanno “oxidative stress”, xoojinta difaaca jirka, ilaalinta soo saarista hormoonnada, wanaajinta shaqada neerfaha iyo kobcinta wadnaha..

Dhammaan xaaladaha aynu soo xusnay waxa ay keeni karaan kacsi la’aanta, fitamiinka E-guna waxa uu caawiyaa yareynta ama wanaajinta howlahaas. Fitamiin E oo lala isticmaalo geedka “Ginseng” waxay caawisaa daweynta kacsi la’aanta raga.

Cunnooyinka hodanka ku ah fitamiin E: lawska, khudradda cagaaran, babaayga, baradhada macaan. iyo saliidaha dabiiciga sida saliid macsarada.

3. Fitamiin B9 ama folic acid:

Fitamiin B9 waxaa uu hoos u dhihaa kacsi la’aanta.

“Homocystein” waa amino asiidh lala xiriiriyo xinjirowga dhiigga iyo cudurrada sida howlgabka kacsiga iyo dhan-qallalka (stroke). Fitamiin B9 waxa uu caawiyaa in jirku uu burburiyo barootiinta “homocystein” waxaana uu ka hortagaa cudurradas.

Cunnooyinka hodanka ku ah folic acid ama fitamiin B9: digirta, lawska, cunnada badda, iyo miraha gabaldayaha ( sunflower seeds).

4. Fitamiin B3:

Daraasad ayaa iftiimisay in fitamiin B3 ama niacin uu hoos u dhigo kolestaroolka jirka islamarkaana uu hagaajiyo kacsi la’aanta.. Daraasadda waxaa lagu sameeyay 160 qof oo qaba howlagabka kacsiga iyo kolestarool kacsan. Waxaa la siiyanayay 1500 mg oo niacin ah maalin kasta muddo 3 toddobaad ah, waxaana la arkay inay xaaladooda ay haaagtay.

Cunnooyinka hodanka ku ah niacin: Hilibka, digirta, baradhada macaan, badarka, lawska iyo miraha afakaadhada.

Fitamiin B12:

Xiriirka weyn ayaa ka dhexeeyo heerka fitamiin B12 ee jirka iyo kacsi la’aanta. Dhiig karka, kolestaroolka kacsan iyo sigaar cabbistu waxay ka mid yihiin sababaha keeba howlgabka kacsiga. Fitamiin B12 si la mid ah fitamiin B9 waxa uu caawiyaa burburinta amin asiidhka “homoscystein” ee jirka, wuxuuna ka hortagaa cilladaha aynu soo xusnay ee sababa kacsi la’aanta.

Cuntooyinka hodan ku ah fitamiin B12: kilyaha iyo beerka xoolaha, hilibka, misirta, caanaha iyo koostada.

Fitamiin C:

Daraasado dhowr ah ayaa iftiimiyay in fitamiin C uu yareeyo dhaawaca ay xubnaha taranka gaarsiiyaan waxa loo yoo yaqaanno “oxidative stress” uuna ilaaliyo shaqada xubanahaas. Sidaas darteedna uu caawiyo kobcinta soo saarista hormoonka testoterone iyo daweynya kacsi la’aanta raga.

Sida oo kale, wuxuu caawiyaa hoos u dhigista miisaanka jirka iyo xubnaha taranka sida xiniinyaha, iyo hagaajinta socodka xawada (sperm motility).

Cunnooyinka hodan ku ah fitamiin C: Noocyada liinta, barbarooniga, basbaaska, kaabajka, koostada, cananaaska, iyo yaanyada.

Akhriso: Cuntooyinka uroon ragga

Ugu dambeyntii, ku dedaal cunnooyinka qaniga ku ah fitaamiinnada aynu soo xusnay si aad sare ugu qaado caafinaadka xubnahaaga taranka. Fitamiinnadani waxay kobciyaan quluqulka dhiigga ee gaaraya guska, waxay ka hortagaan halista cudurrada ku dhaco wadnaha, waxayna ka shaqaysiiyaan soo saarista hormoonka testosterone.

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *